Amiirka Al-Shabab Sheikh Muqtar Cabdiraxmaan Abuu Zubeyr ayaa xaqiijiyay in uu ka mid ah lix ka mid saraakiisha ugu sareysa xarakada alshabab oo ku sugnaa guriga ay diyaradu beegsatay.
Abuu Zubeyr oo la hadlay Majalada ka soo baxda dalka Mareykanka oo lagu magacaabo TIME Magazine ayaa xaqiijiyay in uu jiro weerarkaasisugaan halka ay Diyaradaha Duqeeyeen.
“Diyaaradduna waxay Hawada Marka ku jirtay muddo 20 daqiiqadood ah, markii dambena way tagtay,” ayuu yidhi Axmed Cabdi Godane, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Hadda waxaanu baadhaynaa Rasaastii ay ridday.”
Mar Axmed Cabdi Godane la waydiiyay waxa uu ku saabsanaa Shirka ka socday Guriga la duqeeyay, ayaa wuxuu sheegay in Shirkaas oo Guriga uu ka socday uu leeyahay mid ka mid ah dadka taageera Kooxdoodu uu ku saabsanaa xallinta khilaaf awoodeed soo dhex galay isaga Axmed Cabdi Godane ahaan iyo Gudoomiye ku-xigeenka Al-Shabaab Mukhtaar Roobow (Abu-Mansuur), ka dib markii ay isku khilaafeen awoodda maamul ee Kooxdaas.
Hoggaamiyaha Al-Shabaab waxa kale oo uu ka hadlay ilaha ay ka helaan dhaqaalaha, mar uu arrintaa ka hadlayayna wuxuu yidhi, “Ilo kala duwan ayaanu dhaqaalaha ka helnaa, maal-qabeenno Muslimiin ah ayaana maal-geliya jihaadka, taageerayaal kala duwan ayaananu ku leenahay Caalamka.”
Warar kale: Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa cambaareeyay shirarkii lagu qatay Magaalooyinka New York iyo Madrid ee dalalka Marekanka iyo Spain, kuwaasoo loogu taageerayay dowladda Soomaaliya, waxayna sheegeen in shiararkaas ay ahaayeen kuwo guuldareystay.
“Shirarkaas waxaa loo qabtay in la dibin-daabyo, shirqoollo dhibaatooyin loogu maleego shacabka Soomaaliyeed, waayo gaaladu ma jecla wanaagga dadka muslimiinta ah,” ayuu yiri afhayeenka Xarrakatul Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho maanta oo Khamiis ah.
Afhayeenku, wuxuu sheegay in shirarkaas loo qabtay sidii dib loogu soo-celin lahaa dhibaatooyinkii Soomaaliya, maadaama ay noqotay meel amaan ahaan aad u wanaagsan. Waxaana leenahay shirarkaas waxaa loo qabtay in lagu qariyo fashilka ku yimid dowladda KMG ah oo ay taageerto beesha calaamka.
“Laguma soo qaadin shirarkaas dhibaatooyinka lagu hayo shacabka Soomaaliyeed iyo duqeymaha ay AMISOM u geysanayso, balse waxaa tacsi loogu diray dadkii ku dhintay qaraxyadii ka dhacay Kampala,” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.
Sidoo kale, Sheekh Cali Dheere, wuxuu sheegay inaan waxba laga soo qaadin dadka ku dacdareysan xabsiyada ay maamusho dowladda iyo madaafiicda lagu garaacayo dugsiyada qur’aanka, isagoo xusay in taasi ay caddeyn u tahay inaan dan laga lahayn dhibaatooyinka shacabka Soomaaliyeed ku dhacaya.
Shirkii ay soo qabanqaabisay kooxda xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya ee ka dhacay magaalada Madird ee dalka Spain ayaa qodobbadii kasoo baxay waxaa ka mid ahaa in laga taageero dowladda KMG ah dagaalka ay kula jirto Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin.