Archive for July, 2010

Saldanadii Gasaargude & Dejintii Mareexaan Q-6aad

July 28, 2010

Wiilow waxaa loo soo musaafuriyey Soomaaliya, waxaa dowlada Masar danjire Soomaaliya ooga soo dhigatey Kamaalu-diin.

Caradii Wiilow waxaa ka faa’ideystey Lego oo ay u soo adeegsatey
Axmed Juuje, asagoo iska dhigaayo in uu ka xun yahay dhibka loo soo geystey ayuu yiri kii kaa soo ceyriyey jaamacadaada ayaa la keeney Soomaaliya ee waa waqtigaaga ka faa’ideyso, hadii aad dishana waxaan kuu balan qaadeynaa in lagu bad-baadiyo, tiina waa ay dhacdey Wiilow waa uu diley Kamaaludiin, waana la xirey soo deyn la soo daayo daayee habeenkii xornimada la qaatey ee aheyd 1-7-1960 subaxnimadeedii waxaa loo tagey Wiilow oo mayd ah kuna jirey meydkiisa qolkii uu xabsiga kaga jirey, waxaana dilkiisa loo adeegsadey afar qofood oo aad u xoog weynaa indhana ay u wada xirnaayeen maadaama uu Maxamad Sheekh C/raxmaan “Wiilow” ahaa qof aad u xoog weynaa, dhacdadana waxaa cadeeyey qof Majeerteen ah oo Wiilow la xirnaa lana yiraahdo Ducaale Aden Hirsi, waxaa xabsiga ka soo saarey C/rashiid Cali Sharmaarke loona musaafuriyey Garoowe oo ilaa iyo hada nool joogana Puntland, kaas oo uu u xirnaa dil uu soo diley nin carab Soomaali ahaa asagiina waa laga saarey xabsiga si loo dilo Wiilow, wuuna arkey dadkaas ay sidaas u galena feer ayey ku bilaabeen intii tabartiisa aheydna waa uu iska celiyey aakhirkiina waa tabar dhigey oo dhacay ka dibna cirbad ayey ku dhufteen oo wey sumeeyeen sidaas ayuuna ku dhintey.

. Dhacdada labaadna ay aheyd Halyeygii la oran jirey Macalin Cumar ahaana Gawaawiin, laguna yaqaaney cod karnimo, Geesi aan gaban oo had iyo jeerna u dooda xaqa qowmiyadiisa, raadinayeyna in uu mar un arko Qowmiyadiisa oo xor ka noqota Mahaatiri, dhulkooduna uu ku soo noqdo maamulkoodii hore.

Macalim Cumar waa la diley waxaana diley nin Marexaan ah oo la oran jirey Faarax Barey, waxaa soo direy nin la yiraahdo “Farataag” labadooduna waxay ahaayeen Mareexaan, oo ayna soo abaabuleen Leego “Mahaatiri”. Ninkii waa la xirey isla habeenkii xornimada 1-7-1960 subaxnimadeedii markii xabsiga la tagey waxaa loo tagey asagoo meesha ku jirey waxaaba lala baxsadey habeenimadii, waxaana loo musaafuriyey dhinaca Itoobiya oo markii danbena Itoobiyaanka ay si xun u dileen ayagoo ku ridey laami kar-karsan, labadaas qof sidaas ayaa loo galey midna waa kan lagu diley xabsiga, kan kalena kii diley waa laga saarey xabsigii, sheekadooda oo dhameystirana waxa ay inoogu soo socotaa qoraaladeena dambe.

Hadaan u soo laabano xukunkii Garaad Axmed Caliyow wuxuu ku ekaa oo uu dhintey 1983, wuxuuna hayey 37 sano.

Ka dib waxaa xukunka la wareegey Garaad Aden Nuurow isla sanadkii 1983, Garaad Aden Nuurow wuxuu meeshii ka sii daadihiyey maamulkii soo jireenka ahaa, waxaana ku soo aadey wakhti aad iyo aad fool xun oo wadankii uu noqdey mid cadowgii uu lahaa toban jibaarmey oona loola dagaalamey si wuxuushnimo ah, dagaaladaasoo mid loo adeegsanaayey dowladihii soo wada marey Soomaaliya oo dhan laga soo bilaabo waqtigii xornimada la qaatey ilaa iyo hada oo lagu jiro dhul boobka ku aadan dhulka DigilMirifle.

Garaad Aden Nuurow nasiib daro marna fursad uma uusan helin sidii uu u soo celin lahaa heybadii iyo sharaftii ay laheyd Qowmiyadda Digilmirifle, lakiin waa uu soo buuxiyey booskiisa xilkiisina si sharaf badan ayuu u dhameystey.

Garaad Aden Nuurow xukunkiisa waxa uu ku ekaa oo uu dhintey sanadkii 1996.

Ka dib waxaa xukunka qabtey oo ilaa hada haya Garaad Ahmed Diin oo nool joogana wadankii, wuxuuna xukunka qabtey laga soo bilaabo sanadkii 1996 ilaa hada.

Waxaa iga dar-daar ah in shacbo weynaha Digilmirifle u istaagaan sidii ay u soo ceshan lahaayeen Saldanooyinkooda kala ah Saldanadii Yaarow Subuge “Goobroon” (GELEDI) Dab Cumardiin iyo Saldanadii Gasaargude Qarsin Cumardiin, labadan qof oo kala wiil iyo adeerkiisa, kala xukumi jireena min sedex Gobol oo ay kala yihiin Shabeelada Hoose, Jubada Dhexe, Jubada Hoose “Goobroon” (Geledi), iyo Bay, Bokool, Gedo Gasaargude, labaduba waa xukunadii Digilmirifle waana gobolada hada loo yaqaan Southwest Soomaalia.

Qore: Isaak Aden Hassan (Isaak Doolow)
isakdoolow@yahoo.com

War Deg Deg ah: Ku dhawaad 20 qof oo ku dhintay dagaal Galabta ka dhacay Muqdisho

July 27, 2010

In ka badan 18 ruux ayaa ku dhintay tiro intaasi ka badana waa ay ku dhaawacmeen dagaal iyo duqeyn galabta ka dhacay Xaafado ka mid ah degmooyinka Hodon iyo Howlwadaag ee Magaalada Muqdisho.

Dagaalkaani oo ay bar bar socdeen duqeyn waxyeelo soo gaarsiiyay dad rayid ah ayaa yimid kadib markii galabta Ciidamada Xisbul Islaam ay weerar ku qaadeen fariisimo ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ay ku lahaayeen xaafado ka mid ah degmada Hodon ee gobolka Banaadir.

Dad goobjoogayaal ah ayaa Caawa Waajidpress u sheegay in dagaalku uu soo gaaray caawa maqribkii waxaana ay tilmaameen in madaafiicdii la is weydaarsanayay ay ku dhaceen xaafado ka baxsan goobaha lagu dagaamayo.

Duqeynta oo u badneyd madaafiic cul culus ayaa ku dhacday gudaha iyo nawaaxiga Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, waxaana inta la ogyahay ku dhintay 15 ruux halka ku dhawaad 20 kalana ay ku dhaawacmeen.

Cali Muuse oo ah madaxa gaadiidka gurmad deg deg ah oo Shabelle/Waajidpress/BBC-da u waramayay Caawa ayaa sheegay in ay qaadeen dhaawacyada 16 ruux oo 10 ka mid ah ay ka qaadeen qeybta Dahablaha ee gudaha Suuqa Bakaaraha halkaasi oo uu ku soo dhacay madfac xoog badan.

Goobjooge ku sugan degmada Waaberi ee gobolka Banaadir ayaa isna inoo xaqiijiyay in madfac ku soo dhacay degmadaasi ay ku dhinteen ilaa 3 ruux islamarkaana ay ku dhaawacmeen 9 kale.

Afhayeenka dhanka howlgalada ee Ururka Al Xisbul Islaami Max’ed Cusmaan Caruus oo Shabelle u waramayay ayaa sheegay in dagaalkii galabta uu jawaab u ahaa weerar saakay ay ku soo qaadeen ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya, waxaana uu sheegay in ay dagaalkaasi ku gubeen gaari uu saaranyahay qoriga looyqaan Suuga sida uu hadalka u dhigay.

Caruus waxaa uu sidoo kale sheegay in ciimada Xisbul Islaam ay weerar ku qaadeen dhowr fariisin oo ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ay ku lahaayeen Xaafada Taleex gaara ahaan agagaarkii Madaxtooyadii hore ee Madaxweyne C/qaasim, isgoyska Dabka iyo nawaaxiga xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Madaafiicda dadka shacabka ah ay ku dhinteen ee ku dhacday Xaafadaha dadka rayidka ayaa la sheegay in ay ka imaaneysa dhanka ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM, waxaana sidoo kale madaafiicda dadka ku waxyeeleysay degmooyinka ay maamusho dowlada KMG ku garaacay xoogaga hubaysan ee la dagaalamayay ciidamada dowladda KMG.

Tirada guud ee dadkii dagaalada ku dhintay maanta oo dhan waxaa ay kor u dhaafayaan ilaa 18 ruux iyadoo sidoo kalana ay ku dhaawaxmeen ku dhawaad 40 kale oo dhamaantood ahaa dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

War Deg Deg ah: Al-Shabaab Ayaa Joogta Puntland

July 27, 2010

Dowladda kmg ah ee Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga hadashay hawlgallada Puntland ay kula dagaalameyso xoogagga ka soo horjeeda.

C/rashiid Maxamed Cirro, wasiirka ganacsiga ee Dowladda km gee Soomaaliya oo u warramay VOA ayaa sheegay in xoogag ka tirsan al-Shabaab ay ku qulqulayaan Puntland, isagoo intaa raaciyay in ajaanib ay ku jiraan.

Mr. Cirro ayaa sheegay inay taasi ku xaqiijinayaan ilaha sirdoonka dowladda kmg ah iyo calanka madow ee ay ka taageen degmada Galgala ee ku dhow Boosaaso.

Wuxuu sheegay in al-Shabaab ay dooneyso inay burburiso deganaanshaha ka jira gobollada nabadda ah.

Waa markii ugu horreysay mas’uul ka tirsan dowladda kmg ah uu si rasmi ah uga hadla in xoogag ka tirsan al-Shabaab ay Puntland ku sugan yihiin.

Siilanyo oo Xilka la wareegay

July 27, 2010

Madaxweynaha Cusub ee Somaliland, Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa maanta xilka Madaxtinnimada Somaliland kula wareegay xaflad aad loo soo agaasimay oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada ee magaalada Hargeysa.

Xafladda oo lagu marti qaaday madax iyo dadweyne ka kala yimid gobollada Somaliland, ayaa waxaa iyaguna ka qeyb galay wafuud ka socota dalalka deriska ah.

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Warfaafinta ee Djibouti, Cali Cabdi Faarax, Wasiirka Dalxiiska Ethiopia, Maxamuud Dirir, Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Ethiopia Cabdi Cumar iyo Guddoomiye xigeenka baarlamaanka Kenya, Faarax Macallin, ayaa ka qeyb galay xafladdaas.

Munaasabadda waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynihii xilka wareejiyay Daahir Rayaale Kaahin iyo Madaxweyne ku xigeenkii hore, Axmed Yusuf Yaasiin.

Xafladdan oo ammaanka aad loo ilaanayay ayaa waxaa lagu dhaariyay Madaxweynaha cusub, Axmed Maxamed Silaanyo iyo Madaxweyne ku xigeenka, Cabdiraxmaan Maxamed Zeylici

War Deg Deg ah: Shiikh Atam oo saakey saxaafada uga warbixiyey dagaaladii ay la galeen maamulka Puntland guulna ka sheegtey

July 27, 2010

Waxaa sakey qadka taleefonka saxaafada ugu qabtey shir jaraa’id wadaadka lagu neynaaso Sheekh Maxamed Saciid Atam ahna wakiilka Al-shabaab ee Puntland, oo ay ciidamadiisa shaley dagaalo xoogan kula galeen duleeda Boosaso kuwa maamulka Puntland oo ay dad badani ku dhinteen.

Shiikha ayaa sheegy in ay ka qabsadeen dhulkii ay ku dagaalameen iyo waliba gadiid dagaal qaarna ay ka gubeen isla markasna ay jiraan ciidamo ay ka qabteen waa sida uu hadlka u dhigaye, wuxuuna sheegey in ay Puntland la wareegi doonaan mar dhow, haddii aynu nahay Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa uu beeniyey in rag laga qabtey ama ciidamo ka tirsan kuwiisa waxan uu shegay in ay u cadeynayaan shacabka in ay waraka benata ah ee ay wadaan kuwa soo weerarey aysan dha jalaq u sin isla markasna ay ka soo horjeestaan wararka beer laxawsigaa ee dadk loo shegayo laguna soo dhaweynayo Ethiopia dadka muslimka ahna sida arxan darida ah laguna dhaqmnayo.

Waxaana warka shiiqan oo shegay in kuu ku suganyahey goobihii ay shaley kula dagalameen kuwa maamulka Puntland xili uu madaxweynha Maamulka Puntland C/raxman Faroole uu Garoowe ka shegay in ay kala ceyriyeen kooxihii ka soo horjedey .

Waxaana jira warar dadka deganka ay shegayan ee aah in labad dhinacba uu qasre soo garey isla markasta xiligaan aan la oran Karin cid gooniya aya guul ku fadhida balse ay xaladu sakey degan degantahey wallow la shegay in xiisado iyo kulamo laga daremayo gudaha magalada boosaaso.

Warar kale ayaa sheegaya, R/Wasaare Cumar Cabdirashiid oo markii ugu horeysey ka hadley dagaalada ka socda Maamulka Puntlanda ee shaley ka bilodey iyo waliba midka Muqdisho ka socda iyo waliba dadka reer koofureedka ah oo laga soo msaafiriyey Maamulka puntland.

Ugu horeyntii ayuu ka hadley dagalada ka socda agagaaraha magalada boosaaso oo uu ku shegay kuwo caalamiya isla markasna ay wax badan kala hadleen calamda ka dowlada ahaan isagoo yiri ” Puntland kalaiya waxba kama qaban karto dagalada ka socda xiligaan lakiin hadi la iska kashado calamkuna gacan ka geysto waa laga yaba in laga miro dhaliyo” ayuu yiri R/Wasaare Cumar Cabdirashiid oo saxafada qaar warbixin siinayey isagoo intaas ku darey in Maamulkasi kaligiis uusan calamka ka dhaadhicin Karin balse ay tahey in ay Dowlada la kaashadan si isku midana looga wada hortago.

Waxa kale oo uu ka hadley dagalada ka socda muqdisho oo uu shegay in dowladiisa aysan waxba kala hari doonin sidii ay amniga wax uga qaban laheyn wallow ay dagalo xoogal ka socdaan muqdisho ayna si wada jir ah hada wixii ka danbeeya ay u bilabi doonan howlaha kooxaha ka soo horeda ay ugala waregi lahayeen goobaha ay gacanta ku hayaan waa sida uu shegaye R/Wasaare cumara Cabdirashiid wallow la ogyahey in xabadaha wiiftada ah ay soo garaan xarunta madaxtooda xiligaan.

Markii uu ka hadleyey dadka laga soo masaafiranayo maamulka Puntlanda ayuu yiri “runtii maaha in labo la isku qaldo in layirahdo waxaa ka danbeeyey dadk la soo masafiriyey ama loo nisbeeyo dad ku soo qaxey dhul kale oo Soomaaliyi leedahey waana kala xaajoon doonaa maamulka Puntland arintaan sida ugu dhaqsiyo badan” ayuu yiri R/Wasaare Cuamr cabdirashiid Cali.

Ugu danbeyntiina waxaa uu shegay in kulanka ka socda kanpala ay ka sugayan go’aano lagu tageero dowladiisa hadii calamku uu wax ka qabanwayana arimaha soomaliya arinta sidan ka sii dari doonto.

Dhaq-dhaqaaqyo militari oo iska soo horjeeda oo ka soconaya deegaanada gobolka Bari ee maamul goboleedka Puntland

July 27, 2010

Waxaa dhaq-dhaqaaq militari oo aad u xooggan iskana soo horjeeda laga dareemayaa deegaanno ku yaal gobolka Bari ee maamul goboleedka Puntland gaar ahaan deegaanka Galgalo iyo buuraleyda Laag iyo Kirin halkaasi oo shalay ku dagaalameen ciidamada Puntland iyo kooxo hubaysan oo taabacsan wadaad diimeedka Sheekh Maxamed Siciid Atam ay masuuliyiinta Puntland sheegeen inuu xiriir la leeyahay Xarakada Al-shabaab.

Ciidamo aad u fara badan oo ka tirsan kuwa maamul goboleedka Puntland ayaa waxa ay ku sii qulqulayaan deegaanka Galgalo iyo nawaaxiga dhulka buuraleyda iyagoo wata gaadiid dagaal oo aad u fara badan, waxaana ciidamadaasi weheliya masuuliyiin ka tirsan Puntland oo ay ka mid yihiin madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo xubno ka kala socda labada gole ee xukuumadda Puntland iyo saraakiil ciidan oo aad u fara badan.

Dhinaca kale kooxaha hubaysan ee halkaasi kula dagaalamay qeybo ka tirsan deegaanada gobolka Bari ee Puntland ayaa waxa iyagana wadaan dhaq-dhaqaaq xooggan oo ugu diyaar garoobayaan weerar mar kale kaga yimaada dhinaca ciidamada Puntland, waxayna difaacyo adag ka samaysateen dhulka buuraleyda iyo hareeraheeda halkaasi oo ku dhow goobihii shalay ku dagaallameen labada dhinac.

Dhaq-dhaqaaqa militari ee iska soo horjeeda oo ka soconaya deegaanada gobolka bari ee maamul goobleedka Puntland ayaa imaanaya xilli shalay halkaasi ay ka dhaceen dagaallo culus oo gaystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dhinacyadii dagaalamay, iyadoo uu wadaad diimeedka Sheekh Maxamed Siciid Atam hadal uu saxaafadda siiyay ku sheegay inay guulo ka gaareen dagaalladii ay halkaasi kula galeen ciidamada maamul goboleedka Puntland.

War Deg Deg ah: Dagaal ka qarxay Puntland

July 27, 2010

Ugu yaraan 4 askari ayaa ku geeriyootay 7 kalena waa ay ku dhaawacmeen Dagaal maanta dhex maray Ciidamada Daraawiishta Puntland iyo Islaamiyiin Taabacsan Shiikh Maxamed Siciid Attam oo la sheegay in ay ka amar qaataan Alshabaab.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu ka dhacay meel ku dhow Tuulada Laag oo aan wax badan ka fogayn magaalada Bosaaso ,waxaana weerarka ku horeeyay ciidamada Sheekh Attam ee ku sugan deegaanka Gal-Gala.

Askarta ku waxyeeloowday dagaalkaasi ayaa maanta barqadii la soo gaarsiiyay Cisbitalada kala duwan ee Bosaaso si xaaladooda Caafimaad loo dabiibo,mana jiro khasaare dhimasho oo si rasmi ah loo cadayn karo ,kaasi oo gaaray Ciidamada Sheekh Attam.

Wariye Maahir Jaamac oo ku sugan Bosaaso ayaa HOL u xaqiijiyay in xaalad kacsanaan ah laga dareemayo magaalada ,isla markaana ay Ciidamada bilaabeen gurmad xoog leh oo la xiriira ka hortagida dagaalka labada dhinac u dhaxeeya.

Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in khasaaruhu uu intaa ka badan karo,waxaana saraakiisha dowlada ay ka gaabsadeen in ay ka hadlaan dagaalka maanta ka dhacay Bosaaso oo ahaa mid xoogan.

Ugu danbayntii Madaxwaynaha Puntland ayaa dhawaan sheegay in xubno ka tirsan Alshabaab ay joogaan Puntland ,isla markaana dagaal lala gali doono,xilli aan la ogayn sida ay ku dhamaan doonto colaada u dhaxaysa labad dhinac.
Madaxwaynaha Puntland Dr C/rixmaan Maxamed Faroolle oo Maanta shir ku qabtay Magaalada Garowe ayaa ka hadlay Dagaal maanta dhexmaray Ciidamo ka tirsan Puntland iyo kooxo islaamiyiin ah oo Weerar ku soo qaaday Ciidamo ka tirsanaa Daraawiishta.

Waxa uu sheegay madaxwaynaha in kooxaha weerarka soo qaaday laga qabtay nin lagu magacaabo Jaamac Ismaaciil Ducaale oo la sheegay in uu ka tirsanyahay Argagaxisada Caalamiga ah, horayna u soo weeraray degmada Baargaal sanado ka hor.

Madaxwayne Faroolle ayaa xusay in ay jiraan dad laga dilay kooxaha Weerarka soo qaaday ,Waxaana uu sheegay in Dagaalkan uu yahay mid aan loo kala hari doonin si loo soo gaba gabeeyo.

War Deg Deg ah: Wasiiru dawlihii gaashaandhigga dawladda federalka Soomaaliya oo sheegay inuu la dagaalami doono haddii ciidamo Itoobiyaan ah la keeno Soomaaliya

July 26, 2010

Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacadde oo ahaa wasiiru dawlihii hore ee gaashaandhigga oo xilkaasi iska casilasy ayaa shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Muqdisho waxa uu kaga hadlay qorshayaal ay wadaan urur goboleedka IGAD iyo ururka Midowga Afrika oo la doonayo in ciidamo ka socda dalalka safka hore oo ay Itoobiya ka mid tahay la keeno dalka Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan hawlaha nabad ilaalinta oo ay ciidamada AMISOM ka wadaan dalka.

Sheekh Yuusuf Indhacadde wuxuu sheegay in ciidamo hor leh ee la keeno dalka Soomaaliya aanay wax natiijo ah ka soo baxaynin marka laga reebo xasuuq ay u gaystaan shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna wacad ku maray inuu la dagaalami doono haddii ciidamada Itoobiya ay dib ugu soo laabtaan dalka Soomaaliya sidii ay ula dagaalameen xilligii uu ka mid ahaa masuuliyiinta Midowga Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed.

“Ciidamo Itoobiyaan ah oo la keeno dalka Soomaaliya waxaan u aragnaa inay tahay in shacabka Soomaaliyeed mar kale dib loogu celiyo gumeysiga ay ka xoroobeen, waxaana ka taagnahay mowqifkii aan ka taagnaa xilligii aan ka mid ahaa midowga maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed” ayuu yiri Sheekh Yuusuf Maxamed Indhacadde oo intaasi ku daray in ciidamada Itoobiya ay cadow ku yihiin shacabka Soomaaliyeed oo ay u geysan xasuuq ka ba’an midka ay hadda u geysanayaan ciidamada Midowga Afrika.

Dhinaca kale wasiiru dawlihii hore ee gaashaandhigga dawladda federalka Yuusuf Indhacadde wuxuu cambaareeyay duqeymaha ay ciidamada Midowga Afrika u geystaan goobaha dadka rayidka iyo suuqyada ay dadka rayidka ah ku badan, wuxuuna intaasi ku daray in mar uun lagula xisaabtami doono ciidamada AMISOM xasuuqa ay ka gaysanayaan shacabka Soomaaliyeed, isagoo dhinaca kalena ku eedeeyay madaxda dawladda federalka inay raali ka yihiin xasuuqa loo gaysanayo shacabka ay matalaan.

Saldanadii Gasaargude & Dejintii Mareexaan Q-5aad

July 25, 2010

waxaana kala wareegay Garaad Caliyow tariikhdu markay ahayd 1897, wuxuuna hayey muddo 5 sano ah.

Isna waxaa kala wareegay Garaad Maleelow taariikhdu markay ahayd 1912, wuxuu ahaa garaadkii ugu dagaal kululaa wuxuu la dagaalamay sidoo kale Booranta, Ogaadeen iyo Dagoodiye, waxayna ku dagaaleen xadka Itoobiya iyo Soomaaliya.

Aw Maleelow wuxuu ahaa abaan duule, wuxuuna duulaankiisii u qaybiyey aagaga dagaalku ka socdey sida Filto iyo Diida Canaane, Ceelwaaq, dagaalkaas oo aad iyo aad loogu hoobtey siiba dagaalkii “Qanjara” dagaalkaas oo ay ku hoobteen Gasaargude, Gawaaweyn, Garamare, Mareexaan, waxaa kaloo ku xigay dagaalkii “Makalle” oo aad loogu dhamaadey, kuna dhamaadeen Gasaargude, Gawaa weyn, Garamare, Geelidle iyo Mareexaan, dagaalkaas oo ay ku dhamaadeen abaanduulayaashii Gasaargude sida :-

1-Macalin Xasan
2-Bashiir Max’ed
3-Xasan Malle
4-Max’uud Max’ed Anoy , iyo kuwo kale.

Aw Maleelow wuxuu hayey 15 sano wuxuuna dhintay 1927.

waxaana kala wareegay Aw Xuseen Malle wuxuuna ahaa Garaadkii maslaxadda badnaa, wuxuuna u ogolaadey in Mareexaan meeshii uu doono ka degi karo wadanka.

Mareexaan oo sidaas loo sharfey ayeysan wax mahad celin ah laga haynin ilaa iyo hada ooba ay leeyihiin dhulka anagaa iska leh, DigilMirifle wax yer ayaa ka degan, Garaad Xuseen Malle sidaas ayaa nabad loogu ogolaadey loona yiri waa nin nabadeed wuxuuna hayey 19 sano wuxuuna dhintay 1946.

Ka dib waxaa la wareegey xukunkii Garaad Axmed Caliow.
Garaad Axmed Caliyow wuxuu halkii ka sii wadey asagoo wax isbedel ah aan ku sameyn nidaamkii Garaad Aw Xuseen Malle.

Waqtigii Garaad Axmed Aliyow waxaa bilowdey in ay soo shaac baxdo naceybkii ay u qabeen Mahaatiri xaasaten Mareexaan iyo kuwii ku bahoobey xisbigii Leego, waxaa keliya aan ka soo qaadan doonaa laba dhacdo oo keliya, laakiin waxaan ku soo bandhigi doonaa qoraaladeena danbe oo inoo bilaaban doonaan markaan dhameyno Taariikhdan Saldanadan Gasaargude.

Labada dhacdo oo aan soo qaadaneyno ayaa ah waxaa hal mar la wada diley laba halyey oo aad iyi aad ugu fir-fircoonaa, labadaa halyey ayaa waxaa la kala oran jirey Wiilow Sheekh C/raxmaan (Gasaargude) iyo
Macalim cumur (Gawaawiin).

. Wiilow Sheekh C/raxmaan wuxuu ahaa nin wax ka baranayey dalka maser, waxaa lagu abaabuley in wax barashadiisa laga baabi’iyo asagoo ku jirey sanadkii ugu danbeeyey ee uu ka qalin jebin lahaa, wuxuuna ahaa nin geesi ah oo aan gaban aana marna u dulqaadan in la gardareysto, waxaa la geliyey dagaal geliyeena niman Majeerteen ah oo ay isla dhigana jireen Jaamacada Al-azhar, waa ay isugu tageen oo six un ayey u dileen ayagoo nafta keliya ooga tagey, markii uu soo raystey ayuu u raadsadey hal halo o uu ku dhigey tey ku dhigeen mid ka daran, waxa ay noqotey in laga soo ceyriyo jaamacadii, waxaana hormood ka ahaa nin la oran jirey Kamaalu-diin ayna siiyeen Laaluush si uu ugu adkeysto ceyriska Wiilow, si kasta marka la yeeley oo loola hadley waa uu diidey Maamulihii Jaamacada Al-azhar.

Qore: Isaak Eeding Hassing (Isaak Doolow)
isakdoolow@yahoo.com

Laga soo minguuriyey: Garaad Eedin Maamow

M.Dhere oo Puntland cambaareyay shegayna Baydhabo iyo Xamar in ay joogaan Sharmarke iyo Shongale.

July 23, 2010

hore ee gobolka Banaadir Maxamed Dheere ayaa ka hadlay qafaalka kasoconaya Puntland ee lagu daad gureynayo dadka kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya oo ay haatan magan galyo u fidisay maamulka Galmudug.

Maxamed Dheere ayaa cambaareeyay falkaasi ay Puntland kula kacday dadka xoogsatada ah ee jooga Puntlandoo ka soo jeeda Digil & Mirifle & Hawiye, isagoo sheegayna in ay hada Baydhaba iyo Muqdisho ku sugan yihiin dad kasoo jeeda Puntland kuwaasoo mucaarad iyo muxaafidba leh, Maxamed Dhere waxaa uu yiri “waxaa hada nala jooga Cumar Cabdirashiid iyo Fu’aad Shongale oo reer Puntland ah, ha ogaadeen in Raxanweyn iyo Hawiye ay ka soo ceerin karaan nimankaas iyo wax la mid ah Magaalooyinka Xamar iyo Baydhaba’ “.

Warar kale ayaa sheegaya, Dowladda Mareykanka oo muwaadiniinteeda uga digtay in ay u safraan Kenya. Dowladda mareykanka ayaa muwaadiniinteed uga digtay in ay u safraan dalka Kenya , iyadoo sheegtay in hanjabaado is daba joog ahi ay ka dambeeyeen qaraxyadii dhiigga badanii ku daatay ee goor hore oo bishan ah ka dhacay dalka Kenya la dariska ah ee Uganda.

Safaaradda Mareykanka ee magaalada Nairobi ayaa iyaduna ku boorrisay muwaadiniinta Ameerikaanka ah in ay feejignaadaan marka ay joogaan goobaha dadku ku badan yihiin , waxa ayna ka dalbatay in ay ka fogaadaan shirarka waaweyn iyo bannaanbaxyada .

Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa ku sheegtay war ay soo saartay” tan iyo qaraxyadii 11 July ka dhacay magaalada Kampala , ayna mas’uuliyaddiisa sheegatay kooxda argagixisada ah ee Alshabaab , goobaha dadku isugu yimaaddo waxaa soo food saartay khatar sii kordheysa”.

Digniinta Mareykanka ayaa timid iyadoo toddobaadkii hore uu iska hor imaad hubeysani xadka Somalia iy Kenya ku dhex maray ciidammada ilaalada xadka Kenya iyo maleeshiyaadka Shabaab ee gacanta ku heysa deegannada ku teedsan labada dal.

Maamulka Puntland oo Itoobiyaanka ku soo dhaweyneysa deeganadeeda xili Soomaalida Koonfurta ay rafayaan.


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 48 other followers