War Deg Deg ah: Masagaway iyo Galacad oo maanta la qabsadey

War Hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in deegaanka Masagaway iyo Galacad ee Gobolka Shabelaha dhexe ay la wareegeen Xarakada Al-Shabaab Al Mujaahidiin kadib dagaal ka dhacay.

Arintan ayaa ka danbeysay kadib marki saakay aroortii ay weerar culus ku qaadeen Shabaab deegaankaasi oo ay gacanta ku hayeen ururka kale ee Ahlu Sunna.

Dagaalka saakay ka dhacay Masagawaay ayaa la sheegayaa in uu sababay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray labada dhinac, inkasoo aanan la cadeyn karin tirada rasmiga ah.

Waxaa xiran goobaha ganacsiga iyo goobaha waxbarashada sidoo kale ma jiro dhaq dhaqaaq gaadiid, dadkuna waar weey ka barakaceen deegaanka.

Maleeshiyaadka Ahlu Sunna ayaa la sheegayaa in ay u jabeen dhinaca degmada Ceeldheer oo aanan sidaasi uga sii fogeyn halka uu dagaalku ka dhacay.

Shabaabka ayaa lagu arkayaa iyaga oo ku sugan gudaha iyo daafaha deegaanka sida ay xaqiijinayaan dadka deegaanka ee ku harsan Masagawaay.

Warar kale ayaa sheegaya, Warar maalmihii ugu dambeeyey isa soo tarayay ayaa tibaaxaya in dowladda China oo ka mid ah dowladdaha ugu waaweyn caalamka isla markaana xiriir wanaagsan la leh Dowladda Federaalka KMG Soomaaliya ay qorsheyneyso inay albaabada u laabto safaaradda Soomaalida ee dalkaasi kadib markii fadeexado ay hareeyeen ninka sita magaca safiirka Soomaalida oo lagu magacaabo Maxamed Cawil.

Arrintan ayaa ka dhalatay kadib markii safiir Maxamed Cawil lagu helay inuu xiriir la leeyahay kooxo Maafiya ah oo dalkaasi Shiinaha caan ka ah kuna caanbaxay dembiyo ay kamid yihiin Dil, Dhac, Boob iyo ka ganacsiga Daroogada.

Safiirka ayaa la xaqiijiyay in sanadii 2009-kii uu ka kireeyey gaarigii safaaradda Soomaaoliyeed ay laheyd kooxahaasi Dambiilayaasha Maafiyada ah, iyagoo ku geystay falal isugu jiray dil iyo gudbinta Daroogada, waxaana laga diiwaangeliyay qeybta ka hortaga dembiyada ee dalkaasi una aqoonsatay in gaarigaasi uu yahay gaari ay leeyihiin Maafiyada Shiinaha.

Sidoo kale, safiirka ayaa lagu xantaa inuu iibsado Viisayaasha waxbarashada oo ay ardayda Soomaaliyeed ugu deeqdo dowladda Shiinaha isagoo uga bedesha lacago adag, isagoo sidoo kalena iibsada Viisayaasha ganacsiga.

Sanadii 2009-ka ayay aheyd markii dacwad ka dhan ah Safiirka loo gudbiyay maxkamada dalkaasi, inkastoo markii dambe lagu tixgeliyay maadaama uu yahay qof maamuus leh isla markaana matalaya dowlad iyo shacab dhan, waxaana dib loo dhigay dacwadaasi.

Maxamed Cawil ayaa isla sanadii 2009-kii xabsiga u wada taxaabay qoyska alle ha u naxariistee safiirkii uu booskan ka dhaxlay ee isaga ka horeeyey,

isaga oo ku been abuurtay kuna eedeeyey inay wadaan falal ka dhan ah amniga dalkaasi, wallow markii dambe la sii daayay.

About these ads

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 46 other followers

%d bloggers like this: