Wasiirka Dastuurka oo xilkiisa la wareegay.SAWIRRO

Dr. Madoobe Nuunow Maxamed oo ah wasiirkii hore ee wasaarada Dastuurka iyo Federaalka ayaa maanta xaflad uu ku qabtay xafiiska Muqdisho ee wasaarada Dastuurka waxa uu xilka wasaarada ku wareejiyay wasiirka cusub ee wasaaradda Dastuurka, federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Eng. Maxamuud Maxmed Boonow – oo labaduba ka soo jeeda Digil & Mirifle.

Madoobe Nuunow ayaa munaasabadda ka sheegay waxyaabaha u soo qabsoomay wasaradda iyo halka uu marayo qabyo qoraalka dastuurka ee la doonayo in umadda Somaliyeed uu u noqdo Dastuur.

Waxa uu intaa ku daray in uu la shaqeynayo wasiirka cusub ee wasaaradda dastuurka, federaalka iyo dib u heshiisiinta isagoo warbixin ka siiyay halka ay marayaan howlaha wasaaradda iyo waxyaabaha u qabsoomay intii uu hayay talada wasaaradaasi.

Eng Maxamuud Maxamed Boonow oo maanta lagu wareejiyay xilka wasaaraddaasi ayaa uga mahad celiyay Madoobe Nuunow sida wanaagsan ee uu ugu wareejiyay xilka wasaaradaasi iyo balanqaadka uu u sameeyay ee ku aaddan in uu la shaqeynayo wasaaradda.

Wasiiradii kale ee maanta ka qeyb galay munaasabadda xil wareejinta wasaarada dastuurka iyo arimaha federaalka oo ay ka mid ahaa wasiirkii hore ee arrimaha bulshada iyo dhaqan celinta Prof. Dalxa ayaa ugu hambalyeeyay wasiirka cusub xilka culus ee uu maanta la wareegay iyagoo Alla ugu baryay in uu la garab galo xilkaasi uu u qaaday shacabka somaliyeed.

Wasiirkaan ayaa ah kii ugu horreeyay ee la wareega xilkiisa golaha wasiirada cusub ee dhawaan la dhaariyay.

About these ads

One Response to “Wasiirka Dastuurka oo xilkiisa la wareegay.SAWIRRO”

  1. MAALAAY MADOOW Says:

    KAL KAALIYAYAASHII QAB QABLEYAASHII DAGAALKA RRAda AYEY EELAYDA U SOO XUSHEEN INDHEER GARAD IYO AQOONYAHANNO IYAGOO ILOWSAN IN KUWAAN QEYBTA IYO KAALINTA AY KA QAATEEN DAGALLADA SOKEEYE AY WELI MUUQATO RAADKEEDA.

    MA WAXEY WAAYEEN AQOON-YAHANNO GACMAHOODA KA NADIIF AH DHIIGGI DAGAALLADA IYO BILI LIQADA HANTIDII QARANKA GUURTO AMA MA GUURTO EE BAAY IYO BAKOOL.

    WALLEE MIRIFLE WAA MA XISHOODE, WAANA MA QUUSTE KA DIB MARKII AY XAABSADE, AADAN MADOOWE IYO SHAAR GADUUD SOO MAGACAWDEEN WASIIRADAAN CUSUB AYNA U KEENSADEEN AQOON YAHANNO AHAAN MAXAA YEELEY WAXEY AHAAYEEN KAALIYE YAASHOODA.

    ALLOW SAHAL AMUURAHA, ALLOW SAHAL AMUURAHA, TUUGADANA KA QABO SHACABKA MASAAKIINTA AH.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 32 other followers

%d bloggers like this: