Warar deg deg ah: Ciidanka AMISOM oo fariisin ka sameystay Is-goyska Dabka, iyo Al-shabaab oo gooyey jidka isku xira Is-goyska Dabka iyo Bakaaraha

Muqdisho:-Ciidanka AMISOM oo wata Taangiyo ayaa waxaa ay maanta fariisimo ciidan ka sameystay Isgoyska Dabka, iyadoo ciidanka Al-Shabaabna ay gooyeen wadada isku xirta Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha. Ciidanka AMISOM ayaa lagu bedelay ciidanka DFKM oo horay ugu sugnaa Is-goyska dabka.

Dagaal ugu xooggan ayaa waxaa uu ka dhacay Is-goyska dabka iyadoo cidan walba uu isagu doonayey in uu qabsado,dagaalka ayaa waxaa sidoo kale xooggiisa uu ka dhacay wadada Maka Al-Mukarama.

Dadweynaha ku dhaqan degmada Waaberi oo dhinac Koonfur uga beegan Is-goyska Dabka ayaa waxa ay cabsi xooggan ay ka muujiyeen soo degtaanka ciidanka AMISOM ee Isgoyska Dabka iyagoo ka cabsi qaba in madaafiicda la isku ridayo ay galaafato noloshooda.

Ciidanka Al-shabaab ayaa waxaa ay qodeen dhufeysyo waaweyn oo ay ku adag tahay in ay Taangiyadu soo jiiraan, dhufeysyadaan ayaa waxaa ay lagu arkayey meel aan sidaas uga ogay Is-goyska dabka.

Baabuurta ka shaqaysa Bl-ka ayaa iyagu gabi ahaan istaagay maadaam ay jidadka ugu muhiimsanaa magalada Muqdisho uu ka socdo dagaal qaarna ay go,an yihiin, Baabuurta Bl-ka ayaa waxaa u furan kaliya wadadda warshadaha oo aad uga fog suuqa Bakaaraha.

About these ads

One Response to “Warar deg deg ah: Ciidanka AMISOM oo fariisin ka sameystay Is-goyska Dabka, iyo Al-shabaab oo gooyey jidka isku xira Is-goyska Dabka iyo Bakaaraha”

  1. Surveillance Software Says:

    High Power 80 Lumen MR16 GU5.3 Base Single LED 30 Deg. Spot Light 12v Bulb, 1204wh Reviews…

    Tracked This back, Wicked Post, Thanks!…

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 32 other followers

%d bloggers like this: