Taariikhdu Waa Tusmada Nolosha “DigilMiriflow” Q-10aad

Dhulalka sida goonida loo leeyahay waxa uu ka bilowdaa Jowhar iyo wixii ka koreeya, inta ka hooseysana waa kan Qaranka soomaaliyeed, hadaan tusaale u soo qaadano, Puntland waa macruuf qof ku sakhajaami kara ma jito, Somaliland waa la wada yaqaan, Gobolada Dhexe sida Gal-gaduud waa iska macruuf, Hiiraan la mid, inta soo hartey looma ogola in uu qofna sheegto, waxaa keliya banaan in lagu sheego waa dhul Soomaali, taana waxaa ay kaaga turjumeysaa in si wada jir ah looga soo wada hor jeedo midnimada qowmiyadda DigilMirifle, hadey midnimadooda helaan waxey la micno tahay bey yiraadeen ayagoo dhulkoodii heley, teeda kale waan og nahay in ay ka wada siman yihiin kasoo hor jeedida midnimada DigilMirifle, laakiin waxa ay ku heshiin la’yihiin qebsiga dhulka, waa yaabe maxaa qaranimada soomaaliya ku soo koobey oo keliya dhulka Qowmiyada DigilMirifle, maxaase ka reebey dhuldlka kale, ileyn soomaaliya waa ay weyn tahaye? Waa su’aal ay u taal nin walba oo ka jawaabi karo.

Hadaba akhristow dhul DigilMirifle oo keliya ayaa ah dhul soomaali, markaad kooda timaadidna waa laguugu qabsanayaa, oo wax kama dhisan kartid aad xukunto iskaba daayee, waxaan kaloo oran karnaa waxaan DigilMirifle aheyn lalama laha dhulkooda, lamina degi karo ayaga gudahooda mooyee, dhulka DigilMiriflena ma ahan dhul cid u khaas ah oo la weydiisto soo degistiisa ileyn waa dhul qarane.

Dhacdooyinkii foosha xumaa ee loo geysanaayey qowmiyadan DigilMirifle waxaa kaloo ka mid ahaa, nin la oran jirey “Maaling Yerow” oo reer Buur Hakaba ahaa, ahaana nin karmeed, mar walbana ka hadli jirey runta, qofkii xaqa ka hadlana reer Leego wuxuu u ahaa cadowgooda koowaad, wallow uu yahay qof ayaga ah.

Maalim Yerow waxaa mar walba loo sameyn jirey dembiyo aan waxba ka jirin, sidii mar walba xabsiga loogu taxaabi lahaa, mar allaale iyo markii la xiraba sidey caadada u ahaan jirtey la jir dili jirey, si ba’ana loo ciqaabi jirey.

Maaling Yerow mar allaale iyo marka la soo daayo hadaladiisii ayuu bilaabi jirey, oo dadkiisa ayuu u dagaalami jirey, mar walbana meel fagaaro ah ayuu ka hadli jirey asagoo cuskanaaya dhibka ay Mahaatiri ku hayeen DigilMirifle, xisbiga Leego Mahaatiri waxaa dab ay ku gubtaan ku noqdey hadaladii uu Maaling Yerow ka jeedin jirey fagaarayaasha, hadaladaasoo ay ahaayeen runta, iyo in uu ka digi jirey dabar goynta ay damacsan yihiin reer Leego Mahaatiri.

Mar kale ayey xireen ayagoo dembi u yeelaya, ileyn mar walba wuxuu ka hadli jirey waxa ay sameynayaan in aanu saxneyn, Markey xiraanba waxey la caadeysteen ayey ku sameyn jireen, jir dilkii iyo ciqaabistii u goonida aheyd, ayna ciqaabayeen ilaa ay ka dilaan, Maaling Yerow wuxuu noqdey mid uu xabsiga ugu dhinto sey u jir dilaayeen.

Siyaasiyiinta iyo wax garadka Qowmiyadda DigilMirifle oo ay Leego xabsiga u taxaabtey waxey gaarayaan nambar aad u sareeya, ayagoo Markey nin siyaasi ama nin karmeed DigilMirifle ah ay dilaanba ka dhici jirey culeys aad moodid in uu dusha ka saarnaa, sababtoo ah waxaa sii yaraanayey siyaasiyiintii afkaartooda kululeyd oo runta taabsiin jirtey, rabeyna in ay arkaan dadkooda oo xur noqdey ay arkaan, helaana madax-banaanidooda, arimahooda gudahana ayaga u khaas noqoto.

Qore: Isaak Eeding Hassing (Isaak Doolow)
isakdoolow@yahoo.com

About these ads

One Response to “Taariikhdu Waa Tusmada Nolosha “DigilMiriflow” Q-10aad”

  1. Doqankii Aw Digil Says:

    Go’aan uu Gaarey Doqonkii iyo Dameerkii Aw Digil oo weligiis Mirifle raran jirey ( http//www.Waaga Cusub.com)

    04 October 2010 Waagacusub.com-Kulan balaaran oo qeybaha Qoowmiyadda Digil ay ku yeesheen Muqdisho ayna ka qeybgaleen

    Aqoonyahano,Xildhibaano,Odayaal,Ganacsato, Culumaa’udiin iyo Saraakiisha Ciidamadda ayaa looga dhawaaqay qodobo xasaasiya oo ay kaga dhiidhiyeen sad bursiga joogtada noqday ee beesha Mirifle ay had iyo jeer ku duudsato xaqa Digil

    Masuuliyiinta ka qeybgalay shirka Muqdisho oo ay ka soo dhexmuuqdeen Xildhibaan Cali Afgooye,Xildhibaan C/qaalaaq iyo Xildhibaan Sheekh Axmed Fanax ayaa laga soo saaray qodobadaan:

    Hadii aan tusaalooyin ka bixino sadbursiga joogtada noqday ee Mirifle,Markii SDM la sameeyay 1991 oo Gudoomiye uu ka noqday nin Digil ah oo lagu magacaabo Cabdi Muuse Mayoow ayaa Mirifle diiday inay taageeraan kadibna waxay dhiseen urur uu madax ka yahay nin Mirifle ah.

    -Markii la tegay 1997 Shirkii Qaahira waxaa ka qeybgalay Wafdi uu hogaaminayay Abdulkadir Soobe oo dhamaantood ahaa Mirifle,wuxuuna sheegay inay metelaan Mirifle,shaqana ku laheeyn Digil.

    - Sanadkii 1995 waxay Mirifle sameeysteen Urur ay ugu magacdareen RRA oo ah Rahanweyn Resistance army,waxayna taas ku muujiyeen sida aysan Digil shaqo ugu laheeyn.

    - Sanadka markuu ahaa 2000 shirkii Carte lagu qabtay waxaa uu heshiiska dhigayay in Xildhibaanada loo qeybsado konton 50/50 hasse yeeshee Digil waxaa la siiyay %15,taasina waxay cadeeyneysaa sida xaqa DIGIL loo boobay iyadoo waliba Xildhibaanadii la qoray laftirkooda ee Digil lacag laga siistay kuraastii ay heleen.

    - Markii sanadkii 2002 la tegay shirkii Mbagathi ee awood qeybsiga waxay qorteen shan hogaamiye kooxeed oo dhamaantood u wada dhashay Mirifle,waana la diiday in Digil hal nin loogu daro,waxayna shanta nin kala ahaayeen Shaati gaduud,Sheekh Adan Madoobe,Shariif Saalax,Kiishbuur iyo Xaabsade.waxaana dhacday in Shirkii Mbagathi Digil la siiyay boqolkiiba shan iyo toban.

    - Sanadkii 2009 shirkii Jibouti waxay Mirifle dhaceen kursigii Digil ee Ra’isulwasaare ku xigeenka waxay maanta doonayaan inay isku qaataan Wasiiradda,Ra;isulwasaare ku xigeenka iyo Gudoomiyaha baarlamaanka,iyo saraakiisha Ciidamadda,Safiirada iwm.

    1- Beesha Digil iyadoo ka dhiidhineysa qodobadaan guracan waxay soo saareen warsaxaafadeed ay ku ilaalinayaan sharafta iyo karaamadda Digil.

    2-Waxay Digil ku baaqeeysaa inay Mirifle soo celiso kuraasta ay dhacday ee awood qeybsiga xaqa u siineyn
    3-Hadii Mirifle soo celin waayo kuraasta Digil waxay qeybaha beesha Digil cadeeynayaan in Isbaheysigii Digil iyo Mirifle burburay.

    4-Digil waxay dhisi doontaa maamul ay la wadagaayaan dadka degaanadooda kula abtirsada ee aan Miriflaha ahayn.
    5-Qoowmiyadda Digil waxay Madaxweyne Sheekh Shariif ka dalbaneysaa inuusan gacan ku siin kuwa doonaya inay boobaan xaqa Digil.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 32 other followers

%d bloggers like this: