Xarunta Golaha wakiilada Maamulka S/land waxaa maanta ka dhacay isu soo baxyo iyo Mudaharaadyo ann qorsheysnayn oo ay dhigayaan dadweyne fara badan oo ka cadhaysnaa fara gelin AY ciidamada amaanku ka sameeyeen golaha wakiilada dhexdiisa.
Mudaharaadadan ayaa ka dhashay fadhigii maanta ee golaha wakiilada oo la keenay ciidamo aad u fara badan oo boqolaal ah kana badan kuwii shalay kuwaas oo rasaas fara badan ku riday shacabiga ku suganaa xayndaabka xarunta Wakiilada .
Dadweynaha mudaharaadayey ayaa ku dhawaaqaya ereyo lidi ku ah Maamulka Riyaale iyaga oo ku dhawaaqaya is casil, ha dhaco Riyaale Daahir Rayaale ayuu dalkani eeday, Dimuquraadiyaddii ayuu Daahir Burburiye .
Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada iyo Booliska ayaa rasaas Nool ooda kaga qaaday Dadweynihii isu soo baxay, waxayna Baacsadeen Dadweynaha iyaga oo u adeegsanyaan rasaas nool oo ay ku ridayaan Dadweynaha sidoo kale waxay u adeegsadeen Budhadh Ulo iyo Qoryaha dabadooda kuwa ay gaadhaan , dadweynahaas oo u badan Dumar iyo dhalinyaro waxay Ciidamadu qabqabteen Tiro dad ah oo ay ku gureen baabuurta Bilayska .
Sidoo Kale Saraakiisha Booliska ayaa ka hor istaagay qaybaha saxaafada inay galaan xarunta wakiilada iyadoo ay iska dhaga mareen codsi shirgudoonka ka yimi oo ahaa in la soo daayo saxafada .
Ka hor intaa aan dadweynaha Rasaasta lagu kala eryin ayaa waxa soo baxay Gudoomiyaha Wakiilada oo dadkii u sheegay in fadhigi ku dhamaaday si degan guddina ay u saareen xalinta arintan goluhuna ay fasax galiyeen bari isuguna soo noqon doono maalinta salaasada sidaana ay ku kala dareeraan Dadweynuhu kana tagaan bacadka.
Geesta Kale Dadweynaha Gadoodsanaa ayaa Wasiirka Duulista Hawada Md Cali Warancade ayay dadkii Mudaharaadayay ku joojiyeen Wadada Tagta Madatooyada isga oo maraya iyaga oo ku dhawaaqayay hadii aad wax dhawrsanayso .
Waa inaad is casisho.
gadoodkan ka dhacay magaalada hargeysa ayaa daba socda khilafaad cakiran oo hadheeyey maamulka S/land kasoo ka dhaxeeya hogaamiyayaasha xusbiyada mucaaridka iyo Hogaanka sare ee s/land, golayaasha barlamaanka oo dhexdooda uu ka abuurmay qas iyo qalalaase keenay gacan ka hadal, iyo golaha guurtida oo laftiisu qayb ah khilaafaadka taagan.
Isku soo duuboo siyaasadda S/land ayaa u muuqata mid gashay xaalad cakiran oo aanay muuqan wadooyinkii ay xalka maadaaba ay hayadihii samata bixintu ay manta qayb ka yihiin mashaakilka siyaasadeed ee ka jira S/land.