Shariif xasan Shiikh Adan ayaa loo doortay guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ee ku meel gaarka ah.
Shariif Xasan wuxuu ku guuleystay 217 cod.
Halka Mudane Cabdi Xaashi oo ku soo xigay uu helay 143 cod.
Xilkani wuxuu bannaanaaday ka dib markii, Shiikh Adan Maxamed Nuur, uu xilka iska casilay.
Shariif Xasan Shiikh Adan waa markii labaad ee derejadan loo doorto intii ay jirtay TFG.
Shariif Xasan waxaa lagu yaqaan in uu yahay nin dhiirran, mowqifkiisana ku adkeysta.
Markii hore waxaa uu darajada waayay ka dib markii ciidammada ethiopia ay galeen dalka Soomaaliya isaguna diiday in uu dalka ku laabto.
Shariif Xasan, waa siyaasi hore uga qeyb qaatay khilaafyo fara badan oo siyaasadeed oo uu qaarna la galay Madaxweynihii hore Cabdullaahi Yusuf iyo Raiisal Wasaarihiisii Cali Maxamed Geeddi, qaarna uu la galay madaxda hadda jirta sida Shiikh Aden Maxamed Nuur.
Maxaa dhici kara?
Shariif Xasan waxay wax badan wadaagaan Madaxweynaha Shiikh Shariif Shiikh Axmed.
Ma aha in ay isku magac yihiin oo keliya ayna koofiyado isu ay eg qaataan.
Badiyaa kuma kala haraan saffarada dibadda iyo weliba qaabbilaadda madaxda shisheeyaha.
Waxay wada deggan yihiin Madaxtooyada.
Ilaa iyo hadda waxay ahaayeen xulufo wadaag aad isugu dhow.
Aala Shiikh
wadaaddada ku xeeran Madaxweynaha oo sheegta in ay yihiin xertii Shiikh Maxamed Macallin ayaa waxay dagaal aan qarsoodi lahayn la galeen Shariif Xasan Shiikh Adan.
Kuwooda baarlamaanka xubnaha ka ah ayaan qarsan dagaalkaas.
Haddaba su’aashu waxay tahay xulafada Madaxweynuhu sidee weerar ugu qaadi karaan saaxiibka ugu weyn xagga siyaasadda ee Madaxweynaha?
Taas waxaa macnaheedu ahaan karaa in Madaxweynuhu aanuu ku raacsanayn in Shariif Xasan aanay Madaxweynaha meel u wada socon ama in ay wadaaddadan siyaasadda ku jiraa ay Shiikh Shariif taladiisa dhinac mareen.
Labada midda ay tahayba waa arrin miisaan siyaasadeed saari karta TFG.
Raiisal Wasaaraha
Tallaabada doorashadan xigta waxay noqon doontaa waxa laga yeelayo mustaqbalka xukuumadda uu Madaxda u yahay Ra’iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in uu xilka ka qaaday Ra’iisal Wasaaraha, kadibna markii uu malahaa yaqiinsaday in aan tallaabadaasi wafaaqanayn dastuurka ayuu ka noqday.
Si kastaba ha ahaatee, Cumar Cabdirashiid intii qalalaasaha siyaasadeed socday waxay isku dhinac ka soo wada jeedeen Shariif Xasan, oo hadda awooddiisii loo sii kordhiyay.
Haddii ay dhacdo in la dhaqaajin waayo Cumar Cabdirashiid waxaa ugu yaraan dhici doonta in xilka laga xayuubiyo Wasiirro dhowr ah oo iyagu h kooxda dagaalkii ay ku jireen lagu jebiyay.
Dhabbahaugu sahlan ee loo soo mari doonaana waa hirgelinta heshiiskii lala galay Ahlu Sunna.
Si kastaba ha ahaatee, mar haddii Shariif Xasan oo lagu yaqaan dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo aan nasiino lahayn, isla markaana ah nin aad ugu xeel dheer siyaasadda Soomaaliya ka socotay sanooyinkan dambe, welibana xiriirka ugu dhow la leh dalka deriska ah ee Ethiopia, hadda loo doortay xilkan, waxaa hubaal ah in siyaasadda TFG ee fadhiidka ah aanay sideedii hore ahaan doonin.
May 31, 2010 at 4:19 am |
Doorashada Shariif Xassan loo doortey Xilka Guddomiyaha Baarlamaanka waa mid aan sharciga waafaqsaneyn, waana waxba kama jiraan sababaha Sharciyeed ee hoos ku qoran dartood:
1) Waxey si caddaan ah ugu tumatey Heshiiskii Djibuti oo lagu soo dhisey Baarlamaanka Midnimo Qaran oo ka koobnaa 275kii TFGdii Mbaghati iyo 250ka Isbaheysiga Asmara oo lagu soo doortey Sheikh Shariif , laguna ansaxiyey Dawladda Cumar Cabdi Rashiid, laguna heshiiyey iney shaqeyso muddo 2 sano iyo bar ah. Mana dhicin Waqtigii Guddoon Baarlamaanka, balse fowdho uu horboodaayey Shariif Xassan looga qaadey xilka Aadna Madoowe.
2) Waxey ku tumatey codka lagu dooranaayo Guddomiyaha Baarlamaanka oo ahayd 2/3 + 1 Tirada Guud ee Baarlamaanka oo ka kooban 550 Xubnood, taasoo codka shariif Xassan uu heley ay ka yar tahay 1/2 bar Xubnahii Isbaheysiga Asmara .
3) Waxaa kale oo lagu tuntey lana diidey Amarkii iyo Go’aankii ka soo baxey Maxkamadda Sare oo ahaa in la hakiyo doorasha Xubnaha Guddoonka Baarlamaanka muddo shan maalmood ah, maadaama Maxkamadda Sare loo gudbiyey Dawcad Dastuuri ah oo ku saabsan Xilka Guddoomiye ku Xigeenka Kowaad.
4) In Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka Shacabka u soo bandhigtey Dacwad ku saabsan Dembiyo Qaran oo ay galeen 10 Wasiir iyo Xildhibaano oo ay qaarkooda u tartamayeen Xilalka Guddoomiyaha iyo Ku Xigeennada Baarlamaanka, go’aankaas oo dastuur ahaan ah mid sharciga waafaqsan iney Maxkamadda Sare kala saarto haddii Hay’adaha Dawliga iyo Sharci dejintu Is-qabsadaan weliba leysku qabsado arrin Dastuuri ah, taasna waa la diidey Amarka Maxkamadda Sare, sidaasna lagu qabtey Doorasho Xaaraan ah.
Xalka Sharciyeed muxuu yahay , waa sidatan:
b) Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, waa inuu Dacwad liddi ku ah Go’aanka Doorashada lagu doortey Shariif Xassan uu u Gudbiyo Maxkamadda Sare kana Codsado iney Maxkamadda Waxba Kama Jiraan ka dhigto Dorashadaas oo ka soo horjeedo Dastuurka.
c) Inuu Maxkamadda ka codsado in Xasaanadda ka qaado 10ka wasiir oo lagu soo eedeeyey Xatooyada Hantida Qaran iyo iney Xilalka Xildhibaan nimada ka Xayuubiso Sheikh Shukri oo diidey Amarkii Maxkamadda Sare, Taliyaha Ciidanka Booliska, Xildhibaanadii ka qeyb qaadatey mu’aamaradaan oo ay ugu horeeyaan Qanyare, Islow, iyo asxaabtooda, Sheikh Shariifna ay Maxkamadda kala xisaab tanto qeybta uu ka qaatey ku Xad-guduka iyo ku Tumashada Axdiga Ku Meel Gaarka iyo Heshiiskii Djibuuti.
Haddii intaas tallabo ah aan la qaadin waxaan shakki ku jirin in bur bur iyo halaag loo horseedo Dalkaas iyo Dakaas Masaakiinta ah, Tuugana ay Sharciyeysato ku Xadgudubka Sharciga.