Waxa xalay o ay taarikhdu ahayd 03/04 10 ka dhacday magaalad Birmingham ee wadanka UK xaflad si heer sare ah loo soo agaasimey oo in muda ahba la sugayay oo ay ka qayb galeen dhamaan aqoonyahanada, waxgaradka, culimaa’udiinka, malaaqyada, suldaamnda iyo hooyinka ku abtirsada jaaliyada digil iyo mirifle xafladaas oy ay isugu jirtey xil wareejin iyo caleema saar maamul cusub uu yeelanayo jaaliyada digil iyo mirifle ee UK iyo dardar gelintii maamul gobeeldi lixda gobol ee SOUTH WEST SOMALIA.
Xaflaadaas oo ay daba socotey shirar tira badan oo mudooyinka dambe ka socday wadanjkan UK kaas oo jaaliyada ku raadinaysey sidiid wax loga qaban lahaa dhibaatooyinka daba dheraaday ee ka jira wadanka soomaaliya iyo sidii loo heli lahaa xal waara oo nabad ku salaysan.
Magaalada Birmingham oo ah caasimada labaad ee wadanka UK oo ay jaaliyada u arkeen in ay tahay mid ayada ku taala bartmaha UK ayaa ayada waxay nasiib u yeelalatay in labadii shir ugdambeeyay uu kadhaco ayadoo ay doorashadii gudoomiyaha lagu doorteyna ay marti gelisey, ayna aheyd maalin Sabti ah taariikhduna ay aheyd 06/03/2010.
Sida la wada ogsoon yahayna waxaa hore u jirey Maamul ay laheyd Qowmiyadda DigilMirifle ee UK, kaasoo uu ahaa mid waqtigiisii xil hayna ay ka dhamaatey, hawlo fara badan oo la taaban karana uu soo qabtey, waxaana gudoomiye ka ahaa maamulkii hore Mudane Cabdullaahi Siidow, runtii intii uu xilka hayeyna howlo fara badan u soo qabtey Qowmiyadiisa.
Doorashadii dhacdey 06/03/2010 waxaa isugu soo baxey laba mudane oo la kala yiraahdo, Ing: Sayedali Mohamed iyo Dr: Abdilatiif Abuukar Qaasim, waxaana guuleystey Ing: Sayid-ali Mohamed, uuna ku guuleystey 8 Cod, halka Cabdilatifna uu heley 7 Cod, Sida lagu heshiiyeyna ay aheyd in gudiga dhexe oo 15 qof ah ay iska dhex doortaan gudoomiye, waxaana nasiib u yeeshey Ing: Sayid-ali.
Sidoo kale maanta waxaa kaloo isla xafladan lagu caleemo saarey Gudoomiyaha gollaha sare Col: Madey Nuurey “Ufurow”, Suldaanka Qowmiyadda DigilMirifle UK Suldaan Cusmaan , iyo General Secretry of SouthWest Soomaaliya, Ing Aliyow
Suldaan Cusmaan ayaa waxaa la isla gartey in uu noqdo qofka ugu sareeya Qowmiyadda Digil & mirifle inta ku nool UK, hadii khilaaf ka dhex dhaco gudiyada asaga ayaa ah qofkii kala xukmin lahaa oo go’aana ka gaari lahaa.
January 5, 2011 at 6:22 am |
salama caleykum. waxaan u hambyeeynaa eng.maxamad caliyoow