War Deg Deg ah: Wasiirka Haweenka ee Dowlada Soomaalia Drs. FOWSIYO, DIGILMIRIFLE GO,AAN CAD AYUU GAAREY

Wasiirkii Horumarinta Haweenka & Daryeelka Qoyska Drs. Fowsiyo Maxamed Sheekh Xasan oo ka soo jeeda Digil & Mirifle oo wareysi kulul siisey Idaacadaha Wadajir, Radio Muqdisho, Baidoanews.com, Hornafrik & Arlaadi ayaa waxay sheegtay in Digil & Mirifle xildhibaanadooda ay gaareen Go,aan loo wada dhan yahay.
Fowsiya waxay sheegtay inay aad uga xun tahay in kuwo waxmagarad ah ay xildhibanada uga hanjabeen inay dilayaan, xirayaan hadii aysan joojinin go,aanka adag ee ay qaateen balse waxay u sheegtay in DM aan marti ku aheyn Muqdisho balse ay yihiin shacabka Muqdisho ugu badan, Ciidamada dowladana 75% ay yihiin Wiilasha Digil & Mirifle.

Mar ay ka hadleysay Nidaamka dowliga ah ayaa waxay sheegtay inay haboon tahay in la kala fahmo micnaha Power Sharing isla markaana la fiiriyo qowmiyad dhan oo meesha ka baxda iyo shaqsi meesha ka baxa tayadooda.

Waxay baaq u direysaa Fowsiyo Xildhibaano wata Magaca DM oo hadana Hunguri dartiisa la rabo in dhiigooda la cabsiiyo, waxayna tiri Walaaliyaal kaaliya oo noo imaada hadii aad tihiin dad SAX ah oo ka dhashay Qowmiyada. Waxay kaloo tiri xildhibaano badan oo nagu mowqif ah oo qabiilo kale ka soo jeeda, sida Prof. Afrax oo Abgaal ah, Cabdi/Shakuur oo Habargidir ah, Jurile oo Daarood ah, IBBI oo dir ah iyo kuwo badan oo aan inta ku soo koobi kari , ayay tiri Drs. Fowsiyo.

Si kastaba ha ahaatee waxaa lagu wadaa saacadaha soo socda ee maanta in shir balaaran oo saxaafaduna looga yeerayo ay qabtaan Dhamaan Xildhibaano badan oo kala qabiil ah, Xaq u dirir ah, kaa soo lagu shaacin doono go,aanka ah inay ka baxayaan Dowlada hadii Farmaajo meesha lagu sii haayo!!!

About these ads

2 Responses to “War Deg Deg ah: Wasiirka Haweenka ee Dowlada Soomaalia Drs. FOWSIYO, DIGILMIRIFLE GO,AAN CAD AYUU GAAREY”

  1. Warmoog Xaaji Says:

    HORTA SOMALIDA MA LA SOCOTAA QAABKA AY FOWSIYO KU NOQOTEY XILDHIBAAN?

    WAXEY KU TIMID BEEC AY KA GADATEY BOOSKA 4TII QAB QABLE DAGAAL EE RRA , WAXEYNA SIISATEY IN KA YAR 10,000 DOLLAR IYADOO KA TIMID DUBAI , SIDAASNA AY KU NOQOTEY SIYAASI.

    WAA QOF AAD IYO AAD U RABTO INEY KA FAA’IIDEYSATO MUSIIBADA IYO DHIIGGA DIGIL IYO MIRIFLE, WAXII AY KA HESHANA SIISO NINKEEDA OO KA SOO JEEDO BEESHA HABR GIDIR.

    MARKA WAA NASIIB DARRO INEY MAANTA DAGAAL IYO COLAAD KU HANJAMTO IYADOO GADEYSA DHIIGGA MASAAKIINTA EELAYDA AH OO RABTA INEY MANSAB SIYAASADEED KU HESHO, WAA U AYAAN DARRO DIGIL IYO MIRIFLE, WAANA U AYAAN DARRO SOMLIA OO DHAN.

  2. ali Says:

    adiga horta yaa kuu dirsadey meesha siyaasada kaga soo gashey taada ka kashageyso dadka xawaashooda cid kuu dirsatey malaha waxaa tihiin tuug tuug kale ayaan idin helney shariif korrrrrrrrrrrrr tuugo tuug baa loo diraa filinkiin waa qarxay waa la idiin fahmey hadaad wadaad keentaan wadaad ayaan keeneynaa
    wixii hore waa dhamaadety

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 48 other followers

%d bloggers like this: