War Deg Deg ah: Madaxweyne Shariif iyo gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan oo si-xun iskugu hanjabay iyo Shariif Xasan oo sameystay ilaalo Digil iyo mirifle ah

Dowladda kmg ee Soomaaliya oo wax-qabad wanaagsan laga sugaayay ayaa afka kala furatay, iyadoo ay iminka isku soo jeedsadeen labadii masuul ee ugu sareysay dowladda, kuwaa oo ahaa laba shakhsi oo si-aad ah iskugu dhawaa.

Madaxweyne Shariif oo nin samir badan ah ayaa afka kala furtay, isagoo si caro leh ugu kacay gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay cid walba oo Soomaali ah ay garan weyday, halka uu wax u wado iyo sida uu wax u doonaayo.

Shariif Sheekh Axmed ayaa ku hanjabay in uu talaabo adag uu ka qaadi doono gudoomiyaha baarlamaanka, isagoo si kulul u sheegay in uu Shariif Xasan yahay nin Qaran dumis ah, aan dooneyn in dowladda ay wax u qabato shacabka.

Madaxweynaha oo laga dheehan karay caro tii ugu darneed ebid ayaa sheegay in aysan isaga iyo Shariif Xasan ku wada hooyan doonin aqalka madaxtooyada ee Villa Somaliya, haddii uusan wax ka badalin Shariif Xasan hab-dhaqanka cusub ee uu lasoo baxay.

Sidoo kale garabka taabacsan madaxweynaha oo dhabarka kasoo riixaaya ayaa u muujiyay madaxweynaha xumaanta Shariif Xasan iyo qaladaadka uu aallaaba la-daba jooggo xukuumadda uu madaxweynaha ka yahay, isla-markaana madaxweyne Shariif ayaa iminka u muuqda mid hurdada ka kacay.

Dhanka kale Shariif Xasan oo aan sidaasi u hadlin ayaa hadalo yar-yar ku duqeeyay madaxweynaha, isagoo sheegay in nooca madaxweyne Shariif oo kale in uusan waxba ka qaadi kareen marnaba, isagoo intaasi ugu daray in uu cagaha dhulka dhigto, haddii kalana la-kala bixi doono.

Xaaladda labada Shariif ayaa waxay mareysaa halkii ugu darneed ebid, iyadoo aan la-ogeyn waxa uu ku dambeen doono mustaqbalka dhaw iyo kan fogba labada Shariif oo iyagu la-sheego in ay yihiin rag xidid ah.

Dhanka kale Gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay iminka isku kacsan yihiin saxibkii ay sida wanaagsan iskugu fiicnaayeen ee madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

Shariif Xasan ayaa la-xaqiijiyay in uu sameystay ilaalo u gaar ah, kuwaa oo wax badan ka duwan kuwii horey u ilaalin jiray oo isku dhaf ahaa, isla-markaana ilaaladaan ayaa waxaa la-sheegay in ay u soo xuleen xubno ka tirsan baarlamaanka xukuumadda kmg ee Soomaaliya oo kasoo jeeda gobolaa Bay iyo Bakool.

Ilaaladaan ayaa waxaa la-sheegay in ay aad iyo aad u hubeysan yihiin tababaro kala duwan ku soo qaatey Ugandha iyo Itobiya ayna kasoo jeedaan Beesha Digil iyo Mirifle, waxaana la-sheegay dhaq dhaqaaq kasta oo u sameynaayo gudoomiyaha baarlamaanka in ay daba-socdaan oo aysan ka harin, tirada ayaa lagu qiyaasay 150 will oo aad dhalinyaro u ah.

Sidoo kale tani ayaa muujineysa in xaaladda aysan ahayn mid wanaagsan, kana duwan sidii hore oo ay ku dhisneed xukuumadda kmg ee Soomaaliya, waxaadna mooddaa in ay dhamaatay kalsoonidii diirneed ee ka dhexeysay madaxda sar sare ee dowladda.

Dhanka kale shacabka ku dhaqan magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho oo ku jah-wareersan siyaasadda cakiran ee ka dhex taagan masuuliyiinta sar sare ee dowladda, ayaa waxay isweydiiyeen in masuuliyiinta dowladda ay yihiin rag caruur ah iyo in ay iska ciyaarayaan.

Marka aad u fiirsato xaaladda ay ku sugan yihiin masuuliyiinta sar sare ee dowaldda ayaa waxaa hubaal ah in aad niyadda iska dhaheyso, kuwaani maaha kuwa istaahila in ay hogaamiyaan shacabka Soomaaliyeed oo aad ka argagaxeyso hubka cul culus ee lagu dhameynaayo, isla-markaana shacabkii ayaa waxay noqdeen kuwo lugaha beella, kuwo gacma beella, kuwa ay soo gaartay dhaawacyo halis ah oo aysan ebid ka kici doonin, halka kuwii kalana ay noqdeen kuwa lagu habsiiyay ciidda.

About these ads

One Response to “War Deg Deg ah: Madaxweyne Shariif iyo gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan oo si-xun iskugu hanjabay iyo Shariif Xasan oo sameystay ilaalo Digil iyo mirifle ah”

  1. Xirsi Dhoore Says:

    WARKAAN WAA LAGA BAD BADIYEY OO LA BUUN BUUNIYEY, XAGEE BEY JOOGAAN CIIDANKA MIRIFLE ?

    LABADAAS TUUGO WAXAA ILAALIYA KELIYA CIIDAMADA UGANDHA EE AMISOM OO AY U YIHIIN PUPPTS IYO MAXAABIIS MAGAC DAWLAD LA SIIYEY, LAAKIN AYSAN WAXBA XUKUMIN, ADEER.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 49 other followers

%d bloggers like this: