Abtirsiimada Qowmiyadda DigilMirifle Q-11aad

Afartan ugu danbeeya ee sil-silsiladda faricii Sheekh Mahamed Digil ee kala ah Macalin weyne, Reer Dumaal, Jiroon iyo Garwaale, isla markaana ah kuwa ugu da’da yar waxaa la isku yiraahdaa Afar Reer Baay.

Reer DigilMirifle waxaan ka soo sheekeynay meesha ay ku abtirsadaan oo aheyd laba qof, DigilMirifle, qabiilada qowmiyadda DigilMirifle todobo ka mid ah waxey ku abtirsadaan Cumar Diini oo ahaa Imaamkii guursaday gabadhii Aw Digil oo la oran jiray Caasha bintu Caleema Maxamed Digil, inta soo hartayna waxay ku abtirsadaan odeygii Aw Digil oo uuna dhalay 7 wiil oo laba ka mid ah mid uu degan yahay Iimeey, Itoobiya, meeshaasna uu ku tarmay ayna tarankiisu ilaa iyo hada degan yihiin, midna faraciisa wuxuu ku dhex darsamay Hariin iyo Dabare. Shanta soo hartayna afar ilaa iyo hada waxaa loo yaqaanaa Digil, midka todobaadna waa kan ay ka faracmeen dadka loo yaqaan hada Mirifle, qofka ay ka soo faracmeena waxaa la yiraahdaa Sheekh Maxamed Digil, faraciisuna waan idin soo sharaxay, hadana looma baahno inaan dib u sharaxo.

Umadda DigilMirifle waxa ay u qeybsameen laba qeybood, qeyb waxa ay heystaan magacii awoowgood oo ahaa Aw-Digil lana yiraahdo Reer Digil, qeybta kalena ay qaateen Mirifle oo ahaa wiilkii Reewing, Reewing-na awowgiisu waaba Sheekh Maxamed Digil. Qowmiyadda DigilMirifle sidaa ayey walaalo u yihiin waxeyna ka soo wada jeedaan hal odey waana odeyga Aw-Digil. Kuwa taariikhda beenta ka qora ayaa iska dhaadhiciyey in ay marin habaabiyaan qowmiyadan DigilMirifle, ayna ahaayeen kuwii soo dhaweeyey, dejiyeyna dhulkooda. Waxaan leeyahay kan soo fara gelinaayo abtirka qowmiyaddan DigilMirifle marka hore soo sax taada oo meel isa soo saar, hadii kale waxaad wadaa “intaan adiga wecel lagu dhihin dadka kale wecel dheh”, hadaadan isa soo cadeyna anagaa ku caddeyn doona.
Waxaan kaloo rabaa in aan sii kala dhig-dhigo Miriflaha, asagoo u kala baxaaya Sagaal iyo Sideed, sagaalka iyo sideedana ay ugu kala baxeen sida ay u kala degen yihiin, inta isla degtaaba loo yaqaan ama ay leedahay magac lagu garto, waxaan arintaa ku bayaaninaynaa qoraal iyo muujin gaaban si loo wada fahmo. Hadaan ku horeysiino Sideeda, Sideedu ma aha Sideed qabiil oo keliya ee magaca uun ayaa sidaa noqday, in badan oo Soomaalida ka mid ah waxey u fasirteen oo ay ka dhigaan Sideed qabiilood, hadaba arintu sidaa ma’ahee ee ogow in ayan aheyn sideed qabiilood ee waa sidan soo socota:

Siddeed:

1) Eelaay
2) Hariin = Sedi Boqol dembi
3) Helledi

4) Disoow
5) Eemit
6) Qoomaal =Afar Boqol Hori
7) Yalali

8) Jiroon
9) Garwaali
10) Reer Dumaal
11) Macalin Weyne = Afar Reer Baay

12) Haraaw
13) Leysaan = Lami Harqaan

14) Waanjal

15) Asharaaf

Asharaaf oo ay ka wada dhaxeyso
DigilMirifle

Sagaal:

1) Hadami
2) Luwaay = Lami Baroosili

3) Jilible
4) Geelidle = Lami Ceelqode

5) Hubeer
6) Yantaar = Lami Dhaa

7) Gasaar Gude
8) Gawaawiing =Sedi Ganaani
9) Eeyli

Sidaas ayey kala yihiin Sideed iyo Sagaal (Mirifle) oo weliba inta isla degtayba magacyo loo bixiyey, waloow ay ku jiraan kuwo isku aabo ah sida Afar Boqol Hori, Afar Reer Bay, iyo lami Eel-qodi, Afar Boqol Hori waxaa dhalay Hinjinle, waxaa kaloo la dhashay seddex wiil oo kale, kuwaas oo aan la degin, seddexda la dhalatayna waa Haraaw, Bari iyo Daa’ uud.
Afar Reer Bay-na waa isku aabo oo waxaa dhalay Garseed – Garjeele-Haraaw. Afar Reer Bay waxaa awoowe labaad u ah Haraaw.

Qore: Isaak Eeding Hassing (Isaak Doolow)
isakdoolow@yahoo.com

About these ads

9 Responses to “Abtirsiimada Qowmiyadda DigilMirifle Q-11aad”

  1. Adan Bulle Says:

    Isaaq,
    waad dadaashay oo aftar boqol hore ka sokow intii boqol dambe aheydna waad sheegtay. Inta kale oo sideeda ka soo hartay, waxaan u aqiin inay yihiin boqol dhexe. Fadlan sax.
    Ereygiina cududaarkiisa weli waa lagaa sugaa ee isa soo sax.
    Eedin

  2. Isak Doolow Says:

    ASC Aden Buulow hurdaad ku jirtaaye ka soo kac, adiga rabitaankaaga ha nagu dabaqin adiga hakuu gooni ahaado, Boqol dhexena buugaaga ayuu ku qoran yahay ee DigilMirifle qofna taa ma oga ee soo ban dhig taada intaadan i dhihin sax, teyda hadaan sax aheyn sida taada ayaan u qarsan lahaa, mida kale Cudur daarka aad sheegeysid adigaa abuuraye bixi cudur daar, hana is daalin hana isku mashquulin wax adiga kaa horeeya.

  3. adan Bulle Says:

    Isaaq,
    Horta hore, ogow in aad dadaashay laguuna qirsan yahay ooamaan mudan tahay.

    Waxaase lagu leeyahay qaladka af xumidda ku jirto oo ula kac u muuqada ee aad Qoomaal ku micneysey iska sax.. Micnaha saxa ah erreyga Qoomaal-na waan kuu soo qorey si aad u saxdo.

    Jiroon iyo oomaal labada waa labo qabiil oo siman oo walaalo ah. waana inaanan Jiroon wax ka sheegno ileyn Jiroon oo dhan ma masashid oo sidaada inaan qabiilka oo dhanqalad ka galno ma rabto.

    Tan kale waxbaa lagula toosinayey ee wax qasab la yiraahdo meesha ma yaal ee ileyn adigaa qalinka heysta oo qoraalka markii hore si niyad-wanaag u muuqata ku bilaabay.

    Ugu dambeyntii aad baad ugu mahadsan tahay sida aad fikradaha laguu soo diro sida ay ahaayeen ugu soo bandhigto. Dad badan baan sidaas yeelin.

    Wixii intaan ka dambeeya si private-ah ayaan email-ka kuugula soo hadli doonaa haddii aad gar qaadaneyso.
    tARTAN NAGAMA DHEXEEYO EE WAX ISKU SHEEGID BAA NAGA DHEXEYSA.

    Walaakaa Eedin

  4. Isak doolow Says:

    ASC, Adan Buulow wax isu sheeg qof diidan ma jiro, in la isa soxo qof diidan majiro, ma qaldamana waa ALLAAH, laakiin hadalkaaga marna kuma jirin in aad rabto wax sixid sidaa darteed nin waliba wadadiisa ayaa lala maraa, maxaa kuu diidey hadalka wanaagiisa, maxaa keeney in aad iga faafiso war xun.

    Teeda kale weli hadalkaagan ugu danbeeya xumaan weyn ayaa ku jirta oo muda in laguu jawaabo waan ogahay in JIROON iyo QOOMAAL ay walaalo yihiin, weliba JIROON awoowe loo yahay, ma waxaad aragtey qof Awoowgiis caaya, hadaad aragteyna aniga ma ihi.

    Ugu danbeyn waan kuugu soo dhaweynayaa xiriirka aad sheegtey dhanka Private-ka, in kastoo kuu ahayd marka hore intaan waxba kaa fakan, hana ku seexan in aan wax ku bedelo fekerkaaga waa adigoo la yimaada PROOF cadeyn mooyee, ileyn aniga tan iskama aanan qorin anigoon soo cadeyn,

  5. Idris Malaaq Says:

    Buulle iyo Isaaq labadiinaba waxaad tuhiin rag halyeeya ah, indheergarad aqoontu u dheertahay xamaasad iyo qiiro kal iyo laab ah ooy u haayan dadkooda Digil iyo Mirifle. Qoraalladiina wax badan baan indhaha la raacey oon ku ildoogsadey. Rag noociina oo kale ah kuma badna dadkeena. Allah ha badiyo misaalkiina.
    Tan kale xasasiyad iyo isxaagxagasho looma baahna maadama aad tihiin rag walaalo ah oo isku dhinac uun wax u wada.
    Madaama mawduuca aad falanqayneysaan uu yahay taariikh bulshadeed uu ku yaraa qoraalka amaba aanu jirin kayd qoraal taariikheed sugan oo soo jireen ah hadda ka hor. WAA ODEY KA SHEEKEE iyo taariikh oral ah oo ab iyo isir loo soo dhaxlaayey. Shaki igagama jiro Madmadow inuu soo galaayo meelaha qaarkood oo la isku khilaafayo. Masdarka ama isha warka ayaa kala duwanaan kara, ee qof waliba wuxuu haayo ha soo gudbiyo idinkoo mahadsan. waxa la yiri ” Xaajada haddaan la rorogin ragbaan helin” oo ah doodda iyo ra’yi isdhaafsiga waa astaanta ragga garaadka dheer sidiina oo kale.
    Jiilkeena hadda jira ee aqoonyahannada ah waa furaha dahabiga ah ee sugidda iyo qoridda taariikhda ummaddena .Ee ku dhirrada dadaalka aad waddaan ee niyad jabka daaya.

  6. Idris Malaaq Says:

    Waxaan daba socdaa dooddiinii ku saabsaneyd ABTIRSIIMADA oo aan hadda uun arkey walow aan akhrin jirey qoraallada walaakey Isaaq Doolow.
    Shaki kuma jiro Isaaq inaad u hurtey waqti qaali ah iyo dadaal dheeraad ah uruurinta, qoridda iyo faafinta mawduucan qaaliga ah, waad ku mahadsantahay hawshaas aad qabatey.
    Tan kale:
    Aniga waxaan u dhashey QOOMAAL, aabbahey wuxuu ahaa Malaaqa Qoomaal 50 sano in ka badan, wuxuu ka soo qayb galey” Querra Di Habashini, 1935″ dagaalkii Talyaniga iyo Xabashida. 3 sano ka hor ayuu ku xijaabtey Baydhabo, gaar ahaan tuulada Haabarre.Alle ha u naxristee wuxuu ahaa nin ilbax ah oo meelo fara badan ee dunida ah soo marey, wuxuu aad ugu xeeldheeraa, taariikhda Soomaalida, gaar ahaan Digil iyo Mirifle. Wuxuu xubin firfircoon uu ka ahaa aasaaskii Xisbigi SYL ee gobanima doonka ahaa.

    Wax badan baan kala harey aqoontii iyo waaya aragnimadiisaba.
    Ereyga QOOMAAL wuxuu aabahey ku micneeyey sidan:

    qoon, qoomid, qoomaal waa isku micno saddexdan erey micnahoodu waa: wareemid, dhibid, dagaalid. Waxa jirey hees radio Muqdisho laga qaadi jirey waqtigii kacanka oo ahayd: Qoomaasha dirirtiyo qab qab dhaafey iyo maan”.

    Qoomaal waxaa loogu bixiyey way qoomaal ama dagaal iyo dhib badnaayeen.
    Waa runoo, qabiil aaney is diririn ma jiro deegaankaas Godowne iyo Afar dhukubo oo ah dhulka ay degto Qoomaal . Afarta Dhukubo wa afar Ceel-gaab oo maax ah oo ku wada yaal saaxad 10km ah. waa dhul gabiib ah oo aad u qurux badan wuxuuna ku yaalla jiidda bari ee Gobolka Bakool.

    Qoomaal waxay bari u xigaan deegaan ahaan Mirifle oo dhan waxayna ood wadaag yihiin Gaal-jecelka Hiiraan dega.
    Qoomaal wa xoogaggii u diidey Gaaljecel inuu ka gudbo ama uu ka barabixiyo Miriflaha dhulkooda aaggaas Bakool, walow uu markii dambe ka gudbey inta u dhaxeysa Daafeet iyo Buur Hakaba ee gobolka Baay.

    Anigaa soo gaarey weligeen dagal baa naga dhexeen jirey anaga iyo gaal gaaljecel, wuu ka cabsi jirey inuu na soo waajaho,.

    Magaca uu Buulle kugu qabsadey waa runtiis oo mid jiro ma aha, waa mala awaal uu odey hore iska soo weriyey. Taariikhda soomaalida oo dhami waaxay u badan tahay odey ka sheekee aan qoraal sugan lahayn walow ay jireen rag dadaallo muujiyey inay wax ka qoraan sidaada oo kale.

    waad mahadsantihiin Isaaq iyo Buulle ee sheekada ha la qaraabeeyo. Laba aqoonyahan oo waxaad tihiin lagu faani karo .

  7. Xasang Aliyow Ibdow Says:

    walaal si wanaagsan baad u soo sartey dhalashadii dhabta ah ee DigilMirifle marka waan kuu mahad celineynaa

    Note: sxb waxaan kaacodsanayaa in aad si dhbta ah oo aad heli karto iigu soo kala saarto Qabiilkan la yiraahdo Waanjal Anigoo ah wiil kasoo jeeda Beesha wanjal ayaan ubaahan ee Walaalkeyisaak Doolow in taas ayaan kaa doonayaaye igu soo warceli sxb
    MAHADSANID

  8. Nuradin Says:

    Isaak walaalow waxaan kaa rabaa inaa ii soo dirto alifba’da af maayga haddii Alla yiraahdo mahadsanid.

  9. 4dhukubo Says:

    Ceelasha mataanaha 4dhukubo iyo Agoonkooda (Uddur-muggawle) waxaa dhul iyo deegaanba xaq u leh beesha QOOMAAL, gaar ahaan Qoomaal Bari oo loo yaqaano (3Geed Goosi). Agoonku (Uddur-Muggawle) waa ceel maaxdumey oo beri hore maax ahaan jirey sida 4ta Dhukubo.

    Uddur-muggawle wuxuu deegaan ahaan raacsanyahay Afar Dhukubo.

    Digil & Mirifle: consist of two major sub-clans. The Digil sub-clan (mainly farmers and coastal people) and the Mirifle”Rahanwein” ” (mainly nomadic pastoralists).

    DIGIL: Dabarre, Garre, Jiido, Bagadi, Shanta Caleemo, Geledi, Ajuuraan*

    (*Left after 2000 to stand alone as a member of Somali Minority Clans).

    Rahanweini oral history tells about the Ajuuraan and how forces led by the Gelidi of the Rahanwein and the Moobleen of the Hawiye defeated the Ajuuraan Sultanate of Mogadishu around 1600s. After that the Ajuuraan settled among the Rahanwein & the Hawiye and some of them went on to settle in Ethiopia & Kenya. as a result today large numbers of the Ajuuraan are found within the Rahanwein and a smaller number within the Hawiye. Therefore, an Ajuuraan person can and do claim to be either a Rahanweini or a Hawiye depending on with whom they reside. They also stand a separate minor Somali clan. Some members of the Ajuuraan that remained in Mogadishu define themselves as being of the Reer Hamar (Benadiri).

    RAHANWEIN (Mirifle) Clan: consists of the following sub-clans:

    1-SIYEED:

    BOQOL HORE :(Qoomaal, Disow, Eemit, Yalalle)
    BOQOL DHEXE:( Leysaan, Macalin Weyne, Waanjel, Jirroon, Reer Dumaal, Garwaale, Asharaf Sarmaan)
    BOQOL DAMBE:( Hariin, Haraw, Eelay, Heledi)
    2-SAGAAL:

    Hadame, Luwai, Gelidle, Jilible,Yantaar, Hubeer, Gasaar Gude, Gobaaweyn, Eyle, Cawrmale*

    (* left after year 2000 to rejoin the Daarood; ? Also claims to be a Non Rahanwein Somali minor clan. An Eyle person can and do claim to be either a Rahanweini or a Jareer Weyne ‘Bantu’ person depending on with whom they reside.)

    ====================================oooOOOooo=========================================

    QOOMAAL: Is one of the 5 sub-clans of Boqol-hore, Five Gamaas (Sects) of the Qoomaal of the are: Dhisiraad; Reer Aw Mishib, Reer Toobe, Reer Macalin & Idimoole) and traditionally one of these five is the Gamaas Hore (first sect). Traditionally, in the case of the Qoomaal it is the Dhisiraad that is the Gamaas Hore.)

    PROMINENT DIGIL & RAHANWEIN CLAN MEMBERS
    Ceelasha mataanaha 4dhukubo iyo Agoonkooda (Uddur-muggawle) waxaa dhul iyo deegaanba xaq u leh beesha QOOMAAL, gaar ahaan Qoomaal Bari oo loo yaqaano (3Geed Goosi). Agoonku (Uddur-Muggawle) waa ceel maaxdumey oo beri hore maax ahaan jirey sida 4ta Dhukubo.

    Uddur-muggawle wuxuu deegaan ahaan raacsanyahay Afar Dhukubo.

    Digil & Mirifle: consist of two major sub-clans. The Digil sub-clan (mainly farmers and coastal people) and the Mirifle”Rahanwein” ” (mainly nomadic pastoralists).

    DIGIL: Dabarre, Garre, Jiido, Bagadi, Shanta Caleemo, Geledi, Ajuuraan*

    (*Left after 2000 to stand alone as a member of Somali Minority Clans).

    Rahanweini oral history tells about the Ajuuraan and how forces led by the Gelidi of the Rahanwein and the Moobleen of the Hawiye defeated the Ajuuraan Sultanate of Mogadishu around 1600s. After that the Ajuuraan settled among the Rahanwein & the Hawiye and some of them went on to settle in Ethiopia & Kenya. as a result today large numbers of the Ajuuraan are found within the Rahanwein and a smaller number within the Hawiye. Therefore, an Ajuuraan person can and do claim to be either a Rahanweini or a Hawiye depending on with whom they reside. They also stand a separate minor Somali clan. Some members of the Ajuuraan that remained in Mogadishu define themselves as being of the Reer Hamar (Benadiri).

    RAHANWEIN (Mirifle) Clan: consists of the following sub-clans:

    1-SIYEED:

    BOQOL HORE :(Qoomaal, Disow, Eemit, Yalalle)
    BOQOL DHEXE:( Leysaan, Macalin Weyne, Waanjel, Jirroon, Reer Dumaal, Garwaale, Asharaf Sarmaan)
    BOQOL DAMBE:( Hariin, Haraw, Eelay, Heledi)
    2-SAGAAL:

    Hadame, Luwai, Gelidle, Jilible,Yantaar, Hubeer, Gasaar Gude, Gobaaweyn, Eyle, Cawrmale*

    (* left after year 2000 to rejoin the Daarood; ? Also claims to be a Non Rahanwein Somali minor clan. An Eyle person can and do claim to be either a Rahanweini or a Jareer Weyne ‘Bantu’ person depending on with whom they reside.)

    ====================================oooOOOooo=========================================

    QOOMAAL: Is one of the 5 sub-clans of Boqol-hore, Five Gamaas (Sects) of the Qoomaal of the are: Dhisiraad; Reer Aw Mishib, Reer Toobe, Reer Macalin & Idimoole) and traditionally one of these five is the Gamaas Hore (first sect). Traditionally, in the case of the Qoomaal it is the Dhisiraad that is the Gamaas Hore.)

    PROMINENT DIGIL & RAHANWEIN CLAN MEMBERS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers

%d bloggers like this: