Anigoo intii badneyd soo bandhigay ayaa waxaan jeclahay hadana inaan si fiican u soo koobo intii ii hartay, anigoo weliba tusaalooyin ka bixin doono qabiil walba sida ay abtirsiimadiisu tahay iyo qof walboo DigilMirifle ah meesha uu galayo, iyo weliba si ay ugu cadaato ama uu u fahmo ruux walba oo buugan akhrisanaaya, waxaana tusaale u soo qaadaneynaa laba qabiil abtirsiimadooda, kuwaas oo kala ah Jilible iyo Jiroon.
Jilible sida uu u abtirsanaayo waa sidan:
1} Jilible Ceel qode, Warantable, Subuge, Dab, Omar Diin (Galadi).
2} Jiroon,Garseed, Garjecle, Haraaw, Hinjinle, Dhergane, Madoobe, Mirifle, Maxamed Reewing (Raxweyn), Sifir, Kalmuge, Talmadar, Sheekh Max’ed Digil, Daysan,Cumar, Sab, Axmed, Cabduraxmaan, Max’ed, Axmed Hanbal, Muuse, Mahdi Bin Abuubakar.
Intaa waa tusaalihii abtirsiimadii DigilMirifle, qofkii yaqaana wuu yaqaanaa kaan aqoonina sidaa u baro.
Magaca ah Qoomaal asal ahaan waxaa laga wadaa Qumaal oo macnaheedu yahay Injir.
Intaa waxaa ku dhamaaday abtirsiimadii caruurta Max’ed Reewing
(Rax-weyn) mid ka mid ah kaas oo ah Mirifle, waxaana harsan sedexda kale oo la kala yiraahdo Caleemo, Jambaluul iyo Begedi.
A) Caleemo: waxa uu dhalay laba wiil oo lakala yiraahdo:
1} Kasaanle Weyne
2} Kasaanle Yare
Kasaanle Weyne: magaciisu waa Erdho, Kasaanle Yarana magaciisu waa Hiifmuge, labadaba hada waxey ka tirsan yihiin Digil oo si gooni ah waxey ka mid yihiin Shanta Caleemood, waana laba ka mid ah shantaas qabiilood oo la isku yiraahdo Shanta Caleemood. Magaca Shanta Caleemoodna waxa uu ka yimid odeyga la yiraahdo Caleemo Max’ed Reewing (Rax-weyn).
B) Jambaluul: waxa uu dhalay Magalaan iyo Madi Gesi, waxeyna degaan Daafeed.
C) Begedi: wuxuu dhalay afar wiil oo la kala yiraahdo.
1} Maxamed
2} Hasan
3} Cali
4} Jibriil
A) Maxamed: Caruurtiisa waxa ay degan yihiin degmada Aw-Dheegle
Sedexda kalena waxay ku biireen Eelaay sidaan horeba u soo sheegnay, waxeyna degan yihiin Buur Hakaba. Hasan iyo Cali caruurtooduna waxa ay wataan magacii awowgooda Begedi, waxeyna la degan yihiin Waraasili. Caruurta Jibriilna waxa ay la degan yihiin Bo’horaad.
Hadaan in yar wax ka iraahdo sababta igu keliftay inaan qoro abtirsiimada Digil iyo Mirifle waxa ay tahay anigoo soo maray wadamo badan oo aduunka ka mid ah aan ka aheyn Asiya (Asia) iyo Austaraaliya (Australia), lana soo kulmay dad badan oo DigilMirifle ah, kuwaas oo aan aqoon abtirsiimadooda taasna ay ugu wacan tahay waaliddiintooda oo aan haba yaraatee barin abtirsiimadooda, waxaa taasna u sii dheer tashwiish ay ku fureen dadka u dhashay lahjadda Mahaa tiri, tashwiishkaas oo salka ku hayo si ay u kala qeyb- qeybiyaan DigilMirifle, ka dibna ay dhaxlaan dhulkooda ayagoo iska dhigaayo iney hal meel ka soo wada jeedaan iskuna abtirsadaan, waxaana taa daliil u ah anigoo arkay qof Mirifle ah oo aan kula kulmey Waqooyiga Ameerika oo uu sheeganaayo Daarood.
Waxaan sidoo kale kula kulmay Galbeedka yurub “West Europa” qof Digil ah, kaasoo aan is wareysaney anagoo weliba ku wada hadleyno luqadda May-maayga, ruuxaas oo igu yiri anigu ma ihi Rax-weyn, markaana aan ku iri halkee u kala wadaa DigilMirifle, waxaana ku iri Mirifle sow caruurtii Digil ma aha? Waxaan kaloo ku iri ayadoo aan Digil la oran Mirifle ma la oran karaa?. Ninkii wuu gareystay, xiriir ayaana yeelanay, waana qof aan isku abtirsano, laakiin aan isaga abtirkiisa wax fikrad ah ka heysan. Aniga hada laba tusaale keliya ayaan soo qaatay ee waxaa ka badan inta ka xishooneysa iney sheegtaan DigilMirifle, sabatuna waxa ay tahay maba garanaayaan abtirsiimadooda. Waxaan kuwaasi leeyahay ha xishoonina, idinkaa dhalad ahee oo la idin yimid, marka ogaada ninka idin yimid baa shaki ku jiree.
Abtirsiimada Mirifle waxaan u kala saareynaa laba qeybood, oo kala ah meesha uu Mirifle ka yimid iyo faraciisa sida ay kala yihiin ama u farcameen.
Qore: Isaak Eeding Hassing (Isaak Doolow)
isakdoolow@yahoo.com
June 28, 2010 at 5:50 pm |
War beenta ka daaya shacabka, buug been lagu qoreyna meel ma gaari doono ogaada.
June 29, 2010 at 7:12 am |
SAAXIIB HADDII DOOLOW BEEN SHEEGAYO,WAXAA KA BEENBADAN,KUWA SHEEGTA,DAAROOD,HAWIYE,AMA IIDOOR INTUBA WAXAY NAFTOODA KU MAAWEELIYAAN WAXAAN WAXBA KA JIRIN,SIDA IN AY YIHIIN QUREESH WAA BEEN,SIDA IN AY DIGIL IYO MIRIFLE YIHIIN,DAAROOD,HAWIYE,AMA ISAAQ WAANA BEEN AY NAFTOODA U SHEEGEEN,WAXAA KALE OO AY ISKU QANCIYAAN HEBEL WAA ANAGA OO SAAS WAXAYSAN DALIIL U HAYNIN SIDAAS DARTEED SHEEKH ABDIYOW BEENTII DAAROOD,HAWIYE AMA IIDOOR AYAAD RUN MOODAY WAA KA XUMAHAY ADNA KUUMA FIICNO BEENTA QALBIGA LAGAA GALIYEY.
ALLAHA KAA CAAFIYO.
WABILAAHI TAWFIIQ, WARKA AMA ABTIRSIIMADA ISAAQ DOOLOW KAMA DUWANA TAN DAAROODKA,HAWIYAHA AMA ISAAQA EE MAXAAD ISAGA BEEN UGU SHEEGTEY HADDII UU SHEEGTEY ABTIRSIGIISA.
June 29, 2010 at 9:50 am |
Sheikh Ebdiyow Eelaay Adeer waxaa kuu fiican in aad runta ka hadashid, oo aan ula jeedo ha sheegan magac aadan laheyn ama aadan u dhalan, waanu ognahay in aad ka socotid web-site-ka Hiiraan online, maxay tahay danta kugu kaliftey in magac aadan ab iyo isir toona aadan u lahey sheegatid, sow ma cadeyneysid in aad nasab dhiman tahay, qof baad waxaad ku leedahay beenta ka daa dadka adigii oo sheekh sheeganaya oo aadan ahayn been sheegaya dad baad ku tilmaantey been.
Adeer ninka nasabka Qowmiyadiisa ayuu keenaye keen kaada, waanu ognahay specially in adiga iyo qoladaadaba aad OROMO tihiin, waa run markaad tiri been meel ma gaareyso, waa tan taada maanta la qabtey, midgaha la sheegana waa adiga oo kale oo sheegtey qabiil uusan u dhalan ama rogey nasabkiisa cabsi bani’aadam uu cabsanayo.
June 29, 2010 at 11:15 pm |
Isaaq,
aad baad u dadaashay laakiin hal dhinac uun baad wax ka eegtay.
Meeday dhankii saddexda boqolad?
Boqol hori sheegtay ee maxaa boqol dhexe iyo boqol dambe kaa mannuucay?
Teeda kale yaa KU YIRI Qoomaal micnahedea asliyan waa qumaal oo aad ku micneysay injir?
Cudurkii mirifle sideedda AAN AHEYN BOQOL HORE MAA KU HAYO?
yAASE KU YIRI LEYSAAN OO DHAN TODDOBA REER AW hINJINKE MA AHA WAA ADIGAN gALEDI gALADI) KU RIIXAYE EE?
Fadlan mustaqbalka iska ilaa inaan qabiil af lagaadeyso oo aad dadka aad isku keen leedahay kala disho/ Fadlan sax:
Qoomaal waxay asliyan ka timid erreyga Qoom iyo maal oo asal carabi ah micnihiisuna yahay DAD iyo MAAL ama LIS micnaha dadmaale. waxaa kale oo la yiraahdaa waxa uu ka soo asalmay erreyga Qoomaal sidii asalba uu af soomaaliga ugu ahaa ee ah Kii Wax qoonsanayey ama wax dhibsanayey,
FADLAN, cudurdaar ayuu kaa rabaa qabiilka qoomaal maxaa yeelay magacooda ayaad si xun oo aan la garan inay jaahilnimo kaa tahay iyo inay af lagaado ula kac ah kaa tahay, Haddii kale, aan kula kaftanee, JIROON iyo meesha uu ka soo jeedo micno iyo abba waa laguu sheegaa lana baafinaa!
walaalkaa eedin aliyow buulih
June 30, 2010 at 11:05 am |
ASC, Aadan Buulow Marka hore gefka Personal Attack-ga waa lagaaga fiican yahay, Teeda kale hadii aad tahay Aadan Buulihii aan garanaayey waa kugu xad gudub in aad in aad fidno aan jirin abuurto, faraha aad la gasho qabaa’il aadan u dhalan ileyn waan ognahaye qabiilkaaga hadaan cadeeyana ma tihid QOOMAAL.
Teeda kale iskama aanan qorin oo aniga iskama hindisin waxaan hayaa kutubo waqti hore la qorey oo ay qoreen dad la yaqaan oo nadiif ah aan aheyn kuwo sidaada oo kale fidno wad ah.
Hadii aad xaqiiq heyso dadkaaga ayaad u faa’ideyn laheyd, oo caruurtaada ayaad wax u tari laheyd.
Cay hadii aad rabto JIROON waxba ha ila kaftamine, in ay aqoontu kugu yer tahay ayaad ii cadeysey, REEWING waxey u kala baxdo wey soo socotaa ee ha deg-degin, mana jirto bogol dhexe, ee waxaa jira SEDI bogol dembi oona ay kala yihiin Eeley, Hariin, Heledi, sheeg habii aad wax isku hayso Bogol Dhexe, waxaa kuu roon in aad iska aamusto hanaga hadashiinine, hadii ay kaa tahay yaan la sheegin waxba kaa yeeli mayno, hadii mid dhaanta haysid u soo gudbi dadka.
September 28, 2010 at 7:00 pm |
Walaal Isaaq:Waan la socdey qoralladada qiimaha leh oo idil, axad kasta waan dhararayey intey imaneyso, dadaalkaada sii wad guul ban kuu rajeynaya.
Tan kale:
Waxaan ahay nin u dhashey QOOMAAL, “Afar Dhukubo abboosho” Afarta Dhukubo waa afar ceel-gaab maax ah oo ku yaal dhulka loo yaqaan “Godowne” oo ay degaan Qoomaal Bari.
Sidii Ceel Walwaleed kuma go’aan wadaamuhu carruurta iyo wayeelkaa ka waraabsha xoolaha. Mana guraan jiilaal iyo rooba. Waa dhul aad u qurux badan oo ku teedsan jiidda Bari ee Gobolka Bakool, gaar ahaan ku dhow Biyooley iyo Tiyeeglow, mamul ahaanna hoos taga.
Wa halkaan aniga ku dhashey kuna soo barbaarey. Aabahey Allah ha unaxriistee wuxuu ahaa malaaqa qoomaal muddo konton sano ka badan, aad buu ugu xeel dheeraa taariikhda Digil iyo Mirifle wax badan baan ka xasuustaa sheekooyinkiisii taariikhiga ahaa. Abahey wuxuu iigu sheegey magaca QOOMAAL inuu ka yimid erey af soomaali ah Qoon ama Qoomid ama Qoomaal oo isku micna ah dhamaantood; Hees waxa jirtey Radio Muqdisho laga qaadi jirey” Qoomaasha dirirtiyo qab qab dhaafey iyo maan” waa waxaad qoonsatid ama ku qooma, ama qoomaal ku greliya.
Waxay ahayeen dad dhib badan oo wax qooma oo dagaala. Waxay bari u xigaan Mirifle oo idil, waxay ood wadag yihiin Gaaljecelka Hiiraan dega.
Waa dhul daaqa xoolaha aad ugu fiican, dhul beereed fiicana leh oo uu si fiican uga baxo badarka iyo digirta, waa dhulkii malabka iyo shinida, waa dhul aan weli saameyn afooyinka ilbaxnimada basharka. waa gabiib aad u caafimaad badan ooy cudurradu ku yaryihiin
Qoomal waxa loogu bixiyey way qoomaal badnaayeen oo qabiil aaney isdiririn ma jiro deegaankaas.
Qoomaal Waa xoogaggii u diidey inuu Gaal-jecel soo dhex maro ama uu ka
barabixiyo Miriflaha dhulkooda. Weligeen dagaal baa naga dhexeen jirey anaga iyo Gaal jecel, wuuna ka baqan jirey inuu na soo waajaho.
Walow uu ka gudbey markii dambe inta u dhaxeysa Buur Hakaba iyo Daafeet ilaa Kafar iyo Kismaayo ayuu gaarey hadba siduu geela afkiisa uun u raacayey iyo halka uu daaq ka helaayo.
Marka saaxiib, ma filaayo qof iiga aqoon badan Qoomaal iyo taarikhdeeda inuu jiro maanta, runtiina sidaas buu ku yimid magacaas.
Markaan ka baxey Kulliyaddii Lafoole ayaan u aadey dhulkaas cilmi baaris mar an qoraayey buuggeyga qalin jebinta, waxaan wax ka qorey waxay ahayd “Geela”. Soomaaliya waxaa iigu dambeysey 1986kii.
Buugaagteyda waxa la ii sheegey iney ku gubteen dagaalkii Caydiid uu ku soo qaadey Baydhabo. Guriyihii xaafadda oo idil bey gubeen, waxayna ahayd markey RRA ay aad u xanuunjisey Habar-gidirta. Aniga markaas Sacuudigaan joogey. Odeyga aabbahey madfac ay soo tuureen baa firir gaarsiiyey Ilaahey baa ka badbaadiyey.
October 21, 2010 at 6:38 am |
CABDI YARE EED I EEDA ING MAHADSINGT SAAXIIB RAGANIMADAN AYAA LOO BAAHAN YAHAY
WAXAAN KUGU RAACSANAHA SIDA AAD TIRI OO AH
WAXAA BEENBADAN DAAROODKA IYO HAWIYAHA
August 6, 2012 at 5:53 pm |
Asc waxan u mahad celinayaa qoraaga kow iyo kun jeer aniga waxan u dhashay Digil iyo mirifle gar ahaan mirifle wiliba sedi boqol dembe ayan kaso jeeda. waxan jeclahay inad noo soo gudbiso taariikhdoda Hariin ,Eelaay iyo Heledi iyo wiliba sida beesha begedi oo afar caruur ah ay sedax kamid ah ugu mid noqotay beesha Eelaay hadii ad taariikh ka hayso.
waad ku mahad santahay sida waqtigaaga iyo aqoontada ugu hortay sidii ad ugu fa ideyn lahyd caruurta yar yar ee an abtisimahooda an aqon qurbahana ku dhashay iyo kuwa dalka joga intaba waxana amin sanahay in dad badan yar iyo weynba leh ay ka faideysan doonan mahadsanid markale.
Waxana dhaliil uso jeedinaya dadka an qowmiyada ka dhalan ee isku dayay iney carqaladeeyaan qoraaga iyo wiliba kuwa u dhashay e hadi wax yar qaldaman qofka waa bin adanee, intey sixi lahayn ama hadi ay tarikh dherad ah hayan uso gudbin laha taa badalkeeda aflagaado iyo wax yabo an ficney ku dhaliilayo qoraaga.
hadaba waxan so jedinaya inay ka wan towban midas qoraaga wa qoraa somaliyeed halaga fa ideysto, hana la dhiro galiyo.
October 11, 2012 at 4:37 am |
Dhaman umada digil iyo mirifle salan qali ah ayan halkan umarina intaa kadib waxan ku faraxsanahay inan arko dad u taagan difaca sharafta umada digil &mirifle iyo abtirsimadoda
April 10, 2013 at 10:07 pm |
ugaaska uguud ee gusaargude wuxuu sacasiya u dirayaan Wiila Ali adan. oo ku geriyotay Magalada Baydhaba .09/04/2013. (1) ugaas Mahamed Ali xussein (2) ildhiban Mahamed Ali Xussein ( Daqare)iyo haaskiisa(3)ildhibaan Khaliif abdikariin iyo haskiisa (4) ildhibaan Mamiin shekh abdirahmaan iyo haskiisa(5) Ahmed adan (aqwaanow iyo haskiisa )(6)Aliyow nuurow iyo haskiisa(7)iyo haaji dooma iyo haaskiia(8)Mahamed Hassan (goolow iyo haskiisa(9)Mahmed ali iyo haskiisa (10)Musdhaf cade iyo haskiisa (11)ibrahin adan qodhod iyo haskiisa (12)garraad Hussein ali xussein iyo haskiisa(13)Hassan ali xussein iyo haskiisa(14)Abdirahmaan ali xussein iyo haskiisa dhamaan waxay tacasiyo udirayaan aheladii ay kageriyotay Wiila ALI ADAN oo ku geriyotay magalada baydhabo tariqdu markay aheed 9/04/2013 ilahay waxan ugabareynaa inuu kawarabiyo janadisa fardowsa ( AAmiin) heladii ay kategteyna samir iyo iiman ala hasiyo