Hagardaamo Mahaatiri Iyo Foojiknaan Darada DigilMirifle “Deyo DigilMiriflow” Q-3aad

Waxaa kaloo ay bilaabeen markii la maqlay in Toban sano ka dib xornimo la qaadan doono sidii caadada u ahayd gumaysigii iyo kaba qaadayaashiisii sii adkeeyeen adoonsigii lagu hayey DigilMirifle, iyo in ay beero u saxiixaan, asagana waa Talyaanigiiye uu maabka aduunka uu ugu qoro in Baso Juba ay degan yihiin Mahaatiri sida Kismaayo. Heshiiskaas markay saxiixdeen ayaa la jirayaashii waxaa laga balan qaaday in wax la baro lana geeyo Italiya.
Talyaanigana uu uga dan lahaa inuu helo dad gudaha Talyaani ka ah, korkana soomaali ka ah, wuuna helay dadkaas waxayna u meel mariyeen ujeedooyinkii uu ka lahaa dhulka DigilMirifle.

Isla sanadkii 1949 Moos dhoofintii la bilaabay ilaa iyo hada ay socoto taa ayaa ka mid ahayd balamadii ay kala galeen, waxaa kaloo ka mid ahaa in dhul la siiyo oo beero looga dhigo laguna magacaabo Azzendo ayna ku beertaan wax alla waxa ay u baahdaan aana laga qaadin wax canshuur ah, halka kuwii dhulka u dhashayna ay canshuur ku joogaan hadii kale dhulka lagala wareegayo.

Kuwii uu Talyaaniga u saxiixay dhulalka la dego (Magaalo) ayaguna sidii ayey ku degeen meeshii maabka aduunka looga qoray oona loo meel mariyey in ay iyagu degaan dhulkan loona sharciyeeyey. Kuwii dhulka loo sharciyeeyey waxay bilaabeen in ay si xun ula dhaqmaan dadkii degenaa ayagoo u isticmaalay Dil, Dhac, iyo Baro kicin, waxaana ay bilaabeen in ay dadka ka baxsadaan guryahooda isla markaana beerahoodii xoog oogala wareegaan iyadoon jirin cid ka dhicisa fal xumada ay wadeen, taasna waxaa ku kaalmayn jiray Aabahood Talyaani oo isagana ku xirnayd danihiisa.

Waxaa kaloo aan shaki ku jirin qof u hanqal taaga waagii baryaba xoolo dad in aan lahayn dhaqan fiican oo lagu dayan karo. 1949-ki tii qabsatay DigilMirifle ayaa maantana ayadoo weji kale wadata loola yimid.

Shirkii carta kadib ayaa waxaa Ismaciil Cumar Geele iyo Cabdiqaasim Salaad Xasan qalinka ku duugteen tii Talyaanigii iyo kabaqaadayaashiisii ay wada saxiixdeen oo kale, heshiiskaas oo ahaa in:-

A- Ismaciil Cumar Geele la siiyo dhul beereed aad u wayn oo ka haqab tiro lacagtan faraha badan ee qalaad ee gaaraysa Laba milyan $ 2,000.000 oo doolar sanad kasta oo ooga baxda keliya khudrad, waxaana la ogsoon yahay oo hubaal ah in dhul baaxad wayn looga baneeyey Shabeelada Hoose, waxaana hakad geliyey kacdoon ay sameeyeen dadkii dhulka lahaa oo ka soo hor-jeestay arintaas. In badan Soomaalida waxay aaminsan yihiin In Geele daacad ay ka tahay in Soomaaliya heshiiso laakiin arinka sidaa aad ayuu uga fog yahay, DigilMirifle waxay ku maahmaahdaan “Laf Eey Ku Noogi Waraabi Ing Usubti” ama fasirka afka maxaatiriga lagu yiraah ” Laf Eey ka noogey dhuuqideeda, Waraabe wey u cusub tahay markuu arko” taas oon ula jeedo Talyanigii iyo la-jirkiisiiba meel ay ka quusteen ayaa waxay u cusub tahay Geele iyo ina Salaad Booy.

B- Kan loo saxiixay Cabdiqaasim waa in uu qabiilkiisa degaan uu u helaa, meeshuu geeyana aan lagala hadlin oo aan la oran ka soo saar qoladaada, uuna dejinaayo qabiilkiisa Ceyr inta u dhexeysa Shabeelada hoose iyo Jubada hoose.

Sida ay Soomaalida wada ogsoon tahayna waxaa Cabdiqaasim iyo qoladiisaba ay xoog ku haystaan guryo ay masaakiin leeyihiin dadkii guryaha laga xoogayna ay seexdaan banaanka, waxaana la wada ogsoon yahay in shirkii Carta la isku soo af gartay in Cabdiqaasim ka saaro qabiilkiisa meelaha ay xooga ku haystaan, uuna ku balan qaaday in Seddex bilood gudahooda ooga soo saari doono.

Soo saarid iska daaye wuuba kordhiyey, markaa kii lahaa dawlad baa ii dhalatay, kuuma dhalan ee waxaa kuu yimid mid soo maryo dhigtay oo doonayaan ayagoo huwan qaran in qabiil kugu gumaadaan, waxaa kaloo la isku af gartay in dawlada loo qaybsado sinaan oo macnaheeda yahay Shantii qaybood ee Somalida loo qeybiyey, qeybtiina Shan waziir qaadato waxaana dowlada ka koobnayd 25 waziir.

Waxaanu aragnay in dadka lagu magacaabay “Others” qaybtoodii shanta aheyd laga siiyey hal waziir, xagee baa afartii kale la geeyey hadey sinaan jirto.

Qore: Isaak Eeding Hassing (Isaak Doolow)
isakdoolow@yahoo.com

About these ads

2 Responses to “Hagardaamo Mahaatiri Iyo Foojiknaan Darada DigilMirifle “Deyo DigilMiriflow” Q-3aad”

  1. Abroone Says:

    niman sheegtey in booliska gobolka yihiin maxey u sheegi waayeen qabiillka HARTI ABGAAL dib u dejinta loogu sameynaayo gobolka shabeelaha hoose gaar ahaan dhulka baadiyaha afgooye iyo wanla weyn sidoo kale sablaale iyo baraawe hawaay iyo dhaaytubaako oo ah dhul tuni mashruucaas oo dib udejinta hor boodaayo ganacsadaha weyn Abuukar cumar cadaani hataa lagu khasbey ganacsatadooda yar iyo weynba iney ceel biyood oo riiga ah ka qodaan hubka iyo ciidanka lagu howlgalaayana ay karashkooda bixiyaan si loo milkiyo dhulka ay ugu magac dareen DANLEHELE mashruucaas waxaa sidoo kale loo xilsaarey inuu fuliyo Maxamed dheere oo jowhar xukumaayey waqtigii cabdulaahi yuusuf kaasoo heshiis hoosaadyo kula galey jowhar yuusuf indha cade oo gobolka shabeelaha hoose heystey heshiiskaas oo ugu magac dareen EX banaadir oo laakiin hoosta ku qarsoon arimo dhulboob indha cade iyo cirfo afgooye haystey dhowr boqol kun oo doolar ku qaateen heshiiskaas si arimahaas loo fuliyana waa tii hoseedey asaaskii Maxkamadaha oo maalgeliyey cumar cadaani waa kii isku xirey ceyr IYO harti abgaal si magac diimeed dhulku lagu boobo waa gudoomiyihii maxkamadaha laga dhigey sheekh shariif oo mar walba hadalaliisa is burinaayeen waa tii mar uu lahaa indha cade shabeelaha hoose dadkii iska lahaa ha ku wareejiyo maalmo ka dibna Afgooye ka sheegey in shabeelaha hoose si toos ugu wareejiyey indha cade ceyr taasoo dadka gobolka u bixiyeen barakaat ka qaado barakaat u dhiibo waxaana arintaas ka dhiiyiyey dhalinyaro diinta dhab ka aheyd Alshabaab ilaaha kheyr ha siiyo runta waa shaqeysaa ee beentu ma shaqeyso wali waxyaabo badan ayaa qarsoon oo aan halkaa ku koobi karin waa tii hadana abgaal maanta la wareegayaa maamul goboleed xeeb iyo waadi waa riyo maalmeed qofka oo soo jeeda riyoonaayo timirtii hore dab loo waayey dhulku waa haraa xaaqinku wuu dhamaadaa

  2. ahmed Says:

    asc,waxaan la hadlayaa ninka iga horeeya ee beesha harti abgaal ku sheegay in la dajinayo sh.hoose war heedhe,harti abgaal waa niman mudulood ah ee dagaanka u dhashay ee ha ku qaldamin walal.dhulna ilaah baa siiyay ee cid ay baryayaan ma leh.marka walalayaaloow mudulood ee digil waa dad waalaalo ah oo 1800 sano nabad kuwada noolaa dadna ayaagaa isku xiga ee yaanan colaad aan jirin la abuurin.muduloodna meelaha uu sh.hoose taariikh ahaan u dago waa la yaqaan sida lafoole,afgooye,jaziira,taxsiile,wanlawyn iyo meelo kale oo badan.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 32 other followers

%d bloggers like this: