Sida ay sheegayaan warar hoose oo laga helayo xafiiska R/W Cumar C/rashiid dhawaan ayaa lagu wadaa in la kala diro golaha waziirada DKMG Somalia taa oo laga dhowryay baryhii ugu danbeeyay, wixii ka danbeeyay heshiiski dhawaan ay ku kala saxiixdeen Ahlu sunah & DKMG Muqdisho.
Kala diritaankaan ayaa imaaneysa kadib markii kulankii u danbeyay ee golaha wasiirada oo u gobjoog ka aha Axmed Tuke ,ayadoo kulankaasina u hareeyay muran iyo is jiid jiid ku aadan holihii shaqo ee u qobsoomay golaha wasiirada, waxaan soo baxay warar hoose oo sheegaya in Shariif Xasan uu halkasi ka dhaliyay buuq.
Sidoo kale, waxaa soo baxayo iminka muran uu ka dhashay waaydimo ku saabsan dhaqaalo ay DFKMG oogu deqeen Dowlado ay ka mid yihiin Engriiska iyo Turkiga oo meel ay cirib iyo jaan dhigeen la waayay.
Arinkaan ayaa imaanay xili u baarlamanaka DFKMGS u kala jabay labo garab oo iska soo horjeeda, kuwasoo ay kala hogaaminayaan gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya iyo xildhibaan Qanyare uu horkacayo, ilaa haatana lama sheegin xiliga lagu dhawaaqayo kala dirista golaha wasiirada ayadoona dhaqadhaqaayo ciidan ay ka jireen magalada Muqdisho.
April 28, 2010 at 4:17 pm |
WAA IN MAXKAMAD LA SOO TAAGO TUUGADAAS DALKA IYO DADKABA DHACAAYEY 20KII SANO EE LA SOO DHAAFEY, MAS’UULNA KA YIHIIN XASUUQA, BARAKICINTA, KUFSIGA IYO WAXII LA MID AH.
WAA CEYB INAAD KU MAGACAWDAAN DAWLAD , BAARLAMAAN IYO MADAXWEYNE BURCAD ISA SOO MAGACAWDEY, KUNA TIMID QORI CAARADDIISA SI AY ISBAARO UGU DHIGTAAN SHACABKA IYO BEESHA CAALAMKABA.