Waxaa kaloo ay bilaabeen markii la maqlay in Toban sano ka dib xornimo la qaadan doono sidii caadada u ahayd gumaysigii iyo kaba qaadayaashiisii sii adkeeyeen adoonsigii lagu hayey DigilMirifle, iyo in ay beero u saxiixaan, asagana waa Talyaanigiiye uu maabka aduunka uu ugu qoro in Baso Juba ay degan yihiin Mahaatiri sida Kismaayo. Heshiiskaas markay saxiixdeen ayaa la jirayaashii waxaa laga balan qaaday in wax la baro lana geeyo Italiya.
Talyaanigana uu uga dan lahaa inuu helo dad gudaha Talyaani ka ah, korkana soomaali ka ah, wuuna helay dadkaas waxayna u meel mariyeen ujeedooyinkii uu ka lahaa dhulka DigilMirifle.
Isla sanadkii 1949 Moos dhoofintii la bilaabay ilaa iyo hada ay socoto taa ayaa ka mid ahayd balamadii ay kala galeen, waxaa kaloo ka mid ahaa in dhul la siiyo oo beero looga dhigo laguna magacaabo Azzendo ayna ku beertaan wax alla waxa ay u baahdaan aana laga qaadin wax canshuur ah, halka kuwii dhulka u dhashayna ay canshuur ku joogaan hadii kale dhulka lagala wareegayo.
Kuwii uu Talyaaniga u saxiixay dhulalka la dego (Magaalo) ayaguna sidii ayey ku degeen meeshii maabka aduunka looga qoray oona loo meel mariyey in ay iyagu degaan dhulkan loona sharciyeeyey. Kuwii dhulka loo sharciyeeyey waxay bilaabeen in ay si xun ula dhaqmaan dadkii degenaa ayagoo u isticmaalay Dil, Dhac, iyo Baro kicin, waxaana ay bilaabeen in ay dadka ka baxsadaan guryahooda isla markaana beerahoodii xoog oogala wareegaan iyadoon jirin cid ka dhicisa fal xumada ay wadeen, taasna waxaa ku kaalmayn jiray Aabahood Talyaani oo isagana ku xirnayd danihiisa.
Waxaa kaloo aan shaki ku jirin qof u hanqal taaga waagii baryaba xoolo dad in aan lahayn dhaqan fiican oo lagu dayan karo. 1949-ki tii qabsatay DigilMirifle ayaa maantana ayadoo weji kale wadata loola yimid.
Shirkii carta kadib ayaa waxaa Ismaciil Cumar Geele iyo Cabdiqaasim Salaad Xasan qalinka ku duugteen tii Talyaanigii iyo kabaqaadayaashiisii ay wada saxiixdeen oo kale, heshiiskaas oo ahaa in:-
A- Ismaciil Cumar Geele la siiyo dhul beereed aad u wayn oo ka haqab tiro lacagtan faraha badan ee qalaad ee gaaraysa Laba milyan $ 2,000.000 oo doolar sanad kasta oo ooga baxda keliya khudrad, waxaana la ogsoon yahay oo hubaal ah in dhul baaxad wayn looga baneeyey Shabeelada Hoose, waxaana hakad geliyey kacdoon ay sameeyeen dadkii dhulka lahaa oo ka soo hor-jeestay arintaas. In badan Soomaalida waxay aaminsan yihiin In Geele daacad ay ka tahay in Soomaaliya heshiiso laakiin arinka sidaa aad ayuu uga fog yahay, DigilMirifle waxay ku maahmaahdaan “Laf Eey Ku Noogi Waraabi Ing Usubti” taas oon ula jeedo Talyanigii iyo la-jirkiisiiba meel ay ka quusteen ayaa waxay u cusub tahay Geele iyo ina Salaad Booy.
B- Kan loo saxiixay Cabdiqaasim waa in uu qabiilkiisa degaan uu u helaa, meeshuu geeyana aan lagala hadlin oo aan la oran ka soo saar qoladaada, uuna dejinaayo qabiilkiisa Ceyr inta u dhexeysa Shabeelada hoose iyo Jubada hoose.
Sida ay Soomaalida wada ogsoon tahayna waxaa Cabdiqaasim iyo qoladiisaba ay xoog ku haystaan guryo ay masaakiin leeyihiin dadkii guryaha laga xoogayna ay seexdaan banaanka, waxaana la wada ogsoon yahay in shirkii Carta la isku soo af gartay in Cabdiqaasim ka saaro qabiilkiisa meelaha ay xooga ku haystaan, uuna ku balan qaaday in Seddex bilood gudahooda ooga soo saari doono.
Soo saarid iska daaye wuuba kordhiyey, markaa kii lahaa dawlad baa ii dhalatay, kuuma dhalan ee waxaa kuu yimid mid soo maryo dhigtay oo doonayaan ayagoo huwan qaran in qabiil kugu gumaadaan, waxaa kaloo la isku af gartay in dawlada loo qaybsado sinaan oo macnaheeda yahay Shantii qaybood ee Somalida loo qeybiyey, qeybtiina Shan waziir qaadato waxaana dowlada ka koobnayd 25 waziir.
Waxaanu aragnay in dadka lagu magacaabay “Others” qaybtoodii shanta aheyd laga siiyey hal waziir, xagee baa afartii kale la geeyey hadey sinaan jirto.
Qore: Isaak Eeding Hassing (Isaak Doolow)
isakdoolow@yahoo.com
November 28, 2010 at 12:05 pm |
ISAAK DOOLOW ILAAHEY KHEER KU SIIYA WAAD DADAASHEY GARABKAADA ILEY HAGALO SAXIB .HEEWII DILI HOOLIS GALIDI HANKUDHEER.KUKUUSOW NAMBI KOLSHE .INAGA HADA AYAAN RABNAA INAAN SALAADA AAN BARNO .DHUUSMAREEB AYAAN UGU TAGNEY ANAGA XOOLAHOODA KAMA DHACEYNA WAXAAN LEENAHAY DUKAANKAADA SOO XIRO EE SOO TUKO .IYAGANA WAA TII AY DHICI JIREEN.
November 28, 2010 at 4:01 pm |
indha adeegooda maalintii iigu yaab badneyd qoryooley ayaa waxaa ku dagaalamey gare iyo cayr Raadiyeyaashii ceyrta iska leheyd shabeele iyo horn Afrika iney faafiyeen in qoryooley burcad soo weerartey iyo booliska gobolka wada dagaalameen Booliiska gobolka waa ceyr burcadiina waxaa laga dhigey Gare oo dagaanka iska lahaa waa yaabka yaabkii
November 28, 2010 at 5:40 pm |
KKKKKKKKKK KKKKKKKKKK KKKKKKKKKKKKKK KKKK
QORYOLEY SOW MA AHAN HALKA AY SIKU HAYSTEEN GARRE IYO JIIDDO?
SOW MA AHAYN MAGAALADA AY LABADAAS BEEL UGU KALA DHUUMANAYEEN INEY U SHAQEEYAAN MOORAYAANTA HABAR GIDIR?
SOW MA AHAYN QORYOOLEEY GOOBTII LAGU IIBIYEY DHUL BEERAADKA AY LAHAYD BEESHA TUNNI OO UU KU IIBIYEY SULDAANKII HORE EE JIIDDO ? KA DIBNA DAGAAL LAGU KHASAAREY KA DHACEY HALKAAS? ISAGOO SULDAANKA LAGA DUUBEY CAJAL VIDEO AH MARKII LACAGTA LA SIINAAYEY, KA DIBNA HABEENKII XIGEY LACAGTII LAGA BILILIQEYSTEY.
GARRE SOW MA AHAN KAN HADDA KU HAAYO CEYR ( XISBUL SHEYSAAN ) EE XASSAN DAAHIR AWEIS DEEGAANKA AFGOOYE , TOORE TOOROW ILAA IYO MEEL U DHOW WANLE WEYN?
WAR UMMADDA RUNTA U SHEEGA SI TOOS AHNA UGU TILMAAMA XAQIIQDA KA JIRTA DEEGAANNADA AY MIRIFLE IYO DIGILBA QOLOBA MARKEEDA UGA IIBSANEYSO BEELAHA HUBEYSAN EE HABAR GIDIR, IIMAANKA ILAAHEEY HA U SOO CELIYO DIGIL & MIRIFLE WAA BEEL GAAJO IYO MACAASIGA ILAAHEEY HORTOODA TAALLA.
November 29, 2010 at 1:13 am |
Maamow waa runtaa waxa aad sheegtay oo dhan. Dhibaatooyinka Digil iyo Mirifle haysato waxaa ugu wacan kuwooda hor boodaayo sida Warlordadii, indheergaradyo iyo ha ugu darnaadeene Suldaamo. Sidii ay wax u dhaceen ayaan soo koobaya inta aan ka xusuusto:
1. Waagii dawladii beenta lagu soo dhisay ee salbalaar ee Cali Nafto, waxaa D/M dhacay saddex qofood oo kala yihiin A/kadir Zope oo waqigaasi ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Cali Mahdi. Zope waxa uu ku qaraaban jiray in ummadda D/M uu samata bixn doono oo gaajada iyo dhibta lagu hayo ka saarayo, lacago aad u fara badan ayuu ku qaatay, arintan waxaa ii sheegay dhalinyaro Zope la shaqeyn jireen oo lacagahaasi wax laga siiyey oo Islii ku qayili jireen ilaa ay ka dhamaato.
2. Mr. Mohamed Nur Aliyow (Gare) oo ahaa Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Wabrashada ee Cali Mahdi, waxa uu ku qaraaban jiray in Gare ay Hawiye yihiin, waagii Caydiidna Habargidir ayuu Gare ku leehiyey, taageeradii halkaasi laga helayna waxaa ka mid ahayd in Jiido oo ay walaalo yihiin (Digil) laga saaro Qoryooley in tuulooyinkeeda.
Jiidana kolkeeda waxay soo adeegsatay Habargidir waxay Tuni Shangamaas ka saartay Sablaale iyo tuulooyinka u dhow, kolkii Habargidir ay arkeen itaalkii Tuni Shangamaas oo ku dagaalamayeen labadoo qori iyo falaar mariid ah way ka gaabsadeen dagaalkaasi, Ka dibna Jiido waxay ku xirmeen DIR oo Suldaanka Jiido ANIGA u yiraahday waxaan ka qeybgaleynaa shirweyne DIR uu leeyahay oo soo qabanqaabiyey gudoomiyihii SNAM South Abdi Warsame Isaq, kolkaan weydiiyey maxaa naga galay DIR waxa uu suldaanka dhahay DIR iyo Digil way is leeyihiin, arintaasi waxay ahayd in DIR lagu jebiyo TUNI,ka dibna waxay iska hor yimaadeen ayaga iyo BIIMAAL oo wada dhasheen, intaas ka dib Biimaal waxa uu soo kaxaystay Habargidir si DIRta soo duushay, ilaa maanta gibolka shabeelaha hoose sidaasi ayey ku joogaan, Cabdiqaasimna baraamij xoojin ayuu u sameeyey lacag aad u fara badan ayuu ku bixiyey barnaamijkaasi oo madax looga dhigay Istralin Caruus oo mar dambe lagu dilay Nairobi. Barnaamijkaasi waxaa loo qoondeeyey ilaa saddex milyan doolar waxaa loogu tala galay in dhalinyarada habargidir ay boobaan dhulka beeraha, ayna guursadaan dadka meesha asal ahaan iska oo ay isugu jiraan jilic iyo jareer, wayna fuliyeen arintaasi (barnaamijka), waxaa kale oo lacxag fara badan lagu wareejiyey indha cade oo waqtigaasi waxba haysan, asgana waxa uu bilaabay in beerihii mooska uu boobo asaga oo kaashanaya tiro yar oo DIR (Qubeys ah) oo beeraha mooska ee dawldii kacaanka iska lahayd.
3. Mohamed Nur Caliyow oo ahaa reer Buurhakabo asagana waxaa loo sameeyey SDM/Hawiye waxa uu ku soo hogaamiyey dhulka D/M USCdii boobka badnayd
Suldaamadii Digil/Mirifle oo ayagana jaho wareer ku dhacay marba qabiil ayey sheeganayeen, mar waxay yiraahdeen Mirifle asal ahaan waa dhulbahante iyo ogaadeen, kuwa digilkana waxay yiraahdeen anagu waxaan nahay majarteen iyo lelkase
Fadlan maamulka WAAJID waxaan ka codsanayaa in anaga xaqiiqadeyna meesha ku soo qortaan si aan isu saxno ka dibna aan hal meel ka wajahno Hawiye, Daarood, iyo Dir. Qof kasta oo D/M ah wuu ogsoon yahay in Daarood, Hawiye iyo Dir ay cadow inoo yihiin, laakiin marka hore aan iska qabano oo runta u sheegno ama la dagaalano dhuurada jeebka inooga jirto (warlord, suldaan, indheergardkayna iyo aqoonyahanka aan isku kalsooneyn)
November 29, 2010 at 9:42 am |
Sheekow ku nac dad ba wax laga sheegayaa iyaguna qaymahoogu hal xabo sigaar ah wuu ka hooseeyaa, kuwana waxa ay qeyb ka yihiin kuwa ku abaar baxay dhul DigilMirifle, horena waxaa loo yiri Ceyrtaada cunaa Caydaada yaqaan, akhristeyaalow kuwan anigaa aqaane warkooda daaqada ka saara, waana kuwa sheegtey Xaq Sheeg iyo Maamow, magacyadooduna waxey u ekeysiiyeen magac DigilMirifle.
Dameer iyo Doc ka yeerba daankaa lagu dhuftaa, kuwana waa Doc ka yeer.
November 29, 2010 at 2:11 pm |
tugeer edi labadaan waa kuwii aan kuu sheegey WAA BOOLISKA GOBOLKA ee dareenkaaga qab
November 29, 2010 at 2:20 pm |
aduungadoon waxaa la arkey gaajo ay cayneyso dherag.waa aduunya gadoon markii lasheeganayo gof gaxooti eh waxaas waa ceeb ee digilmiriflow war tashada dhulkiin taako taako ula socda wixii horey udhacey waaba dhaceen gof hada ka dib mogadisho ama gaalkacyo ka yimid inow dhul ow kulahaan doonin wixii hore waa kakac waa hanti digiliyomirifle.quraankii mar hore ayaan barney hadana salaada ayaan bareynaa.kkkkkkkkkkkkkkkk
November 29, 2010 at 4:12 pm |
WALLEE SHIMBIR IYO WARAF WEY ISKA WAR QABAAN MAR KASTA , MAXAA KALA HEYSTA DIGIL IYO TUUGADA MIRIFLE !!!!!
DADOW MA OGTIHIIN IN AAKHAR ZAMANKA DULMIGA UU KA SARREYN DOONO XAQQA, JAAJADUNA AY KA QIIMO BADNAAN DOONTO DHEREGTA , BEENTANA AY KA SARREYN DOONTO RUNTA, QABIILKANA UU KA SARREYN DOONO DIINTA.
INTAAS OO DHAN WAA LA ARKEY, WAXAASE IS-WEYDIIN MUDAN ” SIYAASAD XUMADA MIRIFLE UU KULA DHAQMO DOQONNADA DIGIL MIYEYSAN LAHAYN DHAMAAD ? MISE WAA CIYAAR KA DHEXEYSO CAAMMO IYO CEYB KU XASHAASHE?
November 30, 2010 at 4:53 am |
Waryaada Tugeer iyo Abroonow, isu caqli celiya xaqana qaata. Markii wax run ah laga hadlana waa in la qaataa laguna mahad celiyaa dadkii xaqa ku xusuusiyey. Tugeer iyo Abroone waxaad tihiin laba qofood oo indheergarad ah oo ku abtirsada Mirifle. Maxaa yeelay hore ayaan u sheegay Mirifle (aqoonyahanadiisa, indheergaradkiisa, culumadiisa, malaaqyadiisa iyo caamadiisa) way ka siman yihiin in ay dhacaan xaqa walaalahiida Digil, marna isma qabtaan. Haddii aad ka xanaaqdeen qoraalkii runta ahaa aan ku soo qoray halkan, waa idinku nacas iyo xaasidnimo gaboowday. Waxaan idin xusuusinaya in maalin ay dhamaan doonto dulmiga ay Soomaaliya haadan ku jirto oo xaqa Allah loo nonqon doono. Waxaa la arki doonaa in Digil siyaasadiisa gooni ugala baxo oo gooni u isu taago ama bulshooyinka ula degan yihiin ay wax la wadaagaan sidii waagii dawladihii hore 1960kii. Marka haddii dulmiga aad xashaash moodeen hortiina u socda laakiin xanaaqa iyo cayda iska dhaafa waa ceeb.
November 30, 2010 at 9:59 am |
War adigu waaba ku naqaanaaye goormaad HAWIYE ka soo sheegatey oo ka soo baxdey, DigilMirifle dhexdooda boos kaagama banaanee orod Goofafkaadii ku noqo, intii qaxootinimada loo aqoonsadey kol hore anaga jebin meyno go’aankii Awooweyaasheena, laakiin hada waanu xirney iridii qaxootinimada, Run Hawiye Sheegeyna waxaa ii dhaanta Been DigilMirifle sheegey.
Afkeena wax haka raadinine meel fariiso, Dameeradiina dabada danbiisha ugu xira si aynan u wasaqeyn wadooyinka.