Saraakiisha AMISOM ee Somalia oo ku baaqay in Ramadaanka la joojiyo dagaalka

Saraakiisha Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya ayaa ugu baaqay Shabaab iyo Xisbul Islaam inay joojiyaan dagaalada bisha Barakeysan ee Ramadaan iyagoona faah faahin dheeri ah ka bixiyay ciidamada dheeraad ah ee ay dalbadeen.

Afhayeenka Ciidamada Midowga Afrika Gaashaanle sare Bariijiya Bahuuko oo maanta wareysi gaar ah siiyay Idaacada Shabelle ayaa waxaa uu ugu baaqay Xarakada Al Shabaab iyo Ururka Xisbul Islaam inay joojiyaan dagaalada ay ku hanjabeen bisha barakeysan ee Ramadaan inay ku qaadayaan fariisimaha Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG Soomaaliya ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho.

Waxaa uu sheegay Afhayeenka Ciidamada AMISOM in bishaani ay tahay bil mudan in laga faa’iideysto Waajibaadkeeda loona baahanyahay in dhinacyada dagaalka kula jira dowladda KMG Soomaaliya iyo ciidamada Midowga Afrika in dagaalada ay si sharuud la’aan ah ku joojiyaan.

“Waa bil ramadaan, Ramadaana waa bil cibaado ma’ahan in laga taliyo dhibaato iyo shaqaaqo dadka saameeya, taas badalkeeda waxaa haboon in dadka la taageero si ay u cibaadeystaan, waxaa jira dad aan afurka iibsan Karin, waxaana ku baaqaynaa in lajoojiyo dagaalka, ma’ahan kuwa natiijo keenaya, waaa in la xurmeeyaa Ramadaan” ayuu yiri.

Gaashaanle Bariijiya Bahuuko Afhayeenka Ciidamada midowga Afrika waxaa sidoo kale waraysiga uu siiyay Shabelle uu ku sheegay in hadii Xarkada Mujaahidiint Al Shabaab iy Ururka Xisbul Islaam ay isku dayaan in weeraro ay ku soo qaadaan fariisimaha ciidamada Midowga Afrika ay kala kulmi doonana talaabooyin mudan isagoo ku celiyay in ciidamada Midowga Afrika ay iska difaaci doonaan weerar kasta oo lagu soo qaado.

Afhayeenka AMISOM ee Muqdisho waxaa uu dhinaca kala faah faahin ka bixiyay 40, kun oo askari oo ay dhawaan dalbadeen saraakiisha Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya si ay gacanta ugu dhigaan guud ahaan wadanka Soomaaliya, isagoo sheegay in ujeedada laga leeyahay ciidamadaasi ay tahay sidii ay nabad ugu soo celin lahaayeen gudaha dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Afhayeenka Ciidamada AMISOM waxaa uu carabka ku dhiftay in 8-da kun ee askari ee loo qorsheeyay Soomaaliya, aysan waxba ka qaban Karin Xaalada dalka Soomaaliya maadaama sida uu sheegay AL Shabaab ay u soo qul qulayaan dagaalyahano shisheeye oo ka yimid wadamada Ciraaq Bakistaan iyo Afganistaan.

One Response to “Saraakiisha AMISOM ee Somalia oo ku baaqay in Ramadaanka la joojiyo dagaalka”

  1. The Face of Afrika » » What do you do in the game AFRIKA for the PS3? Says:

    [...] Saraakiisha AMISOM ee Somalia oo ku baaqay in Ramadaanka la … [...]

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.