Sh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur Afhayeenkii hore ee kooxda Al Shabaab ayaa sheegay inuu qaati ka taagan yahay qaar ka mid ah saxaafadda somaliya isagoo caddeeyay in marka uu is barbar dhigo Saxaafadda somaliya iyo kuwa Caalamka uu garwaaqsaday in cadawgiisa koowaad ay yihiin kuwa somaliya.
“Maalin Magacayga lagu soo qorin Bogaga Internedyada Somaliya ma laha,aniga afhayeen ma ihi,maxay tahay sababta la ii daba taagan yahay oo wararka aanin jirin laga qorayo waa garan waayay”ayuu yiri Abuu Mansuur midnimo.com u waramayay.
Sh Mukhtaar Roobow Cali waxaa uu soo qaatay hadal uu qoray Bogga wararka daabaca ee http://www.somalida.net kuna saabsanayd in Halis ku jirta Nolosha Abuu Mansuur,faaladaas oo sidoo kale muujinaysay cadaadis Roobow ugu yimid Guddoomiyaha Shabaab Axmed Cabdi Godane.
“Waa been, warkaas aniga iyo Amiirkayga wax khilaaf ah nagama dhaxeeyo warkaas sal iyo raad midna ma laha,aniga waxaan ahay askari shabaab ka tirsan, noloshayda waxay la mid tahay tan mujaahdinta oo kale”ayuu sii raaciyay warkiisa Roobow.
Mukhtaar Roobow waxaa uu sheegay in maalin uu Maxkamad soo taagi doonaan maamulka somalida.net,isagoo sheegay inaan looga hari doonin waxyaabaha ay qoraan boggaas iyo bogaga kale ee somalida leeyihiin.
Sidoo kale Roobow waxaa uu canaantay isla boggan midnimo.com oo uu ku sheegay bog ka soo horjeeda kooxda shabaab oo uu taageero dowladda KMG ah.
Sheekh Mukhtaar Roobow waxaa uu sheegay in marar badan u dul qaatay wararka ay ka qoraan saxaafadda somaliya balse hadda wixii ka dambeeya uu la xisaabtami doono.
July 31, 2009 at 9:33 pm |
Maxamed Ibrahim Xaabsade oo ah Wasiirka Gaadiidka Badda ma aha qof wax bartay sidaa awgeed ka daa DR in aad siisid haddii kale waxan soo qori doonaa article iyo wax tusaya waxa uu qaban jiray waagii hore. Fadlan runta sheega.
Mahadsanid