Xarakada Alshabaab oo saaka la wareegay Deegaanka Ceel Baraf ee G/Sh/Dhexe

By waajid

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa waabarigii saaka howl gallo is ballaarin ah ku gaaray deegaano ka tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe, halkaasoo maalmihii la soo dhaafay ay isku uruursanayeen Ciidamadii Maxkamadaha ee laga saaray Magaalooyinka Jowhar iyo Mahadaay.

Ciidamadan oo ahaa kuwo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa shalay soo gaaray Magaalada Jowhar, kuwaasoo ka yimid dhinaca Muqdisho, waxaana ay isla xalay u dhaqaaqeen deegaano dhowr ah.

Deegaanka Ceel baraf oo ahaa saldhig weyn oo ay isku abaabulayeen Ciidamadii Maxkamadaha ayaa la sheegay inay halkaas saaka si nabad kula wareegeen Xarakada Alshabaab, waxaana la ogeyn halka ay afka aadiyeen Ciidamadii kale ee ku sugnaa.

Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ayaa sheegaya in Xoogaga Alshabaab ay ka wadaan deegaanka Ceel Baraf iyo deegaano kale howl galo ballaaran, waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socda saraakiisha hogaamineysa ay la hadlaan dadka.

Leave a Reply