Wasiirrada Difaaca Bariga Afrika oo Qarammada Midoobay ka dalbaday in Soomaaliya la geeyo ciidamo ka socda dalalka dariska ah

Wasiirrada Difaaca dalaka Geeska Afrika oo kulan ku yeeshay Nairobi todobaadkii hore ayaa ka codsaday Qarammada Midoobay inay baabi’iso qaraarka 1725 ee mamanuucaya in ciidamo ka socda dalalka dariska la geeyo Soomaaliya.

Nuqul ka mid ah codsiga ay soo-jeediyeen Wasiirradan oo ay daabacday Reuters ayaa looga dalbaday Qarammada Midoobay inay qaraarkaas ka laabato, si dalalka Itoobiya, Jabuuti iyo Kenya ay ciidamo u geeyaan Soomaaliya.

“”Kulanka waxaan uga codsaday Qarammada Midoobay inay dib u eegto qaraarka 1,725 ee looga mamanuucay dalalka dariska ah inay ciidmo u diraan Soomaaliya” ayaa lagu yiri warbixinta ay kasoo saareen kulankooda Wasiiradda Difaaca dalalka Bariga Afrika.

Dalka Jabuuti oo ka mid ah dalalka dariska la ah Soomaaliya ayaa waxay horraantii sannadkan sheegeen inay Soomaaliya u dirayaan ciidamo gaaraya 450-Askari si ay uga mid noqdaan AMISOM oo nabad ilaalin ahaan u joogta Soomaaliya.

Ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Muqdisho ayaa waxay tiradoodu gaaraysaa 6,000-askari, waxayna ka socdaan dalalka Burundi iyo Uganda, iyadoo Wasiirradu ay ka dlbadeen dalalka dariska la ah Soomaaliya inay 2,000-askari geeyaan Muqdisho.

Sarkaal sare oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in go’aanka ay gaareen Wasiirrada dalalka bariga Afrika uusan ahayn mid xal u ah dalka Soomaaliya.

“Waxaan diidnay inaan saxiixno go’aankan innagoo eegayna danaha dalkeenna iyo dadkeena, waayo waa faragelin xasaasi ah, gaar ahaan dalalka Kenya iyo Itoobiya, kuwaasoo xuduudo la leh dalka Soomaaliya” ayuu yiri Sarkaal Soomaali ah oo magaciisa qariyay kaasoo u warramayay Wakaaladda Wararka Reuters.

“Ma ogolaan karno heshiiskaas oo kale xiligan, Laakiinse haddii ciidamadu ay yihiin kuwo ku imaanaya Magaca Qarammada Midoobay ama Magaca Midowga Afrika waan aqbalaynaa” ayuu hadalkiisa raaciyay sarkaalka.

Wasiirrada Difaaca Afrika ayaa sidoo kale codsaday in la xoojiyo ciidamada AMISOM ee ku sugan Muqdisho, Dowladda Soomaaliyana loo tababaro ciidamo gaaraya 22,500-askari si ay awood ugu yeelato inay dalka wax ka qabato.

About these ads

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 48 other followers

%d bloggers like this: