Madaxweynaha DFKM Sh Shariif Sh Ahmed oo u baqoolay magaalada Madrid ee xarunta dalka Spain

Madaxweynaha DFKM Sh Shariif Sh Axmed iyo wafdi uu horkacyo ayaa ka dhoofay magaalada New York ee dalka Marykanka isaga oo ku sii jeeda magaalada Madrid ee xarunta dalka Spain.

Madxweynaha DFKM Sh Shariif Sh Ahmed ayaa ka qeyb galaya kulanka kooxda xiriirka caalamiga ah oo ka dhacay dalka Spain shirkaas oo looga hadli doono arimaha Soomaaliya.

Ergayga gaarka ah ee Xog-hayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga ayaa shirka gudoomin doona waxaana shirka ka soo qeyb gali doona xubno kasocda wadamada deeqaha baxsha ,QM ,Midowga Afrika iyo Jamacada Carabta.

DFKM ayaa waxaa halkaas u sii joogay wasiirka arimaha dibada ee DFKM Yuusuf Xassan Ibraahim “Dheeg” waxaana uu sheegay wasiirku in shirka uu socon doono laba Maalmood.

Warar kale: War haatan naga soo gaaray magaalad Muqdisho ayaa sheegaya in weerar Hoobiyaal ah lagu qaaday xarunta golaha Shacbiga oo ay kulan ku lahaayeen xubno ka tirsan Golaha baarlamaanka DFKM.

Sida uu noo xaqiijiyey wariye madax banaan oo ku sugan magaalada Muqdisho Hoobiyaasha iyo Madaafiicda lagu weeraray Xarunta golaha Shacbiga ayaa waxay ku dhacday hareeraha xarunta lama soo sheegin ilaa iyo haatan wax khasaaro ah.

Weerarka lagu qaaday Xarunta golaha Shacbiga saaka ayaa waxaa uu khalkhal galiyey kulankii u socday xildhibaanada baarlamaana DFKM.

Ciidanka AMISOM oo aad u sugayey amaanka Xarunta golaha Shacbiga ayaa madaafiic culus ku jawaabay kuwaas oo ku dhacay xaafadaha kala duwan ee magaalada Muqdisho.

About these ads

One Response to “Madaxweynaha DFKM Sh Shariif Sh Ahmed oo u baqoolay magaalada Madrid ee xarunta dalka Spain”

  1. salax Says:

    waaxaan halkaan ka salamayaa shaqalaha wajid.com salan salaan kadib waxaan rabaa inaa adan idin sheego inaad qurxisaan websatkaan
    oo ad ka dhigtaan mid ku jira sawiro barnaamijyo badan waxaan idin leeyahay qurxiya barnaamijka webkaan ama aqonta ayaa eber idinka ah oo websadyada lagu yaqaano waxaan jornaalna mahan websadna ma ahan ee hala qurxiyo haduu jornalyahay xataa sawiro xala soo galiyo
    byeeee waa rayi oo kaliya

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 32 other followers

%d bloggers like this: