Gudoomiyaha Baarlamaan Sheikh Aadan Madoobe oo ka qeyb-galaya dabaldega xornimada Jabuuti oo ku aadan maanta Jun 27

By waajid

Dowladda Federaalka KMG ah, gaar ahaanh Madaxweynaheeda Sheekh Shariif Sh. Axmed ayaa isagu si gaar ah uga hadlay xuska maalinta xornimada dalka Jabuuti, waxaana qoraal dheer oo ka soo baxay xarunta madaxtooyada Soomaaliya u Madaxweyne Shariif uga hadlay arrimaha dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti, hase yeeshee aqristayaasheena ayaan u door bidnay inaan u soo gudbino nuqul ka mid ah warqadii uu Madaxweynaha ku nuux nuuxsaday, waana tan iyadoo sideeda u qoran:-

Warsaxaafadeed
Ref: 1505/W/WWM/09
Khamiis: 26-06-2009

Hanbalyo ku aadan Maalinta Xuriyada Dalka Jabuuti

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Sharif Sheekh Axmed isagoo wakiil ka ah dhamaan Shacabka Soomaaliyeed meel walbuu joogaba waxaa uu dhanbaal hanbalyo, u diray Madaxweynaha Dalka Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, taasoo ku aadan sanadguurada 32-aad ee xurnimada Dalka Jabuuti(June 27, 1977). Madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu tilmaamay iney xurnimada Jabuuti, ay farxad u ahayd dhamaan shacabka Soomaaliyeed , sida Ummada Jabuuti ay guul iyo raynrayn ugu ahayd.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhanbaalkiisa hanbalyo ku sheegay in “Xiriirka ka dhaxeeya labdeena dal inuu ka qoto dheer yahay midka ummadaha kale ka dhexeeya, maxaa yeelay keenu waa mid ku saleysan dhiig, dhaqan, af iyo diin intaba.

Taasina waxay aad usii caddaatay wixii ka dambeeyey 1990; markii dowlada Soomaaliyeed uu burburku ku dhacay ee dagallada sokeeye ay dalkaygii iyo dadkaygiiba aafeeyeen”

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Adan Maxamed Nuur iyo wafdi uu hogaaminayo ay kala qeyb galayaan dabaaldaga sanadguuradii 32 aad ee ka soo wareegtay xurnimada Jabuuti taasoo muujinaysa xiriirka walaaltinimo ee qotoda dheer.

Leave a Reply