Godane iyo Roobow oo khilaafkooda faraha ka baxay

Khilaaf mudo ka dhex jiray Hogaamiyaha Al-Shabaab Ahmed Abdi Aw Mohamud Godane iyo ku xigeenkiisa Mukhtaar Roobow Cali ayaa cirka isku shareeray kadib markii uu guuldaro ku dhamaatay shir lagu dhexdhexaadinayay oo sedex maalmood uga socday Hotel ku yaal Magaaladda Marko ee gobolka Shabeeladda hoose.

Khilaafka ayaa laba kacleeyay kadib markii Ahmed Godane golaha sare ee talada Al-Shabaab ka saaray Mukhtaar Roobow,sidoo kalena amray in la dhameeystiro Sarkaal ku dhaawacmay dagaaladda Muqdisho,kana tirsanaa garabka Melleteri ee Mukhtaar Roobow Cali sida ay Waajidpress.com u xaqiijiyeen ila wareedyo muhiima.

“Meeshii aan istaagaba telefoon dacwada ayaa ii soo dhacaya,waxay dadka i soo wacaya ka dacwoonayaan cadaalad daro lagula kacay,oo qaar ka mida madaxda Al-Shabaab kula kaceen,Cadaalad daradaas mudo ayaan ka aamusnaa,maanta aniga ayey igu dhacday,waxaan idiin sheegayaa in Sheekh Ayuub oo u dhashay Raxanweyn, Jiroon oo ah taliyahii Mujaahidiinta barriga Bay ku dhaawacmay dagaaladii Muqdisho kadibna aan waayay warkiisa,markii aan raadshay ayaa la ii sheegay in la dilay,oo la dhameeystiray,Amiirka ninkaad u taqaanaan ee Ahmed Godane ayaan waydiiyay ,wuxuuna iigu jawaabay,Sheekh Ayuub markaan aragnay inuu liito,ayaan amar ku bixinay in Shahaadadiisa loo fududeeyo ,isaga iyo Mujaahidiin badan,waana la dhameeystiray”ayuu yiri Mukhtaar Roobow oo Maleeshiyaad ka amar qaata kula hadlayay Magaaladda Baydhabo.
Mukhtaar Roobow oo loogu yeero Abuu Maansuur sedex jeer ayuu dhaartay,oo yiri SUMA WALAAHI,SUMA WALAAHI,SUMA WALAAHI ,inaysan Ahmed Godane iyo qolada la safan cadaalad iyo diin agtooda oolin,waxaana idinkugu bishaareeynayaa in xaalada wax iska bedeli doonaan.
Markii lagu kala tegay shirkii Marko oo Mukhtaar Roobow uu qaatay dhaawacyadii ka yeelay Muqdisho iyo Shabeeladda hoose ,sidoo kalena kaxeeystay Maleeshiyaadkii beeshiisa,waxaa uu Amiirka Al-Shabaab khudbad uu jeediyay ku gaabsaday in Abuu Mansuur yahay nin ka leexday hadafka Jihaadka lagana saaray golaha sare hasse yeeshee Ibrahim Xaaji Jaamac Meecaad Afakhani oo ay isku reer yihiin Godane ayaa khudbad uu jeediyay ku weeraray Abuu Maansuur,wuxuuna yiri ” Waa daalim Mukhtaar Roobow,waa nin qabyaalad ka buuxda,wuxuu yahay maleh,hanaga tago”.
Fu’aad shongale oo ka mid ahaa gudigii dhexdhexaadinayay Ahmed Godane iyo Mukhtaar Roobow ayaa Magaaladda Baydhabo khudbad uu kula hadlay Saraakiisha Maleeshiyadda Al-Shabaab wuxuu ku yiri”Dagaal Mujaahidiinta dhexdooda ah ayaa laga yaabaa inuu bilaawdo, dagaalkaas haduu bilaawdo waa fitno, yaan laga qeyb gelin, nin walba beertii aabihiis ha aado”
Qaar ka tirsan Saraakiisha Al-Shabaab ayaa ku xog waramay in Ahmed Godane yahay nin qabyaalada ku weyn tahay laabtiisa,uuna madaxda ugu sareeysa Amniyaadka,dhaqaalaha iyo gaashaandhiga ka wada dhigay Saraakiil reerkiisa ah sida Ibrahim Afakhani,MMNUR,oo loo yaqaan Faruur iyo Caraale.
Lamma ogga sida uu ku aakhirsan doona khilaafka Godane iyo Mansuur laakiin wuxuu Ahmed Godane aad u habeeyay Maleeshiyaad u dhashay beesha Hadamo kuwaas oo la sheegay inuu rumeeysan yahay inay asal ahaan u dhasheen Beesha Arab ee Isaaq,uuna isaga ka dhashay.

Goboladda Jubooyinka,Bay iyo Bakool,Shabeeladda hoose iyo Hiiraan waxaa ka madaxa rag u dhashay beesha Ahmed Godane.
123 ka tirsan Maleeshiyadda Al-Shabaab oo la sheegay inay dhaawacyadooda halis ahaayeen ayaa la qarxiyay inta godad lagu shubay kadib markii uu sidaa amray Ahmed Godane oo ku sifeeyay amarkiisa mid ragaas loogu sahlayay gelida Janadda.
Taariikhda waa markii ugu horeeysay ee gudaha Somalia lagu arko maleeshiyo ay nolosha ku gubayaan isla kooxdii ay ka tirsanaayeen

About these ads

One Response to “Godane iyo Roobow oo khilaafkooda faraha ka baxay”

  1. Iqra Yusuf Says:

    aduunyada waxa ugu liita ruux yiraahda waxaan wax ka aqaanaa diinta hadana aayadaha eebe ka been shegaya godane iyo wixii la halmaala waxa ay fog yihiin islaanimada waa dad baneystay dhiiga umada iyo kuwa ciidanka u ahba ninkii wax garad ahoow ilaahii ku abuurtay ka baq dilka aad dilaysaan walaalihiin soomaaliyeed waa idinka xaaraam iyo kuwa kale ee muslimka ahba inaad xaq daro ku dishaan ee weli towbada alle ayaa idiin furaane waa la idin qaldaye ka soo laabta wadada aad ku jirtaan gaal baan dilkiisa la idiin banayn haduusan qalad idinka gelin oo weliba xag alla ah ee walaalayaalow godane iyo shongole iyo kaba ku tukade iyo qayrkood jano idin geyn maayaan naar inay idiin hogaanshaan mooyaane ee ka digtoonaada waxyaabaha aad ku jirtaan wabilaahi towfiiq.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 32 other followers

%d bloggers like this: