Guddoomiyah Baarlamaanka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Mohamed Nuur ( Aadan Madoobe ) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay ka mid yihiin Xildhibaano ayaa booqasho rasmi ah ku yimid Waddanka Spain 23kii Bisha Maarso 2010.
Spain oo haatan haysa Madaxtinimada yurub ayaa waxay marti gelinaysaa afhayeennada baarlamaanka waddamada reer yurub iyo waddamada ay gumaysan jireen oo haatan xorta ah, kuwaasoo kala ah qaaradda yurub iyo waddamada la yiraahdo Karebiyanka.
Guddoomiyaha ka hor inta aannu amba bixin Jasiiradda Tanariif ee waddankan Spain oo uu ka dhacayo kulanka baarlamaannada Yurub, Afrika, iyo Kareebiyanka, ayaa waxaa kulamo kala duwan la yeeshay masuuliyiin sar sare oo waddanka Spain ah.
Sidoo kale guddoomiyahu waxa uu booqday labada aqal ee kala ah seneetka mudane Javier Rojo iyo kan kongareeska mudane JOSÉ BONO MARTÍNEZ halkaas oo uu kula kulmay afhayeennda labada aqal kuwaasoo guddoomiyahu uga warramay xaaladda baarlamaanka Soomaaliya iyo baahida loo qabo in loo helo dhaqaale, tababarro iwm, waxayna ballanqaadeen in ay wax weyn oo la taaban karo loo qabto dowladda ku meelgaarka ah, dowladda Spainna ay ka go’antahay arrintaas, ka dib Guddoomiyaha waxaa casho sharaf u sameeyay afhayeenka baarlamaanka Spain.
Guddomiyaha waxa uu 25tii bishan Maarso la kulmay wasiirada gaashaandhigga ee dalka Spain Marwo Carme Chacón iyo kornel Gonzales oo ah madaxa tabarka ciidamada soomaaliya ee Uganda, halkaas oo uu salaam sharaf kaga qaatay ciidanka xarunta wasaradda gaashaandhig.
Dhanka kale waxa uuna guddoomiyahu u mahadceliyay dowladda spain sida hagar la’aanta ah oo ay u taageerto dowladda ku meelgaarka ah, isla markaana ay muhhim tahay sidii loo soo celin lahaa nabadgelyada iyo kaladanbeeynata Soomaaliya. Guddoomiyahu waxaa uu la kulmay 26kii bishan wasiirka arrimaha dibadda Spain mudane Miguel Ángel Moratinos, kaasoo ka dhagaystay guddoomiyaha xaaladda waddanka maanta ku suganyahay iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in Spain ay sii waddo kaalmada ay u fidiso Dowladda ku meelgaarka ah, tee da kale wasiirka ayaa isna adkeeyay in Spain aanay ka caajiseeynin Soomaaliya ilaa ay ka aragto Soomaaliya oo Nadad ah.
Ka dib guddoomiyahu waxaa uu u baqoolay Jasiiradda Tanariife ee Spain halkaas oo 29ka bishan ka furmaayay (Africa-Caribbean-Pacific), kaasoo socon doona saddex maalmood wixii ka soo baxa dib ayaan idinkaga soo sheegi doonnaa, Soomaaliya waxa ay hadalka leedahay 31ka Maarso oo ah Maanta oo arbaca ah.