Qarax miino oo dhimasho iyo dhaawac sababay ayaa maanta waxaa lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda KMG ah ee soomaaliya.
Qaraxani oo ka dhacay xaafada 21-ka octopar degmada Waaberi ee gobolka Banaadir islamarkaana lala eegtay gaari market two ah oo ay wateen ciidamo katirsan kuwa dowladda KMG ah ayaa waxaa ku geeryooday inta la ogyahay ilaa 1-qof oo rayid ah waxaana ku dhaawacmay 2-kale oo iyna rayid ah .
Dakdka ku dhaqan degmada Waaberi ayaa waxa ay sheegeen in qaraxaasi uu sababay dhimashada iyo dhaawaca dad rayid ah kuwaasi oo agdhawaa goobta qaraxa miino uu ka dhacay.
Lama oga wax qasaaro ah oo soo gaaray ciidamadii gaariga sarnaa ee qaraxa lala eegtay oo ahaa sida la sheegay ciidamada booliska dowladda KMG ah.
Dhanka kale Askari katirasanaa ciidamad dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa maanta waxa uu ku geeryooday degmada Dherkeenley ee gobolkaani Banaadir.
Geerida askarigan ayaa timad kadib markii sida la sheegay qarax bam la gutuuray ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliye ee ku sugan degmada Dherkeenleey ee gobolka Banaadir ,waxaana sidoo kale qaraxaasi ku dhaawacmay askari kale oo katirsanaa ciidamada dowladda KMG oo isna goobta qaraxa lagu tuuray ku sugnaa.
Wararka laga helayo degmada Dherkeenleey ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay shegaayaan in marka uu falkaasi dhacay ka dib ciidamada dowladda KMG ah ee ku sugan halkaasi ay xireen dhamaanba dhaqdhaqaaqi ganacsiga iyo isku socodka dadweynaha ee xaafadaha degmad Dharkeenleey ka jiray, inkastoo barqanimadii maanta uu dib u soo laabtay dhamaanba isku socodka dadka iyo gaadiidka ee halkaasi ka jiray.