Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ku baaqay in lala dagaalamo Kibirka iyo Islaweynida oo qeyb ka ah Dhibaatooyinka haysta Ummadda Soomaaliyeed.
Mudane Sh.Shariif Sh.Axmed Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo Maanta Salaaddii Jimcaha ku dujiyay Masjid ku yaalla Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya Boqolaal dad ah oo ay ka mid ahyeen Qaar ka tirsan Golaha Wasiirada,Xildhibaannada iyo Saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa waxa uu Qudbad uu Salaaddii Jimcada kadib jeediyay kaga hadlay arrimo ay kamid yihiin Kibirka iyo Islaweynida.
Waxa uu Madaxweyne Sh.Shariif Sh.Axmed sheegay in Sifaadka Kibirka iyo Islaweynida ay tahay midda lagu garan karo Xaaladaha Ibliiska islamarkaasna taasi ay keentay jahliga haysta qaar kamid ah Ummadda Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sh.Axmed oo hadalkiisa sii wata ayaa tibaaxay in dadka Soomaalida ay yihiin dad isticmaala Sifaadka Kibirka iyo Islaweynida oo inta badan ku faanaan Qabiilka,waxa uunaMadaxweynuhu xusay in Arrimahaasi ay keenayaan Adduun Xumo iyo Aakhiro beel taasoo loo baahanyahay inay Shacbigu ka foojignaadaan.
Sh.Shariif Sh.Axmed Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa ugu baaqay Ummadda Soomaaliyeed inay la dagaalamaan Kibirka iyo Islaweynida maadaama ay Qeyb ka qaadaneyso Mashaakilaadka xilligaani ka taagan gudaha Waddankani Soomaaliya.
Ugu dambeyntii Madaxweyne Sheekh Shariif Sh.Axmed ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay qof kasto oo ka mid ah isku haysto inuu yahay kan ugu tabarta daran islamarkaasna uu badiyo Taqwada Alle,waxa uuna Madaxweynuhu tilmaamay inaysan awxba soo kordhinayn Qabilka.
February 27, 2010 at 7:55 pm |
Shariifka waxaa laga rabey inuu si cad ah u qeexo calaamooyinka ama sifaalaha lagu garto qofka leh dhaqanka Ibliiska ama Munaafaqa oo kala ah:
1) Beenta oo la banneysto;
2) Ballanta oo laga baxo;
3) Amaanada oo la lunsado.
Sifaalahaas oo dhan waa kuwo uu Shariifka iyo Asxaabtiisa oo isku sheega iney mathalaan Shacabka ay leeyihiin laguna yaqaan.
Haddii Shacabka ay dooran lahaayeen Shariifka iyo 550 Xildhibaan ku sheegta ah wey difaaci lahaayeen, laakin xaqiiqda waxey tahay iney halkaas u joogaan Ethiopia, Ugandha , Kenya iyo Djibuti, iyagana Calooshooda waxii xaaraan ah ee ay ka heli karaan dulmigaas ay ka dhergaan.
Haddii Shariifka uu ahaan lahaa Nin Muslimnimada ku dhaqmo, camalkeedana uu leeyahay marnaba ma oggolaan lahyn Jago aan loo idmanin, loona soo dooranin, mana oggolaan lahayn barakincin, dilka, iyo dhaca Masaakiinta maalin kasta lagu laayo madaafiic laga soo rido Madaxtooyada oo isaga iyo tuugadiisa hoy u ah.
Haddii Aakharo iyo adduun cid seegeysa waxaan ku dhaaran karaa inuu Shariifka uu kuwaas imaam u noqon doono maalintaas, lagana suáali doono qeybta ay ka qaateen laynta shacabka iyo bur burinta dlakaba.