War Deg Deg ah: Belaha Digil iyo Mirifle oo mucaaraday Aadan Madoobe

Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa kulan ku qaatay 75 mudane oo kasoo jeedo beelaha Digil iyo Mirifle oo ay ku jireen wasiiro kuwaas oo ku baaqay in la doorto gudoon cusub oo baarlamaanka ah.

Xildhibaanadan ayaa kulankooda kadib soo saaray qoraal ay uga dalbadeen Adan Madoobe in uu qirto in waqtiga uu ka dhacay iyaga oo codsaday in baarlamaanka uu magaacbo gudoon cusub.

Wasiirka Dastuurka Madoobe Nuunow Maxamed oo la hadlay saxaafada kulankaasi kadib ayaa sheegay in jiraan fara gelin lagu hayo go,aanada Digil iyo Mirifle.

“Fara gelinta xildhibaanada halaga daayo waxay xaq u leeyihiin xildhibaanada Digil iyo Mirifle, waxaan qireynaa in uu waqtigii ka dhacay Sheekh Adan Madoobe” ayuu yiri Madoobe Nuunow.

Sidoo kale Xildhibaanada Luul Cabdi Adan ayaa ku tilmaantay go,aankan mid walaaltinimo ah oo aanan lagu faquuqeyn Adan Madoobe balse lagu badbaadinayo sharafka beeshooda.

“Adan Madoobe waa walaalkeen, inaga ayuu nala dhashay, waajibkiisi ayuu gudan waayey danta guudna kama shaqeynin marka waa in uu ka dagaa xilka” sidaa waxaa tiri Xildhibaanad Luul Cabdi Adan.

Hadalkaan ayaa kusoo beegmay saacado kadib marki sadexda mas,uul ee ugu sareysa dowlada ay si wada jir ah Muqdisho uga soo saareen Muqdisho war murtiyeed ay ku sheegeen in lagu xaliyey doordii baarlamaanka.

Warar kale ayaa sheegaya: Munaasabad lagu qabtay Masjidka Nasrudiin ee Magaalada Muqdisho islamarkaana ay ka soo qeyb-galeen Amiirka Al-Shabaab Shiekh Mukhtaaq Roobow Al-Mansuur iyo saraakiisha ugu sareysa Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa waxaa lagu soo bandhigay ilaa 209 dhalinyaro oo Askari oo sida la sheegay loo soo xirray tababar Militari.

Af-hayeenka Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab Shiikh Cali Max’uud Raagge (Shiikh Cali Dheere ) ayaa sheegay in wax lagu farxo tahay in maanta tababar loo soo xirro dhalinyarro Soomaaliyeed oo diyaar u ah in ay ka qeyb-qaataan wax uu ugu yaaray howlaha Jihaadka ah ee ka socda dalka Soomaaliya, isaga oo intaa ku darray in Ciidamadan cusub ku biiri doonaan kuwii iyaga ka horeeyay oo sida uu sheegay qeybo badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya ka wada wax uu ku tilmaamay Jihaadka.

Waxaa uu dhaliilay Shiikh Cali Dheere Waalidiinta Soomaaliyeed oo sida uu sheegay caruurta ku bar baariya Waxbarasho laga leeyahay sida uu hadalka u dhigay danno dhaw, gaar ahaan waxaa uu farta ku fiiqay qurba joogta Soomaalida oo sida uu yiiri Soomaaliya.Idaacadaha uun wax ka dacaayadeeya.

”Maanta waxaa halkan ku dhamaaday erayadii leysla dhaxmari jirray ee ahaa Shabaabku Diinta ma yaqaanaan oo waa rag dhalinyarro ah laakiin waxaan halkan ku aragnaa dhalinyarro wax barta oo waliba si gaar ah loo soo barray Cilmiga Jihaadka ayuu yiri Shiikh Cali Dheere Af-hayeenka Al-shabaab.

Mid ka mid ah dhalinyarradii tababarka loo soo xirray ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay tababarka uu dhameystay waxaana uu kula dardaarmay dhamaan dhalinyarrada ka tirsn Xoogagga Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab in ay sii laba laabaan dagaallada ka dhanka ah Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Marka la eego tababarka maanta Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab u soo xirreen dhalinyarrada la sheegay in ay ka qeyb-qaadanayaan Camalka Jihaadka iyo tababarada is daba jooga ah ee loo soo xirro Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ay muujinayaa sida wali xaalku fari ugu qadneyn.

About these ads

One Response to “War Deg Deg ah: Belaha Digil iyo Mirifle oo mucaaraday Aadan Madoobe”

  1. Maxamed xassan Says:

    DIGIL & MIRIFLE CID MATHALEYSO OO AY SOO DOORTEEN MA JIRO, KUWAAN HADDA QORAALKA SOO SAAREY WAA KUWII AADAN MADOOWE , SHAATI GADUUD, XAABSADE IYO DEEROW SOO QOREEN KA DIB MARKII AY KA QAATEEN LACAG.

    MARKA QOF AAD JAGADA KA SOO IIBSATEY KUUMA TURAAYO MARKAAGA EE AADANA MADOOWE WAXAA U FURAN LABA WADO MIDKOODA INUU QAATO:

    1) INUU LACAGTII UU LUNSADEY UGA IIBSADO CODKOODA TUUGADAAS ISAGA MARKII HORE BEECA KU KEENEY JADA.

    2) INUU ISAGA TAGO JAGADA SI AY XOOGAA LUF LUF UGA HELAAN TUUGADA MUKHAADAARADKA IYO LAALUUSHKA DULLEYSTEY .

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 31 other followers

%d bloggers like this: