Archive for September, 2009

Maamulka Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab oo galabta xiray mid ka mid ah Idaacadaha madaxa banaan ee ku yaala Magaalada Baydhabo.

September 30, 2009

Ciidamada islaamiga degmada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa waxaa ay galabta albaabada isugu dhifteen Idaacada Warsan oo aheeyd Idaacad madax banaan oo ku taala Magaalaasi iyagoo horay u watay qaar ka mid ah wariyaasheeda.

Wararka laga helayo Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa sheegay in galabta Xarunta Idaacada Warsan ee magaalada Baydhabo ay galeen ciidamo ka tirsan Maamulka Islaamiga ee Magaaladaasi kuwaasi oo shaqaalaha Idaacada amar ku siiyay inay damiyaan idaacada,waxaana ay horay u kaxeysteen qaar ka mid ah maamulka iyo wariyaasha Idaacada.

Ciidamada oo la sheegay in aysan wadan warqado cadeyn ah ayaa waxaa ay kaxeysteen Agaasimihii Idaacadaasi Hilaal Sheekh Shuceyb iyo Max’ed Aadan oo ka mid ahaa wariyaasha Idaacada Warsan ee magaalada Baydhabo kuwaasi oo la sheegay in ay ula dhaqaaqeen saldhiga magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Qaar ka mid ah shaqaalaha Idaacadaasi oo aan xariir la samaynay ayaa waxaa ay inoo sheegeen in aysan garanayn sababta dhabta ah ee ka dambaysa in Maamulka islaamiga ee degmada Baydhabo uu u xiray Idaacada Warsan iyo Agaasimaheed.

Waxaa ay sheegeen in xiligii ciidamadu ay gudaha u galeen Idaacada in ay ku wargaliyeen in Idaacada ay jabisay Sharciyo uu horay Idaacada Magaalada ugu soo saaray Maamulka islaamiga ee Magaalada Baydhabo taasoo aheeyd in la mamnuuco heesaha laga sii daayo idaacadahaasi.

Wariyayaasha idaacadaasi ayaa meesha ka saaray in heeso ay ka baxaan Idaacada iyagoo sheegay in ay horay ugu hogaansameen amarkii maamulka islaamiga ee magaalada Kismaayo.

Waxaa jiray kulan shalay Maamulada Idaacada Kismaayo iyo kan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ay ku yeesheen Magaalada Kismaayo taasoo looga hadlayay in xiliyada aadaanka salaadaha Idaacaduhu ay xariir la sameeyeen Masaajidada Magaalada Kismaayo,waxaana la sheegayaa in Idaacada Warsan cilida dhinka Taleefanka ay maanta u suurta galin in ay la xariiraa Mu’adanada Masjidyada Baydhabo taasoo keentay in isla galabta albaabada loo laabo Idaacada.

Wali ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka islaamiga ee magaalada Baydhabo oo ku aadan xariga lagula dhaqaaqay agaasimaha Idaacada Warsan iyo wariyaheeda iyagoo aan ka hadlin wali sababta loo damiyay Idaacada.

War deg deg ah: Maamulka Islaamiga Kismaayo oo yeeriyay seerigii dagaalka iyo dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ka bilowday

September 30, 2009

Maamulka Islaamiga ee Magaalada Kismaayo ayaa goor dhow ku dhawaaqay dagaal ay la galayaan Ciidamada uu wato Sheekh Axmed Islaan oo ay ku tilmaameen nin qorsheynaya inuu bur buriyo Maamulka Islaamiga Kismaayo.

Sheekh Xasan Yacquub ayaa goor dhow Idaacada Andulus ee ku hadasha Afka Xarakada Alshabaab ka yeeriyay seeriga dagaalka, isagoo sheegay in lama huraan tahay in dagaal la galaan Sheekh Axmed Islaan oo ka mid ah saraakiisha Xisbul Islaam.

“Ninkaan Axmed Madoobe la yiraa, wuxuu magaalada ka bilaabay qas iyo fowdo, ciidamadiisana waxay dib ugu celin rabaan burcadnimadii, sidaas darteed wuxuu maamulka go’aansaday inuu la dagaalamo”ayuu yiri Sheekh Xasan Yacquub.

Xasan Yacquub ayaa ku eedeeyay Sheekh Axmed Madoobe inuu hab qabiil wax u wado, isagoo sheegay in deegaanadiisa uu uga soo tagay bur burinta Maamulka Islaamiga.

Waxaa uu ugu baaqay Ururka Xisbul Islaam in aysan ku taageereyn tallaabooyinka uu wado Axmed Islaam isla markaana aysan garab siin, waxaana uu ku hanjabay in dagaal ay la galayaan.

Kadib markii hadalka Xasan Yaqcuub magaalada laga maqlay ayaa durba waxaa bilowday dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo diyaar garow dagaal, iyadoo gebi ahaanba ay xirmeen isu socodkii gaadiidka, waxaana la kala fasaxay Ardaydii Iskuulaadka magaalada.

Dhaq dhaqaaqyada ciidan ee ka jirta Kismaayo ayaa ah mid aan ka fursan karin dagaalo ka dhex dhaca Islaamiyiintii markii hore ku mideysneyd dagaalkii Kismaayo, hase ahaatee isku qoomay Kheyraadka Magaalada.
Warar hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in Xarakada Alshabaab oo maamul deg deg u sameysay Gobolada Jubooyinka iyo Magaalada Kismaayo.
Iyadoo uu cirka isku sii shareerayo Khilaafka ka taagan Maamulka Kismaayo ee ay horay ugu mideysnaayeen Saddex garab oo Islaamiyiin ah ayaa Maamul cusub Xarakada Alshabaab galabta kaga dhawaaqday Gobolada Jubooyinka iyo Magaalada Kismaayo.

Maamulka Guud ee Jubooyinka ayaa lagu sheegay mid ay hoos imaanayaan dhamaan Degmooyinka ay leeyihiin Goboladaas, waxaana si rasmi loogu mataaneeyay Maamulada kale ee ka jira Gobolada dalka ee sida tooska u hoos taga Shabaab.

Afhayeenka Xarakada Alshabaab Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay inay ka gudoomeen walaalahooda Maamulkii Islaamiga Kismaayo ku biiritaanka Maamulada Alshabab ee Gobolada dalka, isagoo sheegay in Maamul cusub ay u magacaabeen Jubooyinka iyo Kismaayo.

Afhayeenka Shabaab ayaa sheegay in Maamulkii Kismaayo uu ka koobnaa saddex darad, oo ay dhisteen dhisteen, isagoo sheegay ragii ay maamulka u magacaabeen ay go’aansadeen inay la midoobaan Alshabaab.

“Waxaad ogtihiin Maamulka Islaamiga Magaalada Kismaayo uu ka koobaan sadax daraf sadaxdii daraf oo maamulka dhistay ragii ay u magacaabeen maamulka ayaa go’aansaday in ay walaalahoodaasi ay la midoobaan waxaana leenahay inaguna soo dhawaada”ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Isagoo shir jaraa’id ku qabtay qadka taleefanka ayaa waxaa uu ka hadlay khilaafka ka taagan Magaalada Kismaayo isagoo sheegay inuu dadka soo xusuusinayo qabiilkii sanad ka hor ka jiray magaalada oo uu sheegay in magaalada aheyd mid dhib badan ka taagnaa

Ugu dambeyn Afhayeenka Alshabaab ayaa xusay magacyada Maamulka uu ka kooban yahay Jubooyinka iyo inta ay kala yihiin, iyadoo uu sidan ugu dhawaaqay:

Maamulka Guud ee ay hoostagaan degmooyinka ubooyinka

1-Waaliga Walaalayada Islaamiga ee Jubooyinka :-Sheekh Abuu Bakar Al Saylici
2-Kuxigeenka W/Walaayada Islaamiga ee jubooyinka:-Sheekh Xuseen Cabdi Geedi
3-Taliyaha Xisbada Guud ee Walaayada Jubooyinka:-Sheekh Aadan Salaad C/raxmaan.
4-Taliye Ku Xigeenka Xisbada Walalayada jubooyinka:-Sheekh Ciise Sheekh Max’uud.
5-Masuulka Dacwada Walaayada gobolada Jubooyinka:-Sheekh C/raxmaan M.Nuur
6-Ku xigeenka Masuulka Dacwada Jubooyinka:- Sheekh c/naasir Yuusuf Cabdule
7-Masuulka Maaliyadda Walaayada Islaamiga ee jubooyinka:-Cabdi Wali aadan Max’ed
8-Ku xigeenka Maaliyadda ee Maamulka Jubooyinka:-Yuusuf Saciid Tooxin
9-Masuulka Warfaafinta ee Walaalayada Jubooyinka:-Sheekh Xasan Yacquub Cali
10-Ku xigeenka Madaxa Warfaafinta ee Jubooyinka:-C/Fitaax Ibraahim Cali
11-Masuulka Hormarinta Walaayada Jubooyinka:- Sheekh Farxaan Daahir Warsame
12-Ku xigeenka Masuulka Hormarinta Jubooyinka:-Sheekh C/raxiin Cali Muudeey
13-Masuulka diiwaanka Sakada ee gobolada Jubooyinka:-Sheekh Fu’aad Sheekh Axmed.

Maamulka Magaalada Kismaayo

1-Gudoomiyaha degmada Kismaayo:-Ugaas Max’ed Ugaas Cabdule
2-Taliyaha Ciidanka Xisbada ee Kismaayo:-Sheekh C/raxmaan Cali Axmed
3-Taliye ku xigeenka Xisbada Kismaayo:-C/raxmaan Wacdi Barre (Carab)
4-Masuulka Dacwada ee Maamulka Kismaayo:-Sheekh Ibraahim C/raxmaan
5-Masuulka Garsoorka degmada Kismaayo;-Sheekh C/raxmaan Xuseen Jarato
6-Iyo Sheekh C/qani Max’ed Yuusuf Kaba Jecel oo horay u ahaa ku xigeenka waaliga Magaalada Kismaayo islamarkaana haatan laga dhigay xigeenka Waaliga Goboka Sh/hoose.

Magacaabistaan Xarakada Alshabaab ay maamulka ugu magacaabeen gobolada Jubooyinka ee koofurta Soomaaliya ayaa imaanaysa xilli Magaalada Kismaayo oo xarun u ah gobolka Jubada Hoose uu ka taagan yahay khilaafkii ugu darnaa ee soo kala dhex gala Xarakada Alshabaab iyo Ururka Xisbul Islaam oo isku kaashan jiray la dagaalanka ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM.

Meydka Nin qoorta laga jaray oo la soo dhigay Xaafada Suuq Bacaad

September 29, 2009

Meydka Wiil dhalinyaro ah oo qoorta laga gooyay ayaa saaka la soo dhigay Xaafada Suuq Bacaad ee Degmada Yaaqshiid, kaasoo dadka deegaanka ku beeray cabsi xoogan.

Dad soo arkay muuqaalka wiilkaas ayaa sheegay in da’diisu ay u dhaxeysay 20 jir ilaa 25, iyadoo qoorta laga jaray ayna hareer taalay.

Wiilka dhalinyarada ayaa jirkiisa wax rasaas ah ka muuqan, waxaana muddo saacado ah oo uu yaalay halka la soo dhigay kadib ka qaaday dad bar gartay.

Meydka Wiilka dhalinyarada ee laga jaray Qoorta ayaa waxaa isugu soo baxay dadweyne fara badan oo ku dhaqan xaafadaha degmada Yaaqshiid, kuwaasoo aad uga walaacay qaabka arxan darada ah ee loo dilay.

Ilaa iyo hada lama oga cida dishay iyo cida uu ahaa, hase ahaatee dadka deegaanka ayaa sheegay in meel kale lagu soo dilay kadibna la soo dhigay Xaafada.

Ma ahan markii ugu horaysay oo magaalada Muqdisho la soo dhigo meyd qof rayid ah, laakiin Meydkan ayaa noqonaya midkii ugu horeeyey ee la soo dhigo xaafad ka mid ah Yaaqshiid oo qoorta ka jaran.

War Deg deg ah: Ku dhowaad 15 ruux oo ku naf waysey iyo dad 20 ka kor u dhaafaya oo ku dhaawacmay madaafiic galabta lagu garaacay Suuqa weyn ee Bakaaraha

September 29, 2009

Duqeymo culus oo dad badan ay ku dhinteen iyo AMISOM oo isticmaalay Madaafiicda Fooriyaha loo yaqaan.
Ugu yaraan 15 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho kadib marki ay duqeeyeen Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda KMG kuwaas oo ka jawaabay madaafiic lagu garaacay Dekeda Caalamiga ah ee Muqdisho.

Madaafiicda oo ahaa midka loo yaqaano BM-ka Soomaaliduna ay u yaqaanaan Fooriyah ayaa waxaa si daran loogu garaacay qeybo badan oo ka mid ah suuqa ugu weyn dhinaca ganacsiga ee Bakaaraha, halkaasoo durbadiiba ay ku qudh baxeen 8 ruux oo rayid ahaa.

Dadka dhintay ayaa waxaa ay ku kala dhinteen Isgoyska Bakaaraha, Suuqa Dahablaha, Bacadlaha iyo qeybo kale oo Suuqa ah iyadoo ay ku dhaawacmeen dad ka badan 20 ruux oo dhamaantood ahaa rayid ah.

Duqeyntan ayaa ka dambeysay markii Xoogaga Hubeysan ay hoobiyeyaal ku garaaceen Dekeda caalamiga ah ee Muqdisho oo maanta la hakiyey dhaq dhaqaaqa gaadiidka iyo maraakiibta ganacsiga.

Wararka ayaa sheegaya in qasaaraha duqeynta ay intaas ka badan karto iyadoo ay jiraan Madaafiic kale oo ku dhacay xaafado kale oo ka tirsan gobolka Banaadir.

Gaadiidka Gurmadka deg dega ayaa ku mashquulsan daabulida dhaawacyada rayidka, waxaana saraakiisha Gurmadka deg dega ka gaabsadeen inay faah faahiyaan qasaaraha heerka uu gaarsiisan yahay.
Madaafiicdan oo ka soo dhaceysay xarumaha ay ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada Somalia ku leeyihiin magaalada Muqdisho ayaa u muuqda kuwo jawaab u ahaa madaafiic isla xiligaasi ku socotay dekeda weyn ee Muqdisho oo maanta uu ku soo xirtay markab shixnado milateri u sida ciidamada AMISOM, kuwasoo aan la ogeyn ilaa hadda qasaaraha ay geysteen sheegin.

Ciidamaa AMISOM ayaa marka xoogaga ka soo horjeedo ay madaafiic ku soo tuuraan goobaha ay degan yiihiin waxay inta badan madaafiic jawaabah ku ridaan suuqa Bakaaraha iyo nawaaxigiisa, iyadoo saraakiisha ciidamada Dowlada Somalia ay ku eedeeyaan xoogaga la dagaalamaya ina ay madaafiic ka soo dhex tuuraan suuqa bakaaraha taasoo ay marmarsiiyo uga dhigaan duqeynta had iyo jeer loo geysto Suuqa Bakaaraha oo noqotay mid joogto ah.

Taliska Xisbul Islaam ee Buurhakaba oo ka hadlay howgalo ay ka sameeyeen inta isku xirnta Wanlaweyn iyo Buurhakaba.

September 29, 2009

Taliska Xisbul Islaam ee Buurhakaba ayaa waxaa uu ka warbixiyay howgalo amaanka lagu sagayo oo ay ka sameeyeen wadada isku xirnta Wanlaweyn iyo Buurhakaba.

Inkastoo maalmihii ugu danbeeyay howlgalo amaanka lagu xaqiijinayay Ciidamada Maamulka Xisbul Islaam ee ka arimiya gudaha degmada Buurhakaba ay ka wadeen deegaano ku dhow dhow degmadaasi iyo Wadada xiriirisa degmada Wanlawayn iyo Buurhakaba ayaa waxa ay Saraakiisha Maamulkaasi sheegeen in howlgalada lagu soo qabqabtay tiro dad ah.

Ku dhawaad ilaa 4 ruux oo la sheegay in ay ka mid yihiin kooxihii burcada ee la sheegay in ay ka qowlaysanayeen inta u dhaxeysa deegaanka Leego iyo degmada Buurhakaba ayaa saraakiisha Amaanka qaabilsan waxaa ay sheegeen in ciidamadu ay ku guuleysteen soo qabashada dadkaasi oo haatan lagu xiray saldhiga booliska ee degmada Buurhakaba.

Taliyaha ciidanka amaanka maamulka xisbul Islaam ee degmada Buurhakaba C/shakuur Max’ed Dacar oo u waramayay Idaacada Waajidpress ayaa waxaa uu sheegay in haatan dadka ku jira xabsiga ay yihiin kuwa fara badan waxaana uu cadeeyay in ay gaarayaan ilaa 18 rag ah iyo hal gabar kuwaasi oo lagu soo eedeeyay dambiyo kala duwan.

Waxaa intaasi uu ku darey taliyaha amaanka Maamulka Ururka Xisbul Islaam ee degmada Buurhakaba in xaalka amaanka wadada isku xirta gobolada Banaadir,Sh/hoose iyo Bay haatan ay soo hagaagayso kadib markii ciidamo badan oo dhowr ah ay geeyeen deegaanka Leego oo kala qeybiya Wanlaweyn iyo degmada Buurhakaba.

Sheekh Axmed Islaan “Wax maamul oo ka jira Magaalada Kismaayo ma jirto, wixii lagu heshiiyay qolo ayaa ka baxday”

September 29, 2009

Sheekh Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa ka digay dagaalo ka dhacay Islaamiyiinta dhexdooda,waxaana uu meesha ka saaray Maamul ka jira magaalada oo hada shaqeynaya.

Isagoo Saxaafada shir jaraa’id qadka taleefanka ugu qabtay ayaa sheegay in qodobo ay ku heshiiyeen dhinacyadii ku mataaneysnaa Maamulka magaalada ay qolo ka baxday, isagoo sheegay in Maamulka kaliya ay isku koobtay.

“Ma jirto wax maamul la yiraah oo ka jira Kismaayo, waxaase jira in wixii lagu sheegay ay qolo ka baxday”ayuu yiri Axmed Madoobe oo maalmo ka hor soo gaaray Magaalada Kismaayo isaga iyo Ciidamo fara badan oo uu hogaaminayo.
Mr Madoobe ayaa sheegay in Kismaayo ay wada qabteen ilaa saddex kooxood oo uu ka xusay Shabaabka, Kaambooni iyo Caanoole oo uu sheegay in Maamulka ay ku mideysnaayeen, hase ahaatee dhinac ka mid ah Maamulka uu ka baxay Balanta sida uu yiri.

Si kastaba ha ahaatee khilaafka ka taagan Magaalada Kismaayo ayaa halis gelin kara degenaanshihii mudo sanad ka taagneyd magaalada, isla markaana dagaalo faraha looga gubto dhex maro Kooxaha Islaamiyiinta.

Mudulood haday waxii nuxurka dowlada qateen hadana ay madaxtooyada dhaxdeeda ku dirirayaan siday u shaqeyneysaa dowladaasi

September 27, 2009

Beesha Mudulood waa beel weynta hawiyey nasiibna u yeelatay 20kii sano ee bur burka in ay hesho jagooyinka ugu sareeyo dowlada sida madaxweyne ama Wasiirka koowaad ayaan hadana deeganadeeda ka shaqeyn dowlada uu markaa garwadeenka ka yahay shaqsiga Muduloodka ah

Beesha Mudulood oo Dowladii madaxweyne Yuusuf si kal iyo lab ula shaqeyneysay ayaan hada si wax ku ool ah ula shaqeyn dowlada Sheikh Shariif taa oo la garan layahay waxa ay wadaan beesha Mudulood waayo waligeed Deegaanka Karaan lagama qabsan Beesha Mudulood hadase waxaa moodaa in la jilaafeynaayo dowlada Sheikh Shariif.

Bal Fiiri Jagooyinka ay beesha heysatoDowlad iyo Mucaarad hadana la shaqeyn ladahay dowlada uu garwadeenka kayahay Sheikh Shariif

Madaxweynaha waa Mudulood

Wasiirka Lacagta waa Mudulood
Wasiirka warfaafinta waa mudulood

Safiirka Talyaaniga Iyo Midoowga Yurub waa Mudulood
Safirka Kenya waa Mudulood

Safiirka Jabuuti waa Mufulood

Gudoomiyaha gobolka Banaadir waa mudulood

Taliyaha ciidamada Madaxtoyada waa Mudulood

Dakadda weyn ee Muqdisho shaqsiga heysta waa Mudulood

Dhanka mucaaradka labada gudoomiyey ee gobolka Banaadir waa Mudulood

Marka waxaa isweydiin mudan mudulood hadaad maanta heysaan waxii Soomaalida ku direysay jagooyinkiina wada qadateen waxaad madaxtooyada iyo inta yare ee dowlada joogtay aad ugu dirireysaan waxaa aad raadineysaan lama garanaayo ee bal dib isugu noqda ee la shaqeeya dowlada si Soomali dhibka uga baxda joojiyana qowda maqashii waxna ha u qabanida.

Sheekh Aadan Madoobe oo qiray in laga Dilay Taliye u dhigmay Col. Cumar Xaashi Aadan.

September 27, 2009

Mas’uul sare oo katirsanaa Dowladda Federaalka Somalia ayaa ka mid noqday Dadkii ku geeriyiooday Qaraxii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho ee lala eegtay Ciidanka AMISOM.

Taliyihii Ciidamada Booliska Dowladda Gobalada Dalka Somalia islamarkaana ahaa Talkiye K/xigeenka Booliska Somalia General Maxamed Nuur ayaa ku dhintay qaraxii Xalane ka dhacay.

Dhimashada Taliyahan ayaa timid kadib markii uu dhaawac halis ah ka qaaday Weerarkii Xalane wuxuuna xalay Saqdii dhexe ku dhintay Magaalada Nairobi dalka Kenya.

Gudoomiyaha Baarlamanka Dowlada Federaalka Sheekh Aadan Madoobe ayaa xaqiijiyay Geerida Generaalka isagoona sheegay in uu dhintay isagoo dalka Difaacyo islamarkaana la shirayo AMISOM oo uu kala shirayay weeraro lagu qaado xoogaga islaamiyiinta ah.

Dowlada Federaalka Somalia ayaa qarka u saaran in ay Burburto madaama 2-bil Gudahood ay ku weysay Siyaasiyiin ay kamid ahaayeen, Cumar xaashi, Cali Saciid, Xildhibaan Cadoow iyo saraakiil kale.

New York: Itoobiya oo qirtay in aysan meelna Maamulin dawladda Soomaaliya oo ay magac ahaan ujirto oo kaliya & qatarta Al-Qaacida ee Soomaaliya.

September 27, 2009

New York(Waajidpress)- Wasiirka Arrimaha dibada ee dawladda Itoobiya Seyoum Mesfin ayaa shaaca ka qaaday in aysan tabar laheyn dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, isagoo ka hor hadlayay Madaxweynayaasha Aduunka ee ku shirsan magaalada New York ee xarunta Qaramada Midowbay.

Wasiirka Arrimaha dibadu wuxuu sheegay in ay dawladda Soomaaliya ay gacanta ku heysto waqti xaadirkan la joogo wadooyin kooban oo kuyaala Waqooyiga caasumada Soomaaliya, kuwaas oo uu sheegay in ay la hayaan sugitaankooda ciidamada Midowga Africa ee jooga dalka Soomaaliya.

“ Dawladda Soomaaliya magac ahaan ayay ujirtaa, waxa ay hada ka talisaa jidad kooban oo kaliya, kuwaas oo waliba dhaca halka ay degan yihiin dadka uu ka soo jeedo Madaxweynaha Soomaaliya, balse dawladdu ma leh awood kale oo dheeri ah” Ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadu.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha dibadu wuxuu walaac xoog leh oo muujinaya xaalad Qatar ah ka muujiyey xaalka Soomaaliya, oo uu sheegay in ay hada buux dhaafiyeen dad badan oo ka soo horjeeda danaha Reer galbedka, isagoo si aan gabasho laheyn usheegay in ay Soomaaliya joogaan Argagixisada caalamiga ah qaar ka mid ah, oo uu sheegay in ay aad iskugu xiran yihiin.

“ Soomaaliya waxaa jooga dad badan oo Argagixiso, waxa ay gacantooda midig ku hubsadeen in ay maamuli karaan Soomaaliya, waxa ayna la wareegeen inta badan adeegyadii dalkaas oo dhan, hada waxa ay doonayaan in ay qaadaan talaabo kasta, waxaana idiin macalina weerarkii Garoonka Muqdisho oo farxad iyo reyn-reyn u ahaa dad badan oo ka tirsan kooxahaasi, oo 1000 jeer ka awood badan dawladda Sharif Sheekh Axmed” Ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibada.

Mr, Mesfin markii uu jeedinayay hadalkan waxaa si toos ah umaqlayay dalalka Reer galbeedka oo aad uga soo horjeeda Siyaasadaha kooxda Al- Qaacida, isagoo markaas ka helay sacab iyo mashrad xoog leh, inkastoo uu hadana ka xanaajiyey dadkii usacabiyey oo uu ku eedeeyey Masuuliyada wax ka qabashada la’aanta kooxaha Islaamiyiintaa.
Hadalka Wasiirkan ee ah in aysan dawladda Soomaaliya meelna ka talin ayaa daaqada ka saaraya inta badan hadalo ay adeegsadaan Wasiirada dawladda Soomaaliya, oo ah in ay gacanta ku hayaan meelo badan, wuxuuna sidoo kale dhabar jab ku yahay hadalkii uu Madaxweynaha Soomaaliya ka sheegay Xarunta Qaramada Midowbay, ee ahaa in ay gacanta ku hayaan inta badan caasumada dalka Soomaaliya.

War Deg Deg ah: Dagaal ku dhexmaray Ciidamo ka wada tirsan dowladda KMG ah ee Soomaaliya meel ku dhow Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya

September 27, 2009

Laba Ciidan oo ka wada tirsan dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta ku dagaalamay xaafado ka tirsan degmooyinka Xamarweyne iyo Wardhiigley, wuxuuna dagaaalkaasi ahaa ,mid la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalkaan ayaa sababay dhimashada laba qof iyo dhaawaca sideed kale oo isla ciidanka wada ah dhamaantood, waxaana dagaalkaasi ka qeyb qaatay gaadiidka dagaalka ee loo yaqaan tiknikada.

Ka hadalka dagaalkaan ayay Saraakiisha dowladda Somalia ka gaabsadeen inay ka hadlaan sababta keentay inay dagaalamaan ciidamo kawada tirsan Milateriga Somalia.

Waxaa la sheegayaa in dagaalkaai ay ku dhinteen dad rayid ah oo aan qeyb ka ahayn dagaalkaasi, iyadoo sidoo kalena ay dadka dhaawacmay ku jireen ciidamadii dagaalamaya.

Dagaalkaasi ayaa iskiisa u istaagay iyadoo aysan jirin cid kala dhaxgashay labada ciidan ee dagaalamaayay, wuxuuna dagaalkaan ka dhacay meel aan ka dheereyn Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Iskahorimaadkan ayaa la sheegay inuu u dhaxeeyay ciidamo ilaalo u ah Xildhibaan ka tirsan Dowladda KMG ah iyo kuwo kale oo joogay Degmada Xamar Weyne.


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 48 other followers