Daahir Maxamuud Geelle Wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay inay maanta hawada ay gelisay wasaaraddiisu website laga dheehan karo wararka ka baxa idaacadda Raadiyo Muqdisho.
Bartan Internet oo lagu magacaabo www.raidomuqdisho.net ayaa wuxuu wasiirku sheegay inay ugu talogaleen in dadka wax aqriya ay kala socdaan wararka ka baxa idaacadda Dowladda.
“Markii howshan naloo xilsaaray waxaan ku gudo jirnay hirgelin warbaahin ku hadasha Afka Dowladda KMG ah , website-kana qayb ayuu ka yahay” ayuu yiri wasiirka oo la hadlayay Radio Muqdisho xili uu ku sugnaa xafiiskiisa.
Sheekh C/raxiin Ciise Caddow oo ka tirsan saraakiisha wasaaradda warfaafinta oo isaguna ka hadlay furitaanika website-kan cusub ayaa sheegay inuu yahay mid ay ugu faa’iideynayaan dadka ay dhaafaan dhageysiga wararka Idaacadda oo qoran.
“Websetkaan waxaa loogu talogalay inay ka baxaan wararka idaacada oo cod ah 18-ka saac ee ay hawada ku jirto, sidoo kale waxaa lagu soo daabici doonaa wareysiyada codadka ah ee ka baxa Idaacada” ayuu yiri C/raxiin Ciise Caddow.
Wasaarfadda Warfaafinta Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa tan iyo markii wasaaradaasi xilka Wasiirnimada qabtay Daahir Maxamuud Geelle, waxay la soo baxday howlo dheeraad ah iyo waxqabad muuqdaoo shacabka aad u soo dhaweeyay.