Sidii ay RAXANWEYN u soo dhaweysey Mareexaan markii ay ka soo qaxeen Galgaduud

Dadaka dega gobolka Gedo waxey asalkooda kayimaadeen gobolada dhexe ee soomaaliya, gaar ahaan gobolka Galgaduud, sanadka markuu ahaa 1780 ayaa waxaa dhacay gobolada dhexe abaar aad u daran taasoo waxyeelo ba’an u geeysatay dadkii iyo xoolihii.
hadaba dadkii halkaas degenaa waxey go’aan kugaareen ineey isaga hayaamaan halkaas abaartu kudaba dheeraatay.

hadaba waxeey iyaga iyo xoolahoodaba usoo hayaameen oo afka soo saarey dhinaca gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe, hadaba dadkii degenaa gobolka Hiiraan waxeey go’aansadeen ineeysan soo dhoweeynin oo eey dejinin dadkaa ilaa iyo 150 ka qoys ahaa iyaga iyo xoolahoodaba.

sidaa iyo silamid ah ayeey misna dadka degenaa Shabeelaha dhexe ugu diideen ineey degaameeyaan ama barbixiyaan dadkaas walaalahooda ah ee soo qaxay kana soo qaxay abaarahaas kudaba dheeraaday,
waxeey dib ugu soo laabteen dhinaca gobolka Hiiraan waxeey soo mareen jidkii dheeraa ee Tiyeegloow, Hudur ilaa iyo waxeey socdeen ilaa iyo Buurdhuubo.

kadib markii qabaa’ilaadkii degenaa meesha eey fadhi wada yeesheen waxaa la go’aamiyay in ladejiyo dadkaan walaalaha ah ee soomaaliyeed.

waxaana ladejiyay degaanka eey lahaayeen dadka ku abtirsada qabiilka Gasaarguthy sidii ayaa lagu dejiyay iyagoo markii hore ahaa ineey joogaan inta dhulkooda uu ugu da’ayo roob oo eey barwaaqo uga noqonaayo, laakiin waxeey noqdeen dad aan meel u socon iskaba daa ineey dib u laabtaan waxey u yeerteen inta xigtadooda aheyd ee jiray gobolka Galgaduud gaar ahan Caabudwaaq.

degaankii wuxuu noqday mid eey kusii fidaan, hadaba dadka ilaah naxariista u dhaliyay ee lahaa dhulkaas ineey waxba u arkin dadkaas dheeriga ah ee kusoo badanaya deegaanaas, waxeey socotaba arinta waxaa lagaaray sanadkii 1969kii xukunka lagula wareegay afgembigii uu madaxda ka ahaa Maxamed Siyaad Barre.

hadaba markii uu xoogeeystay xukunkii keligii taliyaha ahaa oo uu ogaaday in awoodiisa eey aad u adkaatay, dadkii degenaa gobolka Gedo waxeey noqdeen kuwa lasoo baxa kibir iyo isla weyni,
waxeey iloobeen in lasoo dhoweeyay oo ladejiyay, sidoo kale waxeey bilaabeen in eey fidaan kuna fidaan ilaa iyo Luuq markeey aad ugu fideen Luuq ayeey hadana aadeen dhulkii barwaaqada ahaa ee jameecada Baardheere,

waxeey bilaabeen ineey beerihii halkaas si tartiib tartiib ah ugu fidaan. marka dadkii intaas wanaag ah loo sameeyay maxeey abaalkii kadhigeen ineey kugudaan oo eeyna yiraahdaan DigilMirifly waxeey kala yihiin Digil+Raxaween waana dad aad u tiro yar oo ah beeraleey,

hadaan ladahlo qofka qoraalkaas qoray ee kasoo jeeda qaxootigii loo sameeyay did u dejinta sanadka markuu ahaa 1780kii ma wuxuu war u heeynin in aan awoowgiisa aniga dejiyay dhulka eey maanta degenyihiin, waa Kuray yar oo aan aqoon Qabaa’ilaadka Soomaaliya sida eey u kala badanyihiin iyo sideey u kala degaan,

waa Kurayga yar ee kala saaray hal Qowmiyadood oo kadhigay laba Qowmiyadood kuwaasoo ka dhigay Dir iyo Isaaq, waa u garaad xumo inuu diyaariyo oo uu qoraal kasameeyo wuxuusan aqoon u laheeyn,
mida kale waxaa ka maqan in DigilMirifly eey leeyihiin dhulka Soomaaliya inta ugu baaxada dheer uguna barwaaqeeysan,

mida kale waxaa kamaqan Kurayga yar in Dadaka DigilMirifly eey leeyihiin Laga bilaabo Masaajidka Marwaas ilaa iyo Dooloow, Masaajidka marwaas ilaa iyo Dhoobleey, Masaajidka marwaas ilaa iyo Buula xaawo.

hadaba inankaaga aqoonta eey kuyartahay waa inaad horta soo barataa Qabaa’ilaadka Soomaalida sida eey u kala badanyihiin iyo Degaanada eey kala degaan, Kurayahoow eey jaahilnimada ku fogaatay waxaa kuu dheer akhlaaq xumo waxaad xoogteen idinkoo ah 4 ruux gabar Soomaaliyeed oo nadiif ah, idinkoo ku faanaayay awood danbe oo og in aan waxba leeydiinka qaadi karin.

hadaba waxaan jeclaan lahaa inta lagu maxkamadeeyo oo xabsi dheer lagu geliyo, iska daa inaad wadanka xukun kaqabato, waxaan lahadlaayaa ninka wato qofkaan jaahilka ah ee raba inuu Ra’iisal wasaare kadhigto Shariif sheekh Axmed adiga ayeey aqoonta kugu yartahay hadaad keento qof kula mid ah wadanka ma u keeni kartaan horumar mana kasaari kartaan dhibka dabada dheeraaday ee shacabka soomaaliyeed daashaday?

jawaabtu waa maya hadaba hala raadiyo dad aqoon leh oo wadanka kasaara dhibka maanta eey kujiraan uma baahna soomaaliya maanta dhib dambe waxay ubaahan yihiin inay helaan dad Aqoon leh oo dhibka kasaara kuwaasoo ka fog, Qabiil & Cuqdad .

About these ads

9 Responses to “Sidii ay RAXANWEYN u soo dhaweysey Mareexaan markii ay ka soo qaxeen Galgaduud”

  1. Mr Ahmed Ali Says:

    Wararkii ugu danbeeyey oo dhinacyo badan ayaan idiin haynaaa, aqristayaasheena qaaliga ah, warkii ugu danbeeyey maanta magaalada Mudisho, taasoo ay noo soo tabinayaan dadka aadka uga agdhow madaxtooyada,

    Maantay abaarihii duhurnimadii lagu amray inuu ka soo jawaabo warqadii ay soo qortay maxkamada sare. oo ahayd inuu shariif xasan ka dhigo codka habka gacantaaga kuna cadeeyo warqadaas inuu gacantaag ka dhigi doono. hadaba waxay arintani cajiib ku noqotay dhinicii shariif xasan taageersanaa.sida la sheegay shariif xasan waa uu ka biyo diiday warqadii maxkamada sare soo qortay waxuuna qalika xaga danbe warqada ku duugey codeyntu waxay noqoneysaa (Qarsoodi). waxaana halkaas oo madax tooyada ka dheshay xiisad colaadeed oo uu isla markiiba uu dalbaday gudoomiyaha barlamaanka ciidan dheeraad ah oo isaga amaankiisa suga. waxaana markiiba soo gaaray ilaa iyo todobo tikniko ah, waxana laga baqayaa xaaladu iney isu bedesho gacan ka hadal.hadii ayna beesha caalamku dhaqsay u soo gaarin.

    Waxaa kale oo aan idiin haynaa aqristayaasheena qaaliga,xogtii ugu danbeysay aanu ka helnay hada abaarihii shantii galabnimo inuu qorshaynayo madaxweynaha soomaaliya siduu xiriirkii diblomasi ugu jari lahaa dowlada Ethiopia, ka dib markii laga codsaday markale inuu yimaado shirka ka dhacaya Ethiopia.

    Madaxweynaha Soomaaliya sheekh shariif, uu ku gacan sayray uuna yiri mardambena ha isoo wacanina xiirkii diplomasina waan jarayaa, isagoo aad u xanaaqsan. siday wararku sheegayaan ayaa laga yaabaa in uu shariifka ka dhabeeyo warqadna ka soo saaro uu xiriirka labada dal ku jarayo.

  2. Dr.Adiidey Says:

    a/c horaa abwaan u yiri ‘Wan i siyego waran ii surow mili widaayaaw. Haani waasho bariyowkidiidi ni mili widaayaw’ waxaan ulla jeedda futto xaar ma deyso aqoon geelley waa doobadda rattiga qooqan oo marka la qallaa aan la helin(la arkeyn) hadabba nin tahriib Italy u socday oo suuddan kaga jajabtey oo CV been ah so qatey iyo nin gaashaantta gaddaanka (Haanta) iiga soo bixi guusha siyaad baa leh. ku yimid midna qaran xal uma ahee inta aan alle idin qarinin Quramadaas qaraar ka gaara

  3. ahmed salaad Says:

    saxiib ilaah kabaqa oo iskadaya hadalada daciifka ah ee somali horimar kagari weysay oo ah waxaa lenahay masajidka marwaas ilaa dhobley mar.dhobley mar. b’xawo saxiib waxaad shegaysid waxkuu aqoonsan majiree ilaah ka cabso xayaban jahil ohoo waxba ogeen baadtahay qormadaas waxaa qoray qofcadifadaysan so realy .,,p

  4. Hassan Says:

    Waa Runtaa walaale, haddii Somalia ay run isu sheegi laheyd dhibkaan ma dhici laheyn, Mr. Ahmed Salaad, adigana waxa ay ila tahay in caadhifad Qabiil ay ku heyso, maxaa yeelay waxaad in kireeysaa xaqiiqda dhabta ah ka jirta Koonfurta Somalia, oo looyaqaano in dadka ugu badan oo daggan ay Yihiin , Shacbiga loo yaqaano Digil & Mirifle, oo ay dadkana soo dhoweeyeen oo hadda sheegto dhulkaas, taasna wax xun ma ahan haddiiba uu ixtiraam jiro

    Dadka soo dagay & dadka soo dajiyeyba waa dad u qalma dhulkaasi, haddii loo daayo Dhaqankooda, waligoodba nabad ayaa dhax taalay, markii laga saaro, oo u soo guuray nimanka ka yimid dhinaca Gobolada dhexe oo ku qabiilka ah, oo Geel jire ah, Xukuna jecel, taasina qof kasta ayaa og.

    Waagii Hore Dowlad ayaa idin difaaceysay, oo idunka umbaa heestay HUB, maanta se ogaaw waana lagaa Tira badan yahay waana lagula heestaa, Xiilo haddaad diiddo, Xoogna waxba kuma heleeysid, Sabarka waa ka dhamaaday Ummadda Digil & Mirifle, la imoow waxaad la imaan kartid diyaar ayaan u nahay.

    Labaduba waa Naqaanaa, Dagaal Ama Nabad.

  5. Samadoon Says:

    ACWB:akhyaarey wa is daalinaysan marka hore kan dhahay from marwas illaa dhobley illa b/xawo isgaaba is qarxinaaya yaa u diidan inuu le eyahay sow somali ma ahan?Tan kale Pro:M SH.Muqtar ayaa hadda ka hor dhahay practical evidence haloo helo in dadkaan la soo dejiyay hadda ka hore means pro wuxu cabiraayay in ay tahay sheekooyin la sameeyay oo qabiil ku base-garaysan.Tan kale dhib ma leh in la dhaho beel hebel ayaa leh meeshaas qof kasta o somali ayaa sheegan karo aniga Baydhabo ayaan ku dhashay aabaheey iyo awoowgeeyna baydhabo ayay ku dhasheen D/M ma ahi yaa ii diidayo?wax caddayn ma loo hayo in la soo dejiyay dad dhulkaan wax qoran ayaa la rabaa laakiin malo awaal ma fiic no tan kale B/DHEER waa balad ajuuraan lee maqli jirnay intee D/M ka soo galayna mid sub miyaa kkkkkk kaftan waaye intaas.Somali diin ayay isku raaci kartaa qabiil haddii macaan lee yahay soomali aan ka arki laheen somali waxay dhahdaa TUBAAKO HADII MACAAN TAHAY H/GIDRI WAA LIQI LAHAYD KKKKK
    D/M bay iyo bakool waa idinku filan yahay noo soo buuxiya horta halkaas kkkk CFIS Akhyaareey ILOVE BAYDHABO

  6. ALI Says:

    SAXIB SAMADOON WAA LAGU GARTEY HORTA DHIBAATADA DIGIL MIRIFLE LOOGEESTEY WAXAA KA MASUUL AHAA DAD LA SOO DHAWEEYEY ILA HADA WAAN IDIN FAHANEY NIN MEESHIIS AYAA OW ADAYAA AMA KU DHASHO AMA SOO DAG WAXAAD KU DEGNAANEYSAA GABIILKAADA SHEEGASHADII WAA DHAMAATEY QIYAANO AYEY AHEYD HADA SHACAB KU AHOW HADA WADAMADAAN YURUB WAXAA LAGAATAA DHALASHO WAA LA SHEEGTAA OWOOWAYAASHEEN GALAD WEYN AYEYSAMEEYEEN WAXA AY AHEED IN LALA SOCDO HADII WAX GALAD SAMEEYO IN LA TARXIILO SHARCIGANA LAGA GAADO

  7. Samadoon Says:

    ACWB:ALI SAXIB SALAANTA ISLMAK SALAAN KA DIB SOMALIDA WAXAA AY DHAHDAA RIYO HADDII AY DUBUR AY WAX CESHEDAN LEE YIHIIN DABADEEDA AYAY KU DADAN LAHAYD.BROTHER KHIYAALI AYAA DADKA SOMALIDA AY U DHIMAN DOONAAN INTA AA KUWAAN SOO GEDJINAYNSAAN MAXAA KUWIINA U DEJIN WEYSEEN SU’AAL MACQUUL AH WAAYE WAX AAN KU WEYDIINAAYO KKKK(kaftanka wa furun yahay)

    Haddii ay wax un ka jiraan waa la arki ifafaalaheeda waxaa dhab ah qolo kastaa meesha ay ugu badan tahay ayay degan tahay waxaana u arkaa marka bay iyo bakool maxaatiri maamulka aa ku dartaan ayaa la idinku darayaa banadir,shabeeloyinka juboyinka iyo gedo.runta waa gaari doontaan sx fiiri allidamaale.com kkkkkkkkkkkkkkkk article maanta lagu soo qoray 100% wuu saxn yahay

  8. cali Says:

    Walaleyaal meshaan waxaa iskugu timid inti somaliugu caqliga lidatay intan u soo joga Raxaanweyn MAREXAAN AYA qudin jiray kuna amalan jiraay wana la wada ogyahay marexaan hadi uu gacan idin qado in aad 10 danbe iidna ka soo waqsaneyn ee waxaad ku jitaan ka baxaa reyada qiyaaliga ah

  9. Wadani Says:

    Shaqsiga qoraalkan qorey waa shaqsi maanka iyo maskaxdaba ka jiran, wuxuu kala garan la’yahay qabiilka iyo soomalinimada ee waqti ha isaga dhuminina. Ilaahay caqliga ha usoo celiyo islaamkana ha ku toosiyo intaas markuu ilaahay qalbigiis ku duwa isagaa garan doono waxa uu ku sugan yahay. Allaaw hanuuni aamin…….

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 49 other followers

%d bloggers like this: