Duqeymo aad u culus ayaa Maqribnimadii Caawa waxaa loo geystay xaafado katirsan degmada Hiliwaa ee gobolka Banaadir iyadoona duqeyntaasi ay sababtay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah.
Madaafiicdan oo aad u xooganaa ayaa mar kaliya gabaldhicii maanta waxaa lagu garaacay xaafadaha Buulo bareey, Ceelturcaaye iyo xaafada Godey oo dhamaantood katirsan xaafadaha hoostaga degmada Hiliwaa ee gobolka Banaadir.
Madaafiicdan ayaa waxaa la sheegay in tiro ahaan ay gaarayeen ku dhawaad 20-Madfac waxaana dhamaantood ay ku dhaceen xaafadaha kala duwan ee Suuqa Xoolaha, iyadoo la sheegay in ay ku dhaceen goobo ay degenaayeen dad rayid ah.
Duqeenyta oo laga tuurayey xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya sida dad ay sheegayaan ayaa waxa ku dhintay in ka badan 5 ruux iyado ay ku dhawacmeen 10 ruux oo kale kuwaasi oo ay madaafiicda kula dhacday deegaanka Suuqa Xoolaha ee magaalada Muqdisho.
Dadka madaaficda ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay ayaa waxa ku jira caruur iyo haween qoys ka soo wada jeeda kuwaasi oo ay madaaficda duqeenta ah ku habsatay, waxana la sheegayaa in dadka xaafadaha Suuqa Xoolaha cabi ay soo wajahday madaama madaafiicda caawa ay ahaayd mid si toos ah ugu hoobaneeysay xafadahaasi, waxaana la sheegaya in qasaarah intaasi uu ka badan karo.