Nabadoon ka tirsan Odayaasha Beelaha Hawiye ayaa toogasho lagu dilay maqribnimadii xalay deegaanka Lafoole ee degmada Afgooye, iyadoo dilka nabadoonkaas ay geysteen dhalinyaro Hubeysan.
Gudoomiyaha Odayaasha Hawiye Maxamed Xasan Xaad ayaa xaqiijiyay dilka nabadoon ka tirsan Odayaashooda, kaasoo lagu magacaabo Cabdi Maxamed Jimcaale.
“Runtii dilkaas aad baan uga xunahay, nabadoonkaas waxaa dilay gacan ka xaq daran, saameyna naguma yeelaneyso howlaheena”ayuu yiri Maxamed Xasan Xaad.
Mr Xaad ayaa sheegay in ay dilkaas uu qeyb ka yahay dilalka qorsheysan ee ka jira Caasimada Muqdisho, kaasoo uu ku tilmaamay mashruuc muddo soo socday oo dadka lagu leynayo.
Odayaasha Hawiye garabka uu Xaad hogaamiyo ayaa ah kuwo dhex dhexaad ka ah xaaladaha ka jira Muqdisho iyo khilaafka u dhaxeeya dhinacyada isaga soo horjeeda, iyadoo dhinacyadaas u wada jeediya baaqyo nabadeed.
Warar kale, Qabuuro ku yaal degmada Xamar Jajab oo ka mid ah goobaha ay ka tirsan Dowladda KMG ayaa xalay si layaab leh loo buriyay, iyadoo looga shakisan yahay in qabuurahan ay bur buriyeen Xarakada Alshabaab oo maalmahan qabuuro bur burin ka waday Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in qabuurahan laga bur buriyay hareeraha Masaajidka Sheekh Muxiyadiin oo ku yaal degmada Xamar Jajab, hase ahaatee aanu la bur burin qabriga mid ka mid ah Mashaa’ikh aad loo yaqaano oo masaajidkaas ku dhex aasnaa.
Darbiyo ku wareegsanaa qabriga ayaa la sheegay in ay bur buriyeen, iyadoo xalay saqdii dhexe laga maqlayay degmadaas hugunka bur burinta lagu hayay qabriyaasha.
Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in xalay deegaankooda ay ka seexan waayeen bur burinta lagu hayo qabriga, iyadoo dhalinyarada bur burisay qabrigaas ay ahaayeen kuwo tababaran oo isku gadaamay nawaaxiga Masaajidka ay ka dhacday bur burinta.
Arrintan ayaa waxay tahay fariin aan sahlaneyn oo ku socota Dowladda KMG, taasoo ah in Shabaab ay sidee doonaan ka yeelan karaan xeyndaabka kooban ee ay ka taliso Dowladda Soomaaliya oo haatan ku soo uruureysa wax ka yar 3KM.
Ma jirto ilaa iyo hada mas’uul dowladeed ama mas’uul degmo oo ka hadlay dhacdadaas, waxaase saaka dadka deegaanka ay aad u hadal hayaan qabuuro bur burinta laga sameeyay degmada Xamar Jajab, xilli maalmihii la soo dhaafay ay Shabaab qabuuro ku bur buriyeen qabuuro ku yaal deegaano ay ka arimiyaan.
March 30, 2010 at 11:47 am |
[...] War Deg Deg ah: Nabdoon ka tirsan Odayaasha Hawiye oo toogasho … [...]