Warar isa soo taraayo oo aanu ka helayno ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaayo in madaxda sarare ee dowlada KMG la rabo qorsho looga rayaayo xafiiyadooda iyo hoygooda ee Vila Soomaaliya.
Dagaalada ka holcaayo magaalada Muqdisho oo maalintii sagaalaad galay ayaan waxaa uu si xawaaro ku jirto ugu soconaayaa meelo aan sidaasi uga fogeen guriga madaxtooyada ee Vila soomaaliya.
Waxaa shalay ku soo dhacaayey xarunta madatooyada waxyaabaha hubka culculus ay soo tuurayaa qolyaha ku kacsan dowlada ee Al-shabaab iyo Xisbul Islam ee dagaalada lagu hoobtay oo dhawaanahan ka iclaamiyey in lagu tuuro xukunka dowlada uu hogaaminaayo Sheekh Shariif.
Warakaasi isasoo taraayaan ayaa qorshaha waxaa uu yahay in saddaxda hogaamiye ee ugu sareeyo dowlada in ay ka guuraan una guuraan garoonka diyaarada agagaarkeeda.
Warar kale ayaa sheegaya: Dowladda Uganda ayaa daboolka ka qaaday inay ciidamo dheeraad ah u soo dirayso dalka Soomaaliya, kuwaasoo tiradoodu gaarayso 10-kun oo askari, oo ka mid ah ciidamada Keydka ah ee uu dalkaasi leeyahay.
Aronda Nyakairima Taliyaha Ciidamada Milateiga ee Dalka Uganda ayaa saxaafadda dalkiisa u sheegay in ciidamadan ay qayb ka noqon doonaan Ciidamada AMISOM oo difaacaysa Dowladda Soomaaliya ee uu Madaxweynaha ka yahay Sheekh Shariif.
Taliyaha Ciidamada Milateiga ee Dalka Uganda waxa uu sheegay in ciidamadooda ay gaynayaan dalka Soomaaliya markii ay kaalmo dhinaca ciidamada ah oo ay ku jiraan diyaarado ka helaan dalka Mareykanka, kaasoo horay ay IGAD uga codsatay inuu gacan ka siiyo daadgureynta ciidamadaasi.
Dowladda Uganda ayaa waxaa dalka Soomaaliya ka jooga in ka badan 4-kun oo askari oo ka mid ah ciidamada AMISOM oo ay qayb ka tahay dalka Burundi oo keliya, iyadoo dalal kale oo horay u ballanqaaday inay ciidamo u dirayaan Soomaaliya ayasan fulin balanqaadkoodii.
September 1, 2010 at 7:33 am |
Seddaxdaas Tuugo ILAAHEEY ha ka qabto masaakiinta iyo shacabkaba.
Meel kasta oo ay la tagaanba waxaad ogaataan waa LA HAYSTEYAAL u xiran Tuugada Caalamka ah guud ahaan, gaar ahaan AMISOM, AU, UNka iyo Kooxo kale oo daahsoon.
Kama tagi karaan xilalka ay haayaan xittaa haddii ay rabaan iney ka tagaan waxaa khaarijin doono kuwa hadda iyaga ilaaliya maxaa yeeley waxey AMISOM fiirsaneysa dhaqaalaha ka soo galo joogitaankeeda Muqdisho , sidaas oo kale UNka iyo AUda.
Marka waa suurto gal in la geeyo JAZIIRA ama XALANE oo ay halkaas ku ahaadaan La haystayaal ku jira xabsiga furan ee AMISOM oo ay iyaga tuuganimadooda iyo damacooda waalan isku gelieen.