Shariif Xasan Sh Aadan, Waa Ra’iisal wasaare kuxigeen ahna Wasiirka Maaliyadda, waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay nin horumar ka sameeyay dhinaca wadahadalada iyo Siyaasadda, dadka qaarkiisana waxay ku sheegaan inuu yahay maskaxdii ka dambeysay wadahadalkii Jabuuti ee Dowladda Shariif Sheekh Axmed madaxweynaha ka yahay.
2004-tii Shariif Xasan waxaa loo doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya,sidoo kale waxaa soo noqday guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Isbaheysigii Dib u xoreynta xaruntiisa ahayd magaalada Asmara.
Waxaa uu qeyb weyn ka qaatay wadahadaladii Jabuuti ku dhex maray Isbaheysigaas iyo Dowladda Federaalka isagoo sidoo kalena abuuray tanaasulaad fara badan.
Haatan oo ah Wasiirka Maaliyadda waxaa sameeyay dhaqaaq muhiim ah kadib markii heshiis la galay shirkad Caalami ah oo ilaalinaysa hantida Dowladda.
Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya, Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa wareysi uu hadda ka hor siiyay BBC-da waxaa uu ku sheegay in wasaaraddiisu ay heshiis la gashay shirkadda Price Water House Cooper PWC, oo xagga xisaabaadka qaabbilsan.
Heshiiskan waxaa amaan ballaaran u jeedisay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Ciliton mar ay Magaalada Nairobi kula kulantay Madaxweynaha Somaliya Shariif Sheekh Axmed.
Laga billaabo 1-da November 2009, badeecad kasta oo Soomaaliya uga imaaneysa dibadda waa in ay haysataa shahaado ay soo siisay sharikadda Bureau Veritas, oo ay dowladda Soomaaliya heshiis kula gashay in ay baarto tayada badeecadaha tegeya Soomaaliya.
Wasiirka Ganacsiga ee Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamed Cabdi, ayaa BBC u sheegay in heshiiskan oo hadda dhaqan gelaya uu yahay mid uu hore u saxiixay Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Haddaba dad ayaa bilaabay in ay si qaldan u fasiraan waxqabadka uu sameeyay Wasiirka Maaliyadda, kooxdaas waxay sameeyen dacaayado raqiis ah oo waxba u dhimi karin tayada waxqabadka Wasiirka.
Hadalada been abuurka ah ee la sameeyay Wasiirka Maaliyadda waxaa ka mid ah inuu isago maamulo Siyaasadda Dowladda taasina waa mid xaaran ah oo dad waxmagarato faafiyeen.
Dowladda waxay leedahay Baarlamaan,madaxweyne, Xukuumad uu madax ka yahay Cumar C/rashiid, Shariif Xasana waxaa uu ka mid yahay Golaha wasiirada Cumar hoggaamiya waxaa uu golahaas ku dhex leeyahay kaliya fikirkiisa wuxuuna la mid yahay Wasiirada kale ee Xukuumadda ka mid ah.
Mas’uul kasta waa la eedeyn karaa laakiin ma aha in la abuuro dacaayado micno ku dhisnayn oo raqiis ah kuwaas oo la dhihi karo waa cadawtinimo,xaasidnimo iyo dadnimo xumo la ciif ah.
Dadka Soomaaliyed waxaa looga baahan yahay in ay fahamaan micnaha uu leeyahay hadalka wanaaga, waayo xumaanto Diinteena Islaamka ma ogola xitaa haddii aad xumaan aragto waxaa fiican inaad xakameyso oo aad talo fiican ka dhiibato si loo bedelo xumaantaas loona helo wanaag.
Shariif Xasan waxaa ka mid yahay sidan kor ku soo xusnay xubnaha dib-u-heshiisiinta horumar weyn ka sameeyey oo qaar ka mid ah maanta ka mid ah Golaha wasiirada qaar kalena Sida Axmed C/salaan iyo Mustaf Dhuxulow jagadii ay haayan ka doorteen Maslaxada Umadda Soomaaliyed, iyagoo tanaasulaad aan horey loo arkin sameeyay.
Shariif Xasana waxaa uu ka tanasulay markii Jabuuti la isugu tagay jagada Guddoomiyaha baarlamaanka oo uu si aad u doon doonayay ka hor inta uusan ka tanaasulin
19 sano oo nidaam la’aan ka jirtay Somaliya dadkii oo dhan sidu dalka isku bedelay ayay isku bedeleen,waxay eegaan oo kaliya dhinaca xumaanta, waxaa wanaagsan in la eego dhinaca wanaaga xitaa waa la is barbar dhigi karaa labada dhinaca.
Aan eegno xaalada dalkeena ku jira, aan la shaqeyno nidaamka hadda madaxda ka yahay Shariif Sh Axmed si looga baxo nidaam la’aanta.
Haddaba Shariif Xasan Sheekh ma mudna in laga faafiyo hadalo iyo eriyo been abuur ah, waxaan qabaa in lagu amaano waxqabadkiisa laguna taageero dadaalkiisa fara badan ee dhinaca nabadda ah.