Shabaab ayaa caawa waxa uu ka hadalay idacada ku hadashada afka dowlada KMG ee Soomaliya islaamrkaan lagu tilmamay in ay tahay mid buubuunisa figradaha gaalada, iyadoona looga digay shacabka Muqdisho dhageysiga idacada Dowlada.
Afhayeen Xarakada Shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa maanta sheegay in dadka dhageeysta idacada ku hadashada Afka dowlada ay la mid yihiin iyaga ee uu kala jeeday dowlada KMG ee ay ku sheegaan in ay Rido tahay.
Afhayeenka ayaa sheegay in Radio Muqdisho uu yahay mid buubuuniya siyaasadaha gaalada islamarkaana ka soo horjeeda diinta islaamka sida uu hadalka u dhigay , isagoona soo daliishaday aayado ka hadlaya arintaasi.
Hadalkaani afhayeenka ayaa waxa uu ka sheegay kulan lagu heshiisiinayey beelaha Abaal iyo Murusade ee horay ugu dagaalamay deegaano ku yaala hareeraha gobolka Banaadir.
Hadalka Shabaab ee ku aadan idacada ku hadashay afka dowlada ayaa ka danbeyey ka dib markii Radio Muqdisho ee ku hadla afka Dowlada KMG uu caqab ku noqday Shabaab iyo xoogag kale ee dowlada ka horjeeda.
Radiyaha Muqdiho ayaa waxa ka shaqeeya wariyayaal caanka ah Magaalada Muqdisho kuwaasi oo si aad ah u qod qodo boogaha Shabaab iyo Xisbul Islaam, sidoo kale waxa jirta idacada ku hadlay afka Shabaab kuwaasi oo gaaleeysiya masuuliinta dowlada hasa yeeshee ku yaala qaar ka mid ah gobolda Shabaab gacanta ay ku hayaan.
January 13, 2010 at 10:37 pm |
walaal waxaa dhihi karaa in ayaka qaalada nagu riraan oo ey wadanka dhib kuhayaa ayaan aamin sanahay raaasna waxey wadaa eytahay uun qabaara halaqodo qaran nimo haladiido qaxoo tigana hala badsho mar umada somaliyed waxaan usheegayaa haleyska ilaayo ragaas
January 13, 2010 at 10:40 pm |
qabuuraha halabad sho qaranimo haladiido qaxootiga halabasho ayey wadaan allshabaab waa rag sixir wata ayaan dhihi karaa aniga hala weydiiyo allshabaab dhaqaala halkey kakeenaan oo ey dadka mushaar eysiiyay marka aniga waxaan dhihi karaa allshabaab ayaka ayaa gaalada nagu soo jeedinaaya saas ayaan aamin sanahay