M.Dhere oo Puntland cambaareyay shegayna Baydhabo iyo Xamar in ay joogaan Sharmarke iyo Shongale.

hore ee gobolka Banaadir Maxamed Dheere ayaa ka hadlay qafaalka kasoconaya Puntland ee lagu daad gureynayo dadka kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya oo ay haatan magan galyo u fidisay maamulka Galmudug.

Maxamed Dheere ayaa cambaareeyay falkaasi ay Puntland kula kacday dadka xoogsatada ah ee jooga Puntlandoo ka soo jeeda Digil & Mirifle & Hawiye, isagoo sheegayna in ay hada Baydhaba iyo Muqdisho ku sugan yihiin dad kasoo jeeda Puntland kuwaasoo mucaarad iyo muxaafidba leh, Maxamed Dhere waxaa uu yiri “waxaa hada nala jooga Cumar Cabdirashiid iyo Fu’aad Shongale oo reer Puntland ah, ha ogaadeen in Raxanweyn iyo Hawiye ay ka soo ceerin karaan nimankaas iyo wax la mid ah Magaalooyinka Xamar iyo Baydhaba’ “.

Warar kale ayaa sheegaya, Dowladda Mareykanka oo muwaadiniinteeda uga digtay in ay u safraan Kenya. Dowladda mareykanka ayaa muwaadiniinteed uga digtay in ay u safraan dalka Kenya , iyadoo sheegtay in hanjabaado is daba joog ahi ay ka dambeeyeen qaraxyadii dhiigga badanii ku daatay ee goor hore oo bishan ah ka dhacay dalka Kenya la dariska ah ee Uganda.

Safaaradda Mareykanka ee magaalada Nairobi ayaa iyaduna ku boorrisay muwaadiniinta Ameerikaanka ah in ay feejignaadaan marka ay joogaan goobaha dadku ku badan yihiin , waxa ayna ka dalbatay in ay ka fogaadaan shirarka waaweyn iyo bannaanbaxyada .

Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa ku sheegtay war ay soo saartay” tan iyo qaraxyadii 11 July ka dhacay magaalada Kampala , ayna mas’uuliyaddiisa sheegatay kooxda argagixisada ah ee Alshabaab , goobaha dadku isugu yimaaddo waxaa soo food saartay khatar sii kordheysa”.

Digniinta Mareykanka ayaa timid iyadoo toddobaadkii hore uu iska hor imaad hubeysani xadka Somalia iy Kenya ku dhex maray ciidammada ilaalada xadka Kenya iyo maleeshiyaadka Shabaab ee gacanta ku heysa deegannada ku teedsan labada dal.

Maamulka Puntland oo Itoobiyaanka ku soo dhaweyneysa deeganadeeda xili Soomaalida Koonfurta ay rafayaan.

About these ads

8 Responses to “M.Dhere oo Puntland cambaareyay shegayna Baydhabo iyo Xamar in ay joogaan Sharmarke iyo Shongale.”

  1. Sheikh Ebdiyow Eelaay Says:

    Maxamed Dheere waa Nin La Hayste ah, mana ku haboona inuu hadda Puntland u Jawaabo maxaa yeeley waa Dameer Raac isaga iyo inta uu Mathaloba.

  2. TUGEER EDI Says:

    MA QOOMU LUUDKII BAA WELI AFKA DAD LA GALOHOYO, WAR QOF DHINACAAGA SOO EEGAYA MA LAHANE ISKU XISHOO

  3. Sheikh Ebdiyow Eelaay Says:

    Qowmu Luudh waxa kasi kara keliya kuwa ka mid ah, ma waxaad tahay kuwaas Adeer? Annaga kuwaas qoorta ayaanu ka jareynaa sidaas ula soco. Laakin adiga waa tahay Qowmu Luudh Shakki kuma jiro maxaa yeeley sheekada ma taagneey Qoomkaas ee waxey taagan tahay Qowmul Fashil Wal Jahli iyo Qowmul Dulmi wal Ceyb, Afkaaga qabso.

  4. Faay Gaasi Says:

    Marar badan ayaan kala socdey dooda dhexmareysey ninka la yiraahdo Sheikh Ebdiyo iyo kuwa kale ee u Jawaaba.

    Run ahaantii Sheikh Ebdiyow waa Run Sheeg , laakin Somalidu waxey horey u tiri ” Run Sheeg , Waa Ceeb sheeg’ haba ugu sii darnaatee waqtigaan xaadirka ah oo Dulmiga Somalia noqdey wax lagu faano, ceebtana wax la difaaco.

    Marka dooda furan waa fiican tahay , laakiin kuwa dhibsanaaya yeysan soo galin haddii aysan u adkeysan karin Xaqiiqda, waa inaad wajahdaan Runta kuna wajahdaan Geesinimo iyo Dulqaad, haddii ay idin qaado dhiillo Qabiil ogaada inaad ka baxeysaan Diinta aad sheegataan .

  5. Jaamac Jeyte Says:

    Maxamed Dheere waa Qab Qable Dagaal oo weli gacmahiisa uusan ka dhaqin dhiiggii masaakiinta jareer weyne ee uu ku laayey xamar iyo Shabeelaha dhexe, xaqna uma lahan inuu arrimo banii’aadamnimo ka hadlo.

    Waa in maxkamad lagu soo taago qeybtii uu ka geystey xasuuqii beelaha aan hawiyaha ahayn ee uu ka fuliyey xamar iyo nawaaxigeeda isaga iyo moorayaantiisa laga soo bilaabo 1990ii ilaa iyo hadda, iyo qeybtii weyneyd ee uu ka qaatey Xasuuqii ay Ethiopia iyo AMISOM u geysteen shacabka rayidka ah ee somalia.

  6. waloos Says:

    webkaan aad ayaan u jeclahay waayo wuxuu wataa magaaladii aan ku dhashay magaceeda ilaahay waxan uga baryaayaa dhamaan dadka wajid degan iyo ehelkisaba inuu barwaaqo iyo nabadgalyo waarto ku nooleeyo waana salaamayaa dhamaan dadka reer waajid

  7. TUGEER EDI Says:

    Faay Gaasi Munaafuq maa run sheega ninka sheegtey magac uusan AB iyo ISIR midna aad u laheyn, asagoo ka yimid HIIRAAN sheetey BUUR HAKABA si uu u jaraaxeeyo magaca ah Sheikh Ebdiyow Eelaay, hadii run uu sheegaayo magiciisa ayuu wadan lahaa, waa wecel wecelna qof wanaag ka sugaayo ma jirto, FAAY GAASOW waxaad tahay qofka keliya oo aan arko difaacaya wecel oo munaafuqoobey ee istaakhfuraleyso.

    WECEL adigana magacaaga runta ah isticmaal hadaad rabto in aad dadka wax la wadaagto.

  8. Jaamac Jeyte Says:

    Arreey ninkii qof ku tilmaamo Wecel waxaa la yiri Isagaaba uga dhow wecelnimada, marka waxaan ku talin lahaa inaan cey si toos ah qofna loogu geysanin. xaa yeeley minaa la yiraahdo hebel waa sidaas in la daafaco waa xaq haddii uu mudan yahay, laakin difaacu waa inuu yeesho sabab ee cay uma noqon karto sabab.
    sidaas daraadeed nimanka ceytamaaya yeysan naga haleynin dooda, maxaa yeeley maxamed dheere haddii la yiri waa qab qable dagaal ama shahaadodiid xaa ku jaban wuuu ahaayee/ xaaase loo qarinaa, arreey ka daayaa difaaca dulmiga soo jiitamaayey oo keeney inaan ka guurno guryaheyna iyo goofafkeyna. runtana sheega mar kasta haddii aad ILaaheey ka baqeysaan.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers

%d bloggers like this: