Shaki kuma jiro in go’aanka soo yeeray Baarlamaanka ee lagu eriyay dhawr xildhibaan oo baarlamanka ka tirsanaa uu yahay go’aan siyaasadeed muddo laga soo shaqeynayay,waxaa la yiri fuli hantiisa ma mooga micno dharbaaxadan meesha ay ka socoto kuwa la eriyay ma mooga oo waa ay dareensan yihiin.
Warar hoose ayaa sheegaya in sababta xubnahan Baarlamaanka laga saaray ay tahay ka hadalka xildhibaanadan ay ka hadleen heshiiska Wasiirka Maaliyadda la galay shirkadda Price Water House Cooper PWC, oo xagga xisaabaadka qaabbilsan,taas la sheegay in ay maamuli doonto dhaqalaha Dowladda KMG ah.
Ilo muhiim ah oo lagu kalsoon yahay ayaa waxay sheegayan in Madaxweynaha,Ra’iisal Wasaaraha,Guddoomiyaha Baarlamaanka oo fikirkan ka dhaadhiciyay Wasiirka Maaliyadda ahna Ra’iisal Wasaare kuxigeen Shariif Sh Aadan oo isagu sabab u ah heshiiskan lala galay shirkan iyo heshiiska kale ee ku saabsan Badda ee lala galay Dowladda Kenya.
Shariif Xasan isagoo ka duulayay kulamo Magaalada Nairobi ku yeeshen Xildhibaano uu ka mid yahay Cali Maxamed Geeddi,Buubaa iyo Cali Baashi loogana hadlayay dhamaan heshiisyadaas ayuu qaaday tallaabo qaloocan oo uu ku burburinayo Baarlamanka iyo Dowladda KMG ah.
Go’aankan haddii si loo eego waa sharci laakiin waxaa is weydiin mudan Xildhibaannadan la eriyay ma iyaga ayaa ugu horeeyay oo imaan waayay shirarka Baarlamaanka,mise waxaa jira xubno aan soo xaadirin weligood fadhiyada baarlamaanka.
Sida muuqata Shariif Xasan waxaa uu eegay danihiisa Siyaasadeed,wuxuu dareemay in ay khatar ku yihiin xubnahan heshiisyada uu la soo galay shirkad maamuli doonto dhaqaalaha Dowladda.
Sh Aadan Madoobe waxaa uu yiri nimankan qaran dumis ayaa loo haystaa, yaa ka weyn Shariif Xasan oo Qaranka Somaliya dhibaato ku ah,isagoo xitaa lunsaday ama iibsaday qeyb ka mid ah Qaranimadii somaliya.
Waxaa muuqata in Afhayeenka Baarlamaanka lagu qasbay inuu go’aankan qaato,waxaana ka dambeeyay sida la sheegay Shariif Xasan Sh Aadan.
Bal eeg, Baarlamaankii ayaa weysan meel uu ku shiro, Madaxweynaha waxaa ilaaliya AMISOM,Ra’iisal wasaaraha sidoo kale Afhayeenka Barlamaanka sidoo kale Xildhibaankii yaa ka mas’uul ah amaankiisa horta inta aan qodob la sheegin waxaa ka horeeya in ammaanka la sugo markaas ayay xildhibaannada isku aamini karaan in ay dalka tagaan.
Xildhibaanada digniinta la siiyay waxaa ku jira Cali Maxamed Geeddi, balse warar hoose ayaa sheegaya in Geeddi is casilaadiisa qodobadii lagu heshiiyay ay ka mid ahaayen inaan la taaban karin xilkiisa, haddaba sidee loo wajihi doona xil ka qaadista Geeddi.
Haddaba go’aanka Baarlamaanka ee Sh Aadan Madoobe soo saaray waxaa loo arkayaa inuu yahay mid siyaasadeed oo ay ka dambeeyan xubno Shariif Xasan ka mid yahay,iyadoo loo cuskanayo arrintan xildhibaanadan la eriyay in ay mucaarad ku yihiin Xukuumadda Cumar C/rashiid iyo Xildhibaanadan oo diiday heshiisyada Badda kenya iyo somaliya iyo midka shirkadda Price Water House Cooper PWC, oo xagga xisaabaadka qaabbilsan.
Dowladda KMG ah ayaa waxay noqotay Guri uu maamulo Shariif Sh Aadan waxay lumisay Dowladda nidaamkii Xukumad lagu yiqiinay,waxay sheekadu noqotay qofkii aan shariif Xasan rabin Baarlamaanka waa laga erinayaa.