War Deg Deg ah: Xildhibaano sheegay in ay xilka ka qaadeen gudoomiyaha barlamanka.

Mudanayaal ka tirsan barlamanka KMG Soomaaliya ayaa sheegay in gudoomiyaha barlamanka uu xilkiisa ku waayay Takri fal ay sheegeen in uu ku sameeyay barlamanka Soomaaliya.

Qaar ka mid ah mudnayaasha barlamanka KMG Soomaaliya gaar ahaan 92-dii Xildhibaan ee ka soo horjeestay ansixinta Xukuumadda cusub oo maanta warsaxaafadeeda ka soo saaray magaalada Muqdisho ayaa sheegay in gudoomiyaha barlamanka uu jabiiyay axdiga iyo xeer hoosaadka barlamanka islamarkaana sida ay sheegeen uu awood u adeegsaday Xuquuqda barlamanka sidaasi daraadeed, waxaa ay tibaaxeen in gudoomiyaha baralamanka xilikii ay ka qaadeen, iyagoo daliishanaya qodobo ka mid ah xeer hoosaadka barlamanka.

Waxaana ay ugu baaqeen Mudanayaasha barlamanka in ay kulan dag dag ah ay isugu yimaadaan islamarkaana ay doortaan gudoomiye barlaman Cusub sida warsaxaafadeedkaasi uu u aqriyay warfidiyeenada Xildhibaan Max’ed Muxudiin Muqtaar.

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa waxaa ay sheegeen in habkii loo ansixiyay Xukuumadda Ra’iisul wasaare Max’ed C/laahi Max’ed Farmaajo inay qilaafsantahay xeer hoosaadka barlamanka, iyagoo tilmaamay in Xukuumaddaasi ay waysay codka kalsoonida sidaasina aysan ku ahayn mid ansax ah, sida mar kale uu tilmaamay Xildhibaan Max’ed Muxudiin Muqtaar.

About these ads

2 Responses to “War Deg Deg ah: Xildhibaano sheegay in ay xilka ka qaadeen gudoomiyaha barlamanka.”

  1. MAALAAY MADOOW Says:

    MAXEY U SOO DOORTEEN ?

    NINKAAN XARIIFKA AH XIL 92 MOORAYAAN KAMA QAADI KARTO, WAXAA LOO BAAHAN YAHAY 2/3+1 OO AAN WELIGEED LA HELI DOONIN, MARKA WAA INEY XAL KALE U RAADIYAAN.

    ANIGA WAXAAN SOO JEEDIN LAHAA INEY U SOO ARUURIYAAN 5 MILYAN DOLLAR KA IIBSADAAN BOOSKAAS, WAXAANA SHAKKI KU JIRIN IN XARIIFKA UU MAANKA KU HAAYO INEY TFGS IYO BAARLAMAANKEEDA AY U DHAMAATEY, WUUNA QAADAN DOONAA HADDII LACAG GACAN QABSI KU FILAN LOOGA KEENO XOOLIHII BURCAD BADEEDKA AY KA HESHEY PUNTLAND.

  2. aw malaaq Says:

    Barlamaanka oo idil waa xarif iyo tuug, afminshaar, ma tabcade dhurweyne doonaya inuu been been wax ku cuno. weyna u suurta gashey .

    Waase lakala xariifsanyahay. Shariifka waa ninka ugu caqliga iyo kartida badan dhamaantood. Waxaa ku soo xiga Sheekh Shariif.

    Kuwan ariga ah ee meesha tuban dantooda ma yaqanaan. Kistii baryada lagu soo heley ayaad ummaddii loogu tala galey ka maroojiseen ee aad mugdiga ku cuntaan sidii yeydii. Qaylada iyo fowdada iska daaya idinkaaba nasiibsadaye. Ummaddiinii baahi iyo xabbad bey u le’tey iyo gaajo idinkana halkaasaad dibiro weyntihin. Iska cuna intey idiin gaadho ee naga aamusa haddii kale xoogaaga waa la waayi doona

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 31 other followers

%d bloggers like this: