Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo ka cabanaya Suuq la’aantii ugu darneyd,kadib markii Ciidamada Shisheeye ay sii kordhiyeen duqeymaha ay u geysanayaan Suuqa Bakaaraha.
Kadib markii Suuqa Bakaakraha uu marti u noqday Madaafiicda Ciidamada Shisheeye ay ku garaacaan ayaa waxaa madaafiicdaasi saameyn xoogan ay kuyeelatay ganacsatada wax ku iibisa gudaha suuqa bakaaraha, Kagagadaal markii madaafiicdaasi ay barakicisay dadkii wax iibsan lahaa waxaan haatana soo wajahday ganacsatada suuq la’aan baahsan.
Mad kamid ah ganacsatada kabaha ku iibisa oo maantay lahadlay Idaacada islaamiga ah ee Alfurqaan ayaa sheegay in ay soo wajahday suuq la’aan baahsan, taasi oo uu sheegay in ay sabab utahay dadkii wax iibsan jiray oo u barakecay duleedyada magaalada Muqdisho,iyo dadka haatan ku haray magaalada oo hadii ay suuqa ay u soo adeeg tagi lahaayeen kawal walsan madaafiicda joogtada ah ay Ciidamada Shisheeye la dhacaan suuqa.
“Markii hore oo dadka ay suuqa joogeen nalol maalmeed fiican ayaan heli jirnay oo waxaa laga yaabaa in maalintii ay noo gadmaan ilaa 12-joog oo kabo ah, balse hadda dadkii suuqa mayimadan marka waxaaba lagayaabaa in malintii oo dhan aanan wax kabaa gadin taasina waa dhibaato oo ilmo iyo xaasas ayaa inagu xariira” Sidaas waxaa yiri Mid kamid ah ganacstada Suuqa Bakaaraha.
Sidoo kale mid kamid ah ganacsatada dharka oo isna goobtiisa ganacsi kulahadlay Idaacadda Alfurqan ayaa tibaaxay in dhamaan ganacsatada suuqa Bakaaraha haatan ay xili xun ay kujiraan oo dhaq dhaqaaqooda ganacsi uu aad u liito. Isagoona tilmaamay in naxariista ilaahay aysan kaquusanayn wuxuuna ilaah karjayay indhibaatadan uu ilaah kadul qaado iyo madaafiicda ay Ciidamada Shisheeye ay sida araxan darada ugu garaacan xaafadaha kaladuwan ee magaalada Muqdisho.
Si kasataba ha ahaatee Madaaficda xoogan ay Ciidamada Shisheeye ay ku garaan xaafadaha kaladuwan ee magaalada Muqdisho ayaa saamaysay dhamaan adeegyada bulshada sida goobaha Ganacsiga ,Waxbarashada Caafimadka iyo dhamaan adeegyadii bulshada,Ayadoona haatan ay ganacsatada suuqa Bakaaraha ay walaac kamujinayaan sii wadista hoolohooda ganacsi.