War Deg Deg ah: Maamulka Baydhabo ee Xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab oo Maanta magacyadii ka badalay Xaafadaha Magaaladaasi iyo Xaafado cusub oo uu magacaabay.

Maamulka Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay ee Xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab ayaa Maanta magacyadii ka badalay Xaafadaha Magaaladaasi iyagoo kordhiyay Xaafadahii magaaladaasi.

Maamulka Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ee ka tliya degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa maanta waxaa ay magicyada ka badaleen afartii Xaafadood ee lagu yaqiinay Magaalada Baydhabo iyagoo sidoo kale kordhiyay Xaafadihii degmadaasi.

Xaafadaha magaca laga badalay ee oo xiligii dowladii dhexe ee Siyaad Barre lagu magacaabayay Isha, Bardaale, Mursal iyo Horseed, ayaa Magacyadooda loobadalay qaabkan, Xaafada Bardaale ayaa lagu badalay Axmed Gurey, Horseedna waxaa lagu badalay Salaaxudiin Al Ayuubi, Mursal oo iyana lagu badalay Bukhaari iyo Isha oo lagu badalay Abuu Muscab Al Sarqaawi.

Sidoo kale Maamulka Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ee Magaalada Baydhaba ayaa xaafadaha uu magaaladaasi ku soo kordhayay maanta waxaa ka mid ah Imaamu Shaafici, Towfiiq, Abuu Jamaal iyo kuwa kale waxaana guud ahaan xaafadihii magaalada Baydhabo oo ka koobnaa 4 xaafadood haatan ay kor u dhaafeen ilaa 8 xaafadood.

Sheekh C/nuux Cali Xaaji oo isagu ah gudoomiyaha cusub ee Xaafada Abuu Muscab Al Sarqaawi oo saxaafad Baydhabo la hadlayay ayaa waxaa uu sheegay in ay soo dhaweynayaan talaabada Xaafadaha Baydhabo lagu kordhiyay iyo xilalka loo dhiibay, isagoo sidoo kale sheegay in bilicda Xaafadaha Magaaladaasi ay wax badan ka qaban doonaan oo ay ugu horeyso dhanka nadaafada.

Si kastaba ha ahaatee Maamulada Xaafadaha Magaalada Baydhabo ay u sameeyeen Maamulka Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ee degmada Baydhabo ayaa waxaa ay sheegeen dhamaantoodba in ay isbadalo cusub ku sameyn doonaan Xaafadaha loo magacaabay, iyagoona sheegay in talaabada ugu horeysa ee ay qaadayaan ay tahay in goobaha sharci darada ee ka dhisan wadooyinka hareerahooda ay ka bur buriyaan.

About these ads

7 Responses to “War Deg Deg ah: Maamulka Baydhabo ee Xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab oo Maanta magacyadii ka badalay Xaafadaha Magaaladaasi iyo Xaafado cusub oo uu magacaabay.”

  1. mursal Says:

    AL-Nadafah Nisfu Minal Emain.—AL-Nadafah Nisfu Minal Emain.

    waan soo dhaweynay naa waan na arin tusinaysa xarakada iney wadao qaab dowladeed oo aysan urukaliya ajey, waan sekutalinayaa talabada xigta iney ahaato, dhanka cafimaadka, sida Cusbitalka, masajida, dugsiyada, Quranka iyo Kuwa Kaleba, suuqa iyo Melaka Muhiimka u ah Bulshada,

    thanks By M.Mursal

  2. Hassan H Mohamed.(DHEGEY. Says:

    Xaafadihii caanka ahaa ayaa waxaa lagu bedelay magacyo kale oo aan qaarkood dadka ku dhaqan deegaankaas aan ku dhawaaqi karin. Hadii ay xarakatul shabaab ay run wadato ha ku magacaabaan xaafadahaas Duqowdii u dhashey deegaankaas oo magac weyn ku lahaa, Ilaahaa weyne waaxid eh. Waa wax laga xumaado in xaafada Berdaale oo aan ku dhashey lagu bedelo Axmed gurey, shaqsi ahaan aad baan uga xumaadey.

    H.Dhegey

  3. saafi Says:

    masha alah walalehena xarakatal al shabab al mujahidin ilahey qer haa siiy way dadalayan madamo ay sugen nabad gelyada baydhabo waana kuu mahad sanyihin masha alahmadama oo somaliya oo qofwalbo uu jecelyahay inu degankisa nabadgelyo kaa jirto walalyal xarakatal shabab almujahidin sd bey ugu mahadsanyihin bedelada xafadaha beydhabona waxan jeclan laha sida xafada berdalo kale waxa kuu ficned in loo bixiyoama logu magac daro halgamihi canka aha soobe iyo dadkalo fara badan baa jiro waxa kalon kaa hadlaya dadka uu dhashey gobalka bay haalo istago in dadkena wax loo qabto sida gobaha cafimad oo laa kordhiyo isbitarka ween oo aad logu tagero qalabyo casri ah in xafad walbo loo sameyo isbital uu qas ah shicibka walalyal midasi waa muhim waxan codsanaya dadka quseyso arimaha deydhabo walalyal qof walbo waxu hagagsanaya meesha quseyse walalyal hala gacan qabto dagana bay waxan idin rajeynaya qeer badan

  4. abdiyay Says:

    bismilaah magacayga waa abdiyeey (dugsiga maalin huseen)
    baydhaba afartii xafadood ay laheed ha loo daayo waayo, taariikhda magaaladaas ayaa lumaysa, yanan lagu xad gudbin, anagoo dhan muslim ayan nahay baydhaba janaay anagaa iska leh, su’aal ayaan idin waydiinayaa aan jawaab u waayay, qof walba oo awood in uu wax ku maquuniyo waa ay ugu sahlan tahay in uu qabsado baydhaba?…….. mansuur raxan wayna dad nabadeed ayaan aheen weligen lakinse taariikhda ayaad naga qaladey sida aad magalada magacyada aad ugu qaldeysid ninyahow taariikh ayaa ku xisaabi doonta

  5. abuudalxa ibnu maalik Says:

    alshabaab and daalibaan

  6. abuudalxa ibnu maalik Says:

    waxaan daageeyrsanahay walaalha mujaahidiinta eealshabaab waxaan kusuganahay deegaanka ceeylasha biya anigu waxaan rabay inaan kafaa ideeysto dagaalkii eey iclaamiyeen walaalaha mujaahidiinta iyo muslimiinta kudhaqan wadanka soomaaliya dagaalkaasoo
    loo gumagac غزوة النهاية المعتدين

  7. jamhad Says:

    AS WR WB walaalayaal dhammaantiin waan idin salaamay salaamta muslinka salaan ka dib alloow hana gamaanadin gaalada honoojabin goob kastoo aan joognaba geesiyaasha islaamku guul waqey ka qaadaan goob kastoow gaaladu joogto gaalada dhammaantood gablan waqey ahaadaan
    geesiyaasha ilaamkana guullahood hagarab galo halkaabaan ku soo gunaanaday

    wabilaahi towfiiq

    WS C W

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 32 other followers

%d bloggers like this: