Archive for July, 2010

War Deg deg ah: Dagaal u dhexeeya Ciidamada AMISOM iyo Xarrakatul Shabaab oo xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho

July 9, 2010

Jimco: Ugu yaraan laba qof oo shacab ahaa ku dhintay afar kalena way ku dhaawacmeen kaddib markii uu xalay dagaal u dhexeeya Ciidamada Xarrkatul Shabaabul Mujaahidiin iyo kuwa AMISOM uu k dhacay Muqdisho.

Dagaalkan oo ka bilowday weerar ay Xarrakatul Shabaab ku qaaday Kulliyaddii hore ee Jaalle Siyaad oo saldhig u ah ciidamada AMISOM ayaa wuxuu isku badalay duqeyn, iyadoo dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay madaafiic kula dhaceen xaafado ka tisran Degmada Dayniile.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in labada qof ee dhintay mid ka mid ah uu ahaa nin ku xoogsada gaari-dameerrada biyaha dhaamiya, kadib markii uu gurigiisa ku dhacay madfac kaasoo sidoo kale dilay qof kale oo ay daris ahaayeen.

Iskahorimaad toos ah ayaa dhexmaray labada dhinac ee dagaalku uu u dhexeeyay, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha kala gaaray, waxaana dagaalkooda uu socday muddo saacad ku dhow, mana ahan markii ugu horreysay oo dagaal noocan ah uu dhaco.

Dhaawacyadii ka dhashay dagaalka ayaa isla xalay la gaarsiiyay Isbitaalka Dayniile halkaasoo lagu daweynayo, mana jirto wax hadal ah oo kasoo baxay AMISOM iyo Xarrakatul Shabaab oo uu dagaalku u dhexeeyay.

Waxaana dagaalkan uu imaanayaa iyadoo saraakiisha Xarrakatul Shabaab ay dhawaan ka sheegeen Muqdisho iyo Gobollada dalka inay xoojin doonaan dgaalka ay kula jiraan Dowladda Soomaaliya iyo ciidamada ay taageera ee AMISOM.

Shabaab oo xiray goobigii waxbarashada Jubooyinka

July 9, 2010

Maleeshiyada Shabaab ayaa diiday waxbarashda caruurta ee gobolka Jubada Hoose ayagoo tilmaamay in loo baahan yahay in carruurta wax baraneysa ay ka qeyb qaataan dagaallada ay Shabaabku ka wadaan Soomaaliya.

Wax garadka gobolka Jubada Hoose ayaa Waajidpress u sheegay in maleeshiyadu ay ku amreen in carruurta gobolku ay ka qeyb qaataan dagaallada, ayna xaaraan tahay in xilligaan wax la barto, wuxuuna sheegay in carruurtu aysan aadin waxbarasho.

“dugsiyadii Qur’aanka iyo kuwii Maadiga ahayd waa la xiray Shabaab waxay sheegeen In Jihaad lagu jiri, in wax la bartona ay dambi tahay” ayuu Radio Muqdisho u sheegay mid ah dadka deegaanka.

Maleeshiyada Shabaab ayaa sheegtay in ay u baahan tahay dhallinyaro ka qeyb gasha dagaalka ay ka wadaan Soomaaliya, waxayna sidoo kale tilmaameen in ay shacabka waajib ku tahay in ay dagaalka kala qeyb galaan.

Dad badan oo ay shalay isgu keeneen meelo badan oo dalka ah ayay u sheegeen in laga doonayo in ay taageero nafeed iyo mid maalba ay siiyaan maleeshiyaadka Shabaab iyo dagaalka ay wadaan Soomaaliya, waxayna tilmaameen in loo baahan yahay in dhamaan dadku ay hubka qaadaan lana dagaallamaan dowladda KMG ee Soomaaliya.

Waalidiinta ku nool gobolka Jubada Hoose ayaa arrintaasi walaac ka muujiyay, waxayna sheegeen in la xiray dhamaan goobihii wax barashda ee gobolladaasi, qaarkoodna waxay sheegeen in ay ka barakici doonaan halkaasi.

Ilaa 15-Oday oo ka mid ah waxgaradka magaalada Kismaayo ee gobolka J/hoose ayaa la sheegay in maamulka xarakada Al-Shabaab uu xabsiga dhigay, kaddib markii laga soo qabqabtay guryahooda, iyadoo howlgaladaasina ay dhaceen maalinimadii doraad ahayd ayaa la sheegayaa in odayaasha la weydiinayo su’aalo la xiriira dembiyada lagu soo eedeeyay.

Wararka ayaa sheegaya in qaar ka mid ah odayaashaasi ay la soo gudboonaadeen xaalado caafimaad darro, iyadoo cudurro la soo gudboonaaday iyagoo weli ku jira xabsiga saldhigga magaalada Kismaayo, hase yeeshee maamulka xarakada Al-Shabaab ee magaalada Kismaayo ayaa ku eedeeyay odayaasha inay ka dhego adeygeen awaamiirta maamulka uu u jeediyay dadka degaanka oo uu ku amray inay soo xaadiraan goobaha fagaarayaasha si ay uga qeyb qaataan bannaanbaxyada ururka Al-Shabaab.
Ilaa iyo iminka ma jirto wax hadal ah oo kasoo baxay xarakada Al-Shabaabka Kismaayo oo ku saabsan xariga odayaasha ay kula kaceen, waana markii ugu horeysay oo xabsiga la dhigo qaar ka mid ah waxgaradka Kismaayo, inkasta oo tan iyo markii Al-Shabaab ay la wareegtay gobolada Jubooyinka ay dil iyo caga jugleyn kula kaceen wadaado iyo xubno magac ku leh Jubbooyinka.

Dhinaca kale magaalada Kismaayo waxaa ka socda dadaallo ay wadaan qaar ka mid ah waxgaradka, odayaasha dhaqanka iyo xubno gacan saar la leh xarakada Al-Shabaab, kuwaasi oo iyagu doonaya in odayaasha shuruud la’aan lagu sii daayo.

Afhayeenka AL Shabaab “ Sheekh Shariif Waxaa uu dalka ku wareejiyay IGAD

July 9, 2010

Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh shariif in uu dalka ku wareejiyay dowladaha ku bahoobay Urur goboleedka IGAD.

Sheekh Cali Max’uud Raage Sheekh Cali Sheere, oo ah Afhayeenka xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab oo kadib salaadii Jimcaha Maanta ka hadlayay Masjidka Nasrudiin ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed Soomaaliya uu dalka oo dhan ku wareejiay dowladaha Urur goboleedka IGAD sida uu hadalka u dhigay.

Cali Dheere waxaa uu intaasi ku daray in looga baahanyahay shacabka Soomaaliyeed inay ka soo horjeestaan sida uu hadalka u dhigay dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxaana isla goobtii uu kula hadlayay taageerayaasha Al Shabaab uu ku cambaareeyay kulankii ay qaateen Urur goboleedka IGAD.

Waxaa uu sheegay in ciidamada IGAD ay qorsheyeen inay u soo diraan Soomaaliya ay yihiin ciidamo la doonayo inay carqaladeeyaan Magaalooyinka ay gacanta ku hayaan Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shaabab.

Sidoo kale saraakiil sarsare oo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab oo masjidkaasi dadweynaha kula hadlayay ayaa waxaa ay sheegeen in xiligaan aan loo baahneyn in Soomaaliya la keeno Ciidamo horleh iyagoo ugu baaqay kuwa midowga Afrika ee haatan dalka ku sugan inay isaga baxaan wadanka.

Hadalka Saraakiishaani ka tirsan Al Shabaab ayaa imaanaya xili Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed dhawaan uu codsi cod dheer ah ugu dalbaday Urur goboleedka IGAD inay ka qeyb qaataan soo celinti amaankii lumay ee Soomaaliya, maadaama Ciidanka Al Shabaab ay albaabka u taaganyihiin Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Kadib markii uu codsigaasi ka soo yeeray madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa kulan deg deg ah oo waqtigiisii laga soo hormariyay qaatay Madaxda Ururka IGAD kuwaasi oo durbadiiba go’aamiyay in ciidamo gaaraya ilaa labo kun oo askri loo soo diro Soomaaliya si ay u difaacaan dowladda KMG Soomaaliya.

X.Islaam oo laga faramaroojiyay Ceelasha Biyaha

July 9, 2010

Qaraxyo is xig xiga ayaa xalay lagu weeraray saldhiga Xisbul Islaam ay ku leeyihiin Deegaanka Ceelasha Biyaha oo ah goobta kaliya ay haatan ku soo aruureen Ururkaasi .

Qaraxyadaasi ayaa waxaa xigay Rasaas ay fureen ilaaladii ku sugneed Saldhiga kuwaasi oo Xabadaha ka soo dhex toorayay gudaha saldhiga .

Aroornimadii Saaka ayaa waxaa laga soo saaray gudaha Saldhiga dhimashada 4 Askari iyo 5 dhaawac ah oo katirsanaa Xisbul Islaamka ku sugnaa saldhiga Ceelasha Biyaha ee Bambaanooyinka xalay lagu weeraray .

Waxaa ilaa iyo iminka ka socda Degaanka Ceelasha baaritaano la xariira cida weerartay Saldhiga balse ma jirto cid ay u soo qabteen xalay waayo waxa ayba ka soo bixi wayeen Gudaha Saldhiga oo ay habeenkii ku xaroodaan .

X.Islaamka Ceelasha waxa ay bilaabeen in ay gudaha ku xaroodaan Saldhiga kadib markii ay Xarakada Al-shabab soo dagtay meel aan sidaa uga fogeen Saldhiga X.Islaam ay ku leeyihiin Ceelasha biyaha .

Shabab ayaa waxa uu saldhig ka sameestay Ceelasha biyaha Dhabarka danbe ee Daarta Hormuud bishii aynu soo dhaafnay horaantiida kuwaasi oo geeyay saldhiga Ciidamo ka tira badan kuwa Xisbul Islaamka ee ku sugan Ceelasha Biyaha .

Masaajid Loogu Magacdaray Masjidu Suhadaa oo Maanta Laga Furay Madaxtooyada

July 9, 2010

Jimco: Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Sheekh Sharif Sheekh Axmed ayaa maanta Madaxtooyada Soomaaliya ka furay masaajid weyn oo jaamac ah, masjidkaas oo loo bixiyey Masjidu Shuhadaa, masjidkaan waxaa uu hroay Madaxweynuhu u dhagax dhigay 13-kii bishii Febraayo ee sanadkaan.
Masjidka oo ilaa afar boqol oo qof ay markiiba ku tukan karto, waxaa loogu magac daray shuhadadii u dhintay difaaca diinta, dadka iyo dalka oo ay ka mid ahaayeen Cumar Xaashi Aaden, Ibraahim Caddow, Qamar Aden, Axmed cabdullahi (Waayeel), Saleebaan Colaad, iyo boqolaalka kale ee sida xaqdarada ah loo diley.

Masjidu Shuhadaa waxa uu noqon doonaa masaajid duruus cilmi ah ay ka baxdo, salaadahana lagu oogo.

Furitaankii masjidka ee maanta waxaa Madaxweynaha ku weheliyey, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka, Dekedaha Sheekh Aden Maxamed Nuur, Taliyaha Ciidamada Qalabka-sida Sarreeye Guuto Maxamed Geelle Kaahiye iyo Madaxka Xafiiska Madaxweynaha Cabdulkareem Xasan Jaamac.

Madaxweynaha iyo madaxda kale ayaa laba ragco oo sunno ah ku tukudey masjidka.

Dhinaca kale, salaaddii jimcaha ayaa Madaxweynaha waxaa Masjidu Shuhadaa maanta kula tukadey masuuliyiin fara badan oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha Sheekh Cabdulqaadir Cali Cumar, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Cali Maxamed Looyaan, Wasiirkii hore ee Warfaafinta, Daahir Maxamud Geelle, Wasiirkii hore ee Caddaaladda, Sheekh C/raxmaan Janaqow, Xildhibaan Ugaas Axmed Bille iyo masuuliyiin kale.

Cuduro daawo lee heley

July 9, 2010

C/Raxmaan Sheikh Dhaayow

Marka hore waxaa mahad leh ilaahii na abuurey oona amrey adoomankiisa in ay u towbad keenaan oo ay dembi dhaaf weydiistaan ilaahi na abuurey,
waxaan u maleynayaa in badan oo ka mid ah in ay layaabi doonaan cinwaankani ee akhristyaasha webkan, Qof hadii uu denbi uu galo ama ha noqoto.

Qof bani aadam shakhsiyadiisa ama xaaskiisa ama saaxiibkiisa ama walaakiisa ama aabihiisa ama adeerkiisa ama wazaarada meesha uu ku shaqeeyo.ama nin mas,uul ah ama madaxweyne intaba hadii uu qalad ka galo isla markiiba waxaa uu usoo muuqaneyaa in uu ninkaasi denbi ka galey in uu raali gareeyo maxaa yeeley haduusan raali gareyn ninkaas bani aadamka ah berito waxaa uu aaminsan yahay in shaqada laga soo joojin doono ama
hadii uu dan ku lahaa in uu dantaasi u soo diidi doono ama hadii maktab (office) ku shaqeeynaayo in uu dantii lahaa aysan u fulineynin haduusan raali gareynin.

Marka akhristayaal maxay kula tahay in qof bani aadam ah la raali gareeyo oo alihii khaaliqa na uumey aan la raali gareyn oo denbi dhaaf la weydiisan??
1_SIDEE BAA DENBI DHAAF U WEYDIISANAA ??
su’aashani waxaa u kala qeybineynaa labo qeybood, mida koowaad waa tan Alaah, Ilaaheey Subxaanahu Watacaalaa denbi hadii adoonkiisa ka galo ee haduu ku towbad keeno waa u denbi dhaafeyaa

Ilaahey waa Qafuuru Raxiim, towbadu laftirkeedii shuruudo ayey leedahay oo sedex ah waxaa ka mid ah in uu san u laaban mar danbe wixii ka towbad keeney , mida labaad waxaa weeye waa tan ugu daran ee tan bani aadamka ee mar kasta aan laga towbad keenin dadka sey u badan yihiin, waxaa ka mid ah dulmiga baniaadamka loo geysto, la khiyaameeyo, xoolihiisa xoog looga qaato, gurigiisa xoog looga qaato , beerihiisa ama waxaas oo dhan isku soo duudub heer waxaa la gaarey ayaamahan danbe in qofka markii la dulmiyo ka dib hadana dembiyadii ugu waaweynaa loo adeegsado
oo la yiraahdo ash-haado waan ku dileyaa, ee marka ninkii aad dulmisey beertiisa ama gurigiisa ama xoolihiisa ama xaaskiisa intaan oo dhan lagu xad gudbey ayaa hadana la dileyaa asgoo ash-haadanaayo.

Sidaa ma waxaan ku gaareynaa horu mar, sidaa maa islaanimo ah aawey Soomaaliya 100% waa muslimiin ayaa naloogu sheekeyn jirey, marka waxaa isweydiin leh akhristow qofkii cafiska laga dalban lahaa ayaa la diley ee qofkii dileyna weli harsan lah dhib iyo rafaad oo aan kala go’aynin oo welina u sii dheer kii aakhiro haduusan u towbad keenin, Ilaaheey ma cafiyo xuquuqda dadka waa in laga dalbadaa cafis dadka la dulmiyey, kan wax dulmiyow inta goori goor tahay cafis dalbo istigfaartana badi ee mar danbena ha u noqon.
2_ISKU DAAWEEYA DEMBI DHAAF (ISTIGFAAR).

Walaalyaal marka hore aan ogaano muxuu yahay istigfaar?
Istigfaar waa magac ka mid ah magacyada Alaah Ilaahey Subxaana Watacaala asagaa isku tilmaamey Qafaar,Qafuur,Qaafiri dambi, waxaana ay ku tilmaameen culimada macnaheeda Qafaar waxaa loola jeeda Alihii asturey dunuubta oo dhaafa,Sheekh GAZALI waxaa uu yiri markii uu fasiraayey Al-Qafaar waa Alihii soo bandhigey wixii wanaagsana wixii xumaana asturey.

waxaana uu amaaney dadka alah dembi dhaafka weydiista,waxaana uu ilaah ku abaal mariyaa daka dembi dhaafka weydiistey in uu dembigooda la dhaafo oo uu ilaah ka raali noqdo
Qofka demdhi dhaafka weydiista oo ku run sheegaayo oo uu ictiraafo dembigiisa oo isduleeyo Ilaaheey mooyee qof kale aneysan u dhaafeynin dembigaan uu qiro kaas ayaa ah DAAWO NAAJAX AH .

Marka akhristow hadii cudurka ugu weyn ee na haayo ayaa daawo loo heley ee marka hadii daawo la inoo timaamey oo ilaahii na bauurey uu inoo sheegey daawadeena waa in aan u degdegnaa qof waliba siduu uu u heli lahaa daawadaasi, ileyn hadii uu ku yiraahdo dhakhtar caawa ama maanta hadii aadan isticmaalin daawadaasi waa dhimaneysaa ama naftaada halis bay ku sugan tahay isla markii ayaan iska gaarsiinaa daawadaasi sidii loo heli lahaa , ee maxaa anaga reebey anaga daawadeenii oo aan loo baahneyn dhakhtar takhasus ku leh ee daawo aan looga baahneyn pharmacy ee qof waliba oo bani aadam ah oo nafta ku jirto uu awoodo daqiiqado in uu isku daaweeyo, ma ahan wax lacag laga bixinaayo waa wax afka lagu dhowaaqaayo oo qalbigana uu rumeysan yahay waa ISTIGFAAR Ilaaha na uumey hadii dembi dhaaf la weydiisto waxyaalo badan ayaa imaanayaa.

Hadaan muslimiin nahay Ilaaheey Subxaanahu Watacaalaa waxaa uu inoogu sheegey Qur’aankiisa iyo sunada Rasuulka calayhi asalaatu wasalaam Qaafiri danbi Waqaabili towbi , waa Alihii dhaafa danuubta waa Alihii ka towbad aqbala adoomankiisa
ilaaheey hadii denbi dhaaf la weydiisto, suuratu nuux suuratu huud suuratu towba qur,aanka meelo badan ayaa lagu sheegey denbi dhaaf Alah la weydiisto darajada lagu gaaraay.

3_DAAWADA
ILaah subxanahu watacaalaa hadii aan weydiisano denbi dhaaf waa uu inooo gargaareyaa dhib waliba aan ku jirno duruuf kasta ha ahaato ee gargaarkiisa ilaaheey waa uu imaaneyaa ee istigfaarta hala badiyo,
Hadii denbi dhaaf aan weydiisano waxan gaareynaa horu mar waxaa imaaneyaa roob barwaaqo ku dheehan oo aan dhib laheyn ,
Hadii aan denbi dhaaf weydiisano waxaa imaanayaa beerihii oo dhan ayaa ilaaahey subxaanahu watacaala oo dhowrkaan sano ay abaaro isdaba joog ah ay ahaayeen ayaa ilaaheey naga bixinayaa oo beerihii baa dhaleyaan badarkii iyo webiyadii ayaa durdurayaa khudaartii ayaa guraneynaa wax waliba ee fawaakihadii dhamaantooda ilaaheey ayaa barwaaqo na siinayaa iyo bashbash ee aan u laabano Alaah,
Hadii aan denbi dhaaf weydiisano Alaah waxaa imaanayaa maalkii oo dhowrkaan sano nuqsaan ahaa oo aan laheyn ziyaado ilaaheey waa uu ziyaadinayaa maalkii iyo xoolihii ayaa si fiican ay u dhaldhalayaan waa ay sii badaneyaan oo waa ay barakoobaayaan ilaaheey ayaa yaqaanaa sida ay u barakoobaayaan,ee Ilaaheey aan talo saarano ee aan towbad keeno,

NB; ee akhristayaal mid aan ogaano wadankii waxaa na haysta waad u jeedaan ilaaheey waxaa uu inagu salidhay abaar aan kala go, lahayn Ilaaheey waxaa uu inagu salidhay dagaal aan kal go, lahayn, Ilaaheey waxaa uu inagu salidhay dad aan heshiineyn, Ilaaheey waxaa uu inagu salidhey in aan gobol gobol u qeybsano,
Ilaaheey waxaa uu inagu salidhey dhibaato fara badan waxaana ka mid ah oo aan rabo meeshaan aan is weydiino su’aalo dhowr ah aan u soo jeedinaayo alkhristayaasha iyo dhamaan dhinacyada ku dagaalamaya Soomaaliya??
1_ sidee baan uga bixi karnaa dhibaatadaan?
2_kooxahan faraha badan ma wanaag bay soo wadaan??
3_shirarkaan badan oo lagu magacaabo dib uheshiisiin ee aan dhamaaneyn sidee u aragtaan??
4_safaradaan badan ee madaxda dalka yey maslaxad uga jirtaa? yey wax u qabtaan?
5_Roobabka faraha badan ee ku da, dhulka oo aan wax soo saarkii hore jirin??
6_dhiigii weli sii daadanaayo maxaa xal ah?
7_caalamka Soomaali meel ay joogto sanka ayaa laga heystaa maxaa dan inoo ah??
8_Soomaalida qurbaha ku nool waxay dooneyaan inay dib ugu soo laabtaan dalkii sey ugu soo laabaneyaan??
9_ Kursigaan dagaalkiisa waa batey yaa ku haboon?? Qoladee??
10_Dhamaanteena diyaar ma unahay in aan towbad keeno? Su’aashani aniga ayaa ka jawabayaa kuwa kale akhristayaasha ayaan u deyneynaa

Hadii ay tahay jawaabtu haa waxaa la heley cudirkii guud ee Soomaalida hayey dhowrkaan sano ee dhamaanteena waxaa inoo balan ah maanta laga bilaabo in aan is cafino Ilaahey denbi dhaaf aan ka weydiisano aan towbad keeno saan u dhan nahay dhamaanteena rag iyo dumar dalka dhibkaan aad u jeediin waa wax anaga aan kasbaney weeye ,

4_ASXAABADII IYO DADKII SAALIXIINTII SIDA AY ISKU DAAWEYN JIREEN.
1_ Qataada ; waxaa uu yiri raximahu laah (qur’aanka waxaa uu idin tusinayaa cudirkiina iyo daawadiisa, amaa jiradiina waa denbiga, amaa daawadiina waa denbi dhaaf Alaah la weydiisto)
2_Alibinu abii dhaalib karama laahu wajhah waxaa uu yiri (waxaan la yaabaa ayaau yiri qof la helaagaayo oo hadana heysto shey uu ku badbaadaayo, waxaa lagu yiri maxaa lagu badbaada?? waxaa uu ku jwaabey denbi dhaaf)
3_Luqmaan calyhi asalaam waxaa uu yiri asgoo u dardaarmaya wiilkiisa (Ilaaheey waxaa uu leeyahay saacaad aan ka soo celineynin su’aashiisa ee badi istigfaarta ama denbidhaaf)
4_Fudeel binu cayaad raximahu laah waxaa uu yiri (denbi dhaaf aan Alah la weydiisto oo hadana aan laga go’eynin denbigii lagu sii dhex jiro waxaa uu yiri taasi waa beenaaleyaasha towbadoodii weeye )

ee gabagabadii halkaan maku soo koobi karno aayadaha qur’aanka iyo axaadiista soo aroortey ee marka qof walibow ma rabta in aad liiban aduun iyo mid aakhiro labaduba aad gaartid hadii ay tahay jawaabtu haa ee Alaah aan ka cabsano cid waliba aan u dardaarano wanaaga ala ka cabsiga si aan u helno intaan soo sheegney oo dhan
1-Hala badiyo denbi dhaaf,
2_in roob noo yimaado oo miro i noo dhaliyo riziqa waasac inoo noqdo
3_Ilaaheey waxaa uu inoogu yeeleyaa beerihii webiyaal oo janooyin ah iyo xoolihii daaqsiin badan.
4_ilaaheey ayuu inoo badineyaa maalkii iyo caruurtii waan inoo barakeynayaa.

NB ; intaan aan soo sheegey oo dhan goormaa la heleyaa markii aan Ilaah ka cabsano oo debni dhaaf weydiisano Alaah waa uu inoo gargaarayaa dhibaatadan nahaysatana waa aan ka sii baxaynaa ee maqaalkeena intaan ayaan ka soo gabagebeynayaa.

War Deg Deg ah: Dowlada FKMG ee Somalia iyo IGAD oo wada qorshayaal Islaamiyiinta lagu soo weerari doono Jihooyinka Somalia laga soo galo

July 9, 2010

XOG RASMI AH: Dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa haatan wada qorshe dagaal kii ugu ballaarnaa iyadoo heshiisyo qarsoodi ah la gaartay dalalka deriska, si ay u wiiqdo awooda Kooxaha Islaamiyiinta Soomaaliya ee kaabiga kuhaya halka looga arimiyo Villa Somalia.

Qorshaha dagaal oo loogu magac daray duulaanka Lix geesoodka ayaa loo arkay inay tahay habka kaliya ee lagu wiiqi karo Islaamiyiinta, iyadoo duulaankan uu la mid yahay kii Itoobiya ay sanadkii 2006-dii ay Gobolada dalka uga saartay Maxaakimtii Islaamka, inkastoo ay haatan dhinacyo badan ku lug leeyihiin.

Xogtan ayaa sheegaya in duulaankan ku wajahan Kooxaha Dowladda ka soo horjeeda, kaasoo ujeedkiisa weyn uu yahay sidii Gobolada ay ku xoogan yihiin loogu furi lahaa dagaal saf ballaaran.

Wararka qaar ayaa sheegaya in kulan todobaadkii la soo dhaafay ka dhacay dalka Itoobiya ay saraakiil ka tirsan Dowladda iyo Gudiga Gurmadka deg dega ee IGAD, kaas oo lagu dajiyay istiraatiijiyada dagaal ee ka dhanka ah Islaamiyiinta.

Aaga koowaad ee dagaalka laga furi doono ayaa la sheegay inay noqon doonto Gobolka Hiiraan, halkaas oo Ciidamo Itoobiyaan iyo kuwa Soomaaliya ay qaban doonaan dhinaca Beledweyn ilaa wadada laamiga ee tagta Shabellaha Dhexe.

Sidoo kale qorshaha labaad ayaa ah in Ciidamada Ahlu Sunah ee dhowaan tababarka loogu soo gaba gabeeyay ay dhinaca Ceelbuur ilaa bariga Galgaduud ee xuduuda ka la leh Shabellaha Dhexe ay ku hogaamiyaan Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka soo dhaqaaqi doono xadka Gobolka Galgaduud la wadaago Ismaamulka Soomaaliya ee Itoobiya.

Qorshaha kale ayaa ah mid ay iska kaashan doonaan Ciidamo hab beeleed loo abaabulay iyo kuwo taabacsan Sheekh Axmed Madoobe oo horay Shabaab uga soo saareen Jubooyinka uu wajihi doono dhinaca Dhoobley, iyadoo ay taageeri doonaan Cutubyo ka tirsan Ciidamada Kenya oo ku taageeri doono dhinacyada saadka milateri iyo hubka culus.

Aaga afaraad ayaa waxay Ciidamo Itoobiyaan ah oo la sheegay inay ku hubeysan yihiin 185-Gaadiid dagaal oo soo gaaray deegaanka Doolow ay halkaas ka qaadi doono weerar ku wajahan dhinaca Gedo iyo Sh/Hoose, waxaana horkici doona Xildhibaano ka tirsan Dowladda iyo Ciidamo taabacsan Ahlu Sunah Waljamaacah.

Dhinaca Bay iyo Bakool ayaa iyana waxaa qaban doono Cutubyo ka tirsan Ciidamada Itoobiya oo gaaraya ilaa 3-kun oo taageeraya maleeshiyaad taabacsan Maamuladii goboladaas laga eryay.

Qorshaha ugu dambeeyay ayaa ah dhinaca Muqdisho oo ay ka dagaal qaadi doonaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM, waxaana qorshaha gaarka uu yahay sidii ciidamadaas ay labo wado ugu kala ambabixi lahaayeen ee ah wadooyinka Balcad iyo Afgooye qabta.

Dowladda Mareykanka ayaa ah hooyada hoose ee duulaankan Dowladda KMG loogu sahli doono in ay Gobolada dalka gacanta ku dhigto, waxaana suura gal ah in si la mid ah weeraradii dhinaca cirka ee sanadkii 2007-dii ka geysatay Soomaaliya ay qaado, kadib markii Ciidamadii Maxaakimta iyo saraakiishooda ay u firxadeen dhinaca deegaanada Howdka.

Kulankii Madaxda IGAD ayaa ifafaalo u ahaa duulaan ka dhan ah Islaamiyiinta, waxaana doorka weyn qaadan doonta Ciidamada Itoobiya oo hada diyaar u ah in ay dib ugu soo laabtaan Soomaaliya sida ay xaqiijinayaan warar dhinaca Milateriga laga helay.

Ma cada qorshahan sida uu ku hirgeli doono, iyadoo ay hubanti tahay in ugu yaraan ay sii horseedo dagaal aan dhamaad laheyn oo dib mar kale Islaamiyiinta ugu magac daraan Muqaawamo, hadii looga itaal roonaado duulaanka ku wajahan.

Abtirsiimada Qowmiyadda DigilMirifle Q-15aad

July 8, 2010

Historical Dictionary of Somalia by Margaret Castagno

(African Historical dictionary No:6)-the Scarecrow press. Ing. Metuchen, NJ 1975, Aucland Public Libraries.

Buugga leh magaca aan kor ku soo sheegnay, lagana helo wadanka Newzealand, wuxuu ka tarjumayaa taariikhda Soomaalida cidda u soo halgantay ilaa laga helay xornimada hada lagu tuntay, halyeyaashii wadanka ka muuqan jiray waxaa ka mid ahaa:-
Sheekh Ibraahim Hassan Jebro oo ahaa ninkii ugu horeeyey ee Jaamacad ka sameeyo magaalada Baardheere, si uu u faafiyo diinta Islaamka, oona ahaa nin u dhsahay dadka ku Abtirsada labada webi dhexdooda taariikhduna waxa ay aheyd 1819kii.

Culimada waaweyn waxaa ka mid ahaa Sheekha Cali Maye Al-Duruqbiyi oona ahaa caalim Banaadiri oona ahaa culimadii ku dhalatey labada webi dhexdooda, wuxuuna ku duugan yahay magaalada Marka, uuna ahaa 1917.

Culimada kale ee caanka ka aheyd wadanka Soomaaliya waxaa ka mid ahaa Sheekh Aweys Mahamud Al-Baraawi (1847-1909), wuxuu wax ku soo bartey magaalada Baqdaad, ee wadanka Iraq.

Ka dib wuxuu ku soo laabtey wadankiisa gaar ahaan magaalada uu ku dhashay oo aheyd Baraawe, faafinta diintana uu ka bilaabey magaaladiisa, uuna ahaa nin faafinteeda qeybweyn ka qaatey, lana oran karo heerkii ugu sareeysay.

Sheekh Jabarti Bini Ismaaciil, sida qoraaga buuga uu qorey Jabarti waa awoowaha Daarood, laakiin daaroodkuna ay yiraahdaan Daarood & Jabarti waa walaalo, jabarti-na dadka ku Abtirsada waxay ku nool yihiin wadanka Yemen, wuxuuna ahaa nin ka yimid dhinaca carabta qarnigii 10 ama 11-aad, soona galay wadanka Soomaaliya, wuxuuna ku aasan yahay magaalada Ceerigaabo ee Somaliland.

Sheekh Madar (1825-1917) uuna ahaa hogaamiyaha dariiqada Qadiriya ee dhinaca waqooyi galbeed Somaliland, xaruntiisuna waxa ay aheyd magaalada Hargeysa, wuxuuna hada ku aasan yahay Hargeysa.

Waxaa kaloo shuyuukhda ka mid ahaa Shiikha la yiraahdo Sheekh Mamamed Guuleed (1918), wuxuuna ahaa hogaamiyaha dariiqada Saalihiya, xir badan ayuu soo dejiyey webiga agagaarkiisa si ay wadajir wax u soo saartaan una wada noolaadaan.

GELEDI:-

Geledi wuxuu ku Abtirsadaa DigilMirifle.Waxaa jirtey in qarnigii 17-aad, agagaarka meeshuu ka soo bilowdo webiga Shabeele oo ah Galbeed laga soo bilaabo ilaa laga soo gaaro Baraawe, wax alla iyo wixii dhexmarayo dhulkaas baaxada weyn ayaga ayaa koontarooli jirey.

Qarnigii 19-aadna waa qarnigii Daarood uu ka soo haajirey meelihii uu deganaa , una soo haajirey dhulka DigilMirifle, sida Alto-Jubba iyo Baasa Jubba, taas oo ay cadeynayaan qorayaasha Reer Galbeedka “Yurub” qarnigii 19aad.

Hogaamiyihii waqtigaas ka talinayey dhuka DigilMirifle wuxuu ahaa Sheekh Ibraahim Adeer oo ahaa wiilkii YAAROw(GOOBROON), ayaa wiilkiisa weyn waa Ibraahim Adeer oo la oran jirey Yuusuf Maxamed lagula dardaarmay in uu cilaaqaad la yeesho suldaanka Zinzibaar sanadkii 1840kii.

Marka laga soo bilaabi Shangaani-Mogadisho, Xamar-weyne awood sare waxaa ku lahaa suldaanka Geledi iyo kan Zinzibaar oo ka dhaxeeyey xiriir wanaagsan, wax alla wixii ay isaga baahdaan ayey is weydiisan jireen, weyna iscaawin jireen, gobolka la oran jiray Banaadirna waxaa gacanta ku hayey suldaanka Geledi.

Sida la cadeeyey qabaa’ilada Daaroodka in ay ku soo galeen wadanka DigilMirifle Imgrant (Qaxooti), hadana waxa ay ku andacoonayaan in ay ayaga leeyihiin.

Sida uu cadeeyey madaxweynihii xisbiga HDMS xisbigaan oo magaciisa buuxa loo yaqaan “Xisbiya Dastuur Mustaqbal Somali”, kana mid ahaa labadii xisbi ee ugu weynaa sanadkuna uu ahaa 1954t-ii Sheekh Abdulaahi Bogadi oo ahaa hogaamiyihii DigilMirifle wuxuu cadeeyey in DigilMirifle dhulkiisa laga soo bilaabo magaalada Muqdisho ilaa laga gaaro Bassa Jubba oo dhan kuna ekaa xuduudka kenya, dhinaca kalena Alto Jubba ilaa laga gaaro xuduudka kenya dhanka Buuloxaawo (Beled Xaawo).

Qore: Isaak Eeding Hassing (Isaak Doolow)
isakdoolow@yahoo.com

War Deg Deg ah:

July 8, 2010

Addis Ababa: Madaxweyne Shariif oo jooga Addis-Ababa iyo Raiisul wasaaraha Itoobiya Meles Znawi oo ka wada hadlay sidii loo meel marin lahaa go’aamadii ka soo baxay shirkii dhowaan Adiss Ababa ay ku yeesheen Madaxda Ururka Igad.
Sida ay kuwarantay wakaalada wararka ee Itoobiya ENA ayaa waxa ay sheegtey in kulan ay wada qaateen shaley madaxweynaha Soomaaliya iyo raiisul wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi, kulankaasoo ay kaga wada hadleen sidii loo meel marin lahaa go’aamadii ka soo baxay shirkii dhowaan Adiss Ababa ay ku yeesheen Madaxda Ururka igad go’aamadaasi oo ay ka mid ahaayeen in ciidamo dheeraad ah oo ka socda wadamada deriska la ah Soomaaliya ee loo yaqaano wadamada safka hore lageeyo dalka soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Dowlada Itoobiya meles Zenawi oo la hadlayay wakaalada wararka ee Ethiopia ENA ayaa waxa uu sheegay in dhankiisa uu diyaar u yahay meel marinta qodobada ka soo baxay kulankii Egad uuna sida ugu dhaqsiyaha badan qaadayo talaabo deg deg ah sida ugu dhaqsiyaha badane ay ciidamada wadamada dariska ah ka socda gaar ahaan kuwa Dowlada Itoobiya ay u gali lahaayeen Soomaalia

Ra’iisul wasaaraha dalka itoobiya meles Zenawi ayaa waxa uu intaasi ku daray in uu si weyn uga walaacsanyahay xaalada ay ku jirto soomaaliya isla markaana ay ka go’antahay in uu talaabo qaado si buu yiri uu u badbaadiyo jiritaanka dowlada uu hogaamiyo madaxweyne Shariif iyo qaranka Somalia waa sida uu hadalka u yiri’yee.

Si kastaba ha ahaatee madaxweyn Sheekh shariif ayaa uga mahad celiyay ra’iisul wasaaraha Itoobiya sida uu u aqbalay islamarkaana uu diyaar ugu yahay kala qeyb qaadashada qorshaha lagu doonayo in dib loogu soo celiyo amaankii iyo kala dambeyntii Soomaaliya.

Kulanka ay qaateen labadaasi mas’uul ayaa waxa uu ku soo beegmanaayaa xili banaanbaxyo ay soo qaban qaabiyeen xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo lagu kala qabtay magaalooyin ay ka mid ahaayeen Jowhar, Baladweyne, Baydhabo, Garbahaareey iyo Kismaayo kaasoo looga soo horjeeday ciidamo hor leh oo la keeno dalka Soomaaliyeed.

Warar kale ayaa sheegaya, Kismaayo:Banaanbaxyo waaweyn ayaa maanta ka dhacaya gobolada koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya, oo looga soo horjeedo ciidamo ajnabi ah oo hor leh oo la keeno Soomaaliya gaar ahaan kuwa IGAD iyo Itoobiya.

Dibadbaxyadaan ayaa waxa ay ka dhaceen saaka gobollada ay gacanta ku hayaan ururka Al-shabaab ,gobollada ay saaka ka dhaceen banaanbax lagu diidan yahay ciidanka IGAD iyo Itoobiya ayaa waxaa ka mid ahaa Jubbooyinka, Shabeellada hoose iyo dhexe, Bay, Bakool, Gedo, Hiiraan iyo qeybo ka mid ah Gal-gaduud.

Waxaa dibedbaxyadan ka hadlaya Saraakiil sar sare oo ka tirsan Al-shabaab waxaan ay madaxdii ka hadashay banaanbaxyada sheegeen in shacabka ay jihaad kala hortagaan ciidanka ajnabiga ah ee la qorshaynayo in dalka la soo geliyo waxaan ay madaxda al-shabaab ay ku baaqeen in dagaal lagu qaado ciidanka AMISOM iyo kuwa DFKM.

Banaanbaxyadan ayaa ku soo beegmaya, maalin ka dib markii ay madax ka tirsan urur goboleedka IGAD ay shir ku yeeshay magaalada Addis Ababa ay ku baaqeen in ciidamo loo diro dalka Soomaaliya si gacan loo siiyo DFKM oo ah mid taagdaran.

Saraakiil ka tirsan Xarakada Al-shabaab iyo ururka Xizbul Islaam ayaa si cad uga soo horjeestay ciidamada ajanabiga ee la doonayo in dalka la keeno waxaan ay sheegeen in dagaal ay kala hortegi doonaa sida hadda ay dagaalka ugula jiraa kuwa hadda ku sugan magaalada MUqdisho ee AMISOM waxaan ay dad wey naha ugu baaqeen in ay dalkooda difaacdaan.

Bayaan ay soo saareen maanta beesha Shiikhaaleed

July 8, 2010

WAR SAXAAFADEED AY SOO SAAREEN BEESHA SHIIKHAALEED EE degen NORTH AMERICA IYO YURUB Ay ku dhawaaqeen in aanay Aqoonsaneen maamul Isku Sheega ee Galmug. Waa maamul degaanka masali karin, Qolooyinka la ku Kulmeyna ay Shiikhaal ka Masuul aheyn waana kuwo ku qaraabta magaca beesha shiikhaal. Shiikhaal waxa ay leeyihiin caaqilo, aqoonyahanno, iyo Culumo. MADAXWEYNE ku sheega GALMUDUG WAA NIN SHAQSI AH oo LA KULMEY DADQAXOOTI AH oo MEEL DEGAN AAN SHAQO KU LAHEEN SHIIKHAAL. BEESHA SHIIKHAALEED EE FAQA OMAR KU ABTIRSADA ayaa sheegey IN AY KA SOO HORJEEDAAN dowlada Shiikh Shariif ku dhawaaqey NINKAAN ISKU MAGACAABEY Madaxweyne soomaaliyeed waa kaabo qabiil HAWIYE QOFNA AY WAXBA U OGOLEEN MA AHA MADAXWEYNE SOOMAALIYEED Waa meel seddex qabiil qeybsadeen oo kala ah Hawiye ,RAXANWEYN, Darood iyo Isaaq ay meeshaas xukumaan,DOWLADAAN AAN WAXBA KA JIRIN AANA AQOONSANEYN HADII AAN NAHAY Beesha Shiikhaaleed , waana la duufsadey xaqooda Shiikhaal waxaay ka mid tahay beelaha waa waaweyn WAXAAN GAARSIINEYNAA AMA ADDUUNWEYNAHA U SHEEGEYNAA In Sh, Shariif uu yahay Madaxweyne Hawiye uu meesha qof kale uogoleen ay meesha uu ku soo xaabiyey Qabiilkiisa iyo qolooyinka kale , uu soomaalidii kale waxba uogoleen ay meeshana ay wada qeybsadeen Hawiye , Tarood , iyo Isaaq , albaab walbana ayaga la wareegeensafaaradaha , xukumada meesha ka jirto ay boosaska wada qeybsadeen , waxaa kale ay sheegeen nimanka horordaayo Shiikhaal ma masalaan , North America Yurub , oo jooggo meel walba shaqo kuma laha , Shiikhaal Caaqiladooda waxa ay degen yihiin Somalia Muqdisho ,niman qaxooti ah Shiikhaal ma masalaan waxaa halkaas ku saxiixnaa 1, Caqil Hussein Nur ——– 2, Mr Hashi Shafi 3, Afhayeenka North America ee beesha Shiikhaaleed Mr , KamalMohamed Ali , Inna Prof Gure / Carter.


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers