Hilary Clinton oo la kulmi doonto Madaxweyne Shariif

Hilary Clinton ayaa waxaa lagu wadaa in toddobaadka soo socda uu socdaal uga billowdo 7 dawladood oo African ah ku yaalla Saxaraha Koonfurta iyo bartamaha Afrika, waxayna inta ay ku gudo jirto socdaalkaasi ay booqasho ku imaanaysaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasoo ay sheegtay inay qorsheysay inay kula kulanto madaxweyne Shariif Sheekh Axmed iyo xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda.

Kulankan ayaa looga hadli doonaa xaaladaha ka jira Soomaaliya iyadoo si gaar lagu eegi doono taageerada ay Dowladda weydiisatay caalamka ee ku aadan milateri iyo dhaqaale.

Madaxweyne Shariif ayaa u socdaali doono Nairobi maalmaha soo socda si uu halkaas ugu sii dhowaado ka hor inta uusan dhicin kulanka labada dhinac, waxaana la filayaa inay ka wada hadlaan arrimo badan oo ku saabsan Soomaaliya.

Waxyaabaha ay ka wada hadli doonaan ayaa waxaa ka mid ah Arrimaha Burcad badeedka, la dagaalanka Argagixisada iyo sidii Dowladda KMG looga gacan siin lahaa tababarka Ciidamada Dowladda iyo sidii ciidamo nabad ilaalin loogu yaboohi lahaa.

Sida shaacisay kulanka Waaxda Arrimaha Dibada Mareykanka ee u qaabilsan Afrika Mss Clinton ayaa darsi doonta xaalada soomaaliya oo Mareykanka xilligan aad u daneynayo iyo sidii wax badan laga badali lahaa siyaasada soomaaliya.

About these ads

One Response to “Hilary Clinton oo la kulmi doonto Madaxweyne Shariif”

  1. john food Says:

    MAXEY U SO KORDHIN KARTAA SHARIIFKAAN AAD IYO AADKA U LIITO?

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 31 other followers

%d bloggers like this: