Waxaa sii kordhaya qaasaraha dagaaladii iyo duqeymihii xalay ilaam maanta ka dhacay qeybo ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho kaasi oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo garabsanaya kuwa AMISOM iyo Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab.
Kadib markii xalay ilaa iyo maanta dagaalo iyo duqeymo xoogan oo u dhaxeeya dhinacyada isaga soo horjeeda ay ka dhaceen degmooyin dhowr ah oo ka tirsan gobolka Banaadir ayaa waxaa soo baxaya faah faahin dheeraad ah oo ku aadan qasaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay dagaalada iyo duqeymahaasi.
Inta la’ogayahay 8-ruux ayaa ku geeriyootay 27-kalana waa ay ku dhaawacmeen dagaalada iyo duqeymihii xalay ka dhacay degmooyinka Hodan, Howlwadaag, Boondheere, C/casiis iyo Shibis goobahaasi oo ah meelo ay isku horfadhiyaan ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya oo kaa shaanaya kuwa AMISOM iyo Xarakada Mujaahidiinata AL Shabaab iyo Xisbul Islaam oo iyana isku dhinac ah.
Dhamaan dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay dagaaladii iyo duqeymihii saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir ayaa waxaa ay yihiin dad rayid ah oo rasaasta ugu tagtay xaafadahooda.
Cali Muuse Sheekh oo ah Madaxa gaadiidka gurmedka deg dega ee AMBALASTA oo ay Idaacaddaha Shabeelle & Waajid la xiriirtay ayaa waxaa uu sheegay qasaaraha ugu badan in ay ka soo qaadeen xaafadaha Sanca, Suuq bacaad iyo agagaarka Carwo Liimo oo ka kala tirsan degmooyinka Howlwadaag iyo Yaaqshid ee gobolka Baanadir.
Dhaawacyada dadkii wax ku noqday dagaaladii xalay ilaa maanta ka dhacayay magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagaarsiiyay Isbitaalada magaalada Muqdisho, kuwaasi oo xaaladooda caafimaad iminka lagula tacaalayo xarumaha caafimaad ee lagaarsiiyay.
Warar kale: Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo), ayaa beesha caalamka ka codsday inay gacan ka siiyaan xukuumaddiisa dagaal ay la galayso kooxaha Islaamiyiinta ah ee kasoo horjeeda, gaar ahaan Xarrakatul Shabaab.
“Taageero aan caalamka ka helno, waxay qayb ka qaadan kartaa xal u helidda colaadaha Soomaaliya ka taagnaa muddada 20-ka sano ku dhow,” ayuu ra’iisul wasaare Farmaajo u sheegay wariyaha BBC-da Andrew Harding oo Muqdisho booqday.
Mr. Farmaajo oo 48-jir ah, muddo dheerna ku noolaa dalka Mareykanka, ayaa bishii hore loo magacaabay ra’iisul wasaaraha dalka Soomaaliya oo ay hareeyeen dagaallo, burcadbadeednimo iyo afduubyo.
“Xukuumadda aan soo magacaabay, waxay wax ka badali doontaa xaaladda dalka uu ku sugan yahay, waana ku kalsoonnahay xubnaha aan wasiirrada ka dhigay inay yihiin kuwo aqoon iyo karti u leh xalisinta Soomaaliya,” ayuu Farmaajo ku sheegay hadal uu jeediyay markii la ansixiyay xukuumadda cusub ee Soomaaliya.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi, ayaa horay u sheegay inuusan wax wadahadal ah la galayn kooxaha ka dagaalama Soomaaliya, gaar ahaan Al-Shabaab oo uu ku eedeeyay inay xiriir la leedahay Al-Qaacida ayna dagaalyahanno shisheeye ah ka barbar dagaalamaan.
Xarrakatul Shabaab iyo Xisbul Islaam, ayaa iyaguna dhankooda horay u sheegay inaysan wadahadal la galayn xukuumadda cusub, balse ay dagaal kala hortagayaan, iyagoo sheegay inay ka itaal daran tahay xukuumaddii ka horreysay.
Hadalka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, ayaa imaanaya iyadoo Madaxweyaha Uganda oo toddobaadkan booqday Muqdisho, uu sheegay in beesha calaamka ay dayacday xal u helidda arrimaha dalka Soomaaliya, sidoo kalena aysan u arag xasaradaha Soomaaliya ka taagan kuwo khatar ah.







