Archive for December, 2010

War Deg deg ah: Dagaaladii ugu cuslaa todobaadkaan oo galabta ka dhacay Muqdisho

December 31, 2010

Dagaalo iyo duqeymo xoogan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo Xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab ayaa galinkii dambe ee Maanta ilaa caawa waxaa ay ka dhaceen degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir.

Dagaaladaani oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo gacan ka helay kuwa AMISOM iyo Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa galabta waxaa ay ka dhaceen inta u dhaxaysa Isgoysyada Dabka, Bakaaraha, Wadada Shaqaalaha iyo xaafado kale oo ka tirsan degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee gobolka Banaadir.

Dagaalka ayaa yimid sida dadka deegaanka ay sheegeen kadib markii Ciiidamo ka tirsan Xarakada Al Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay ku leeyihiin qeybo ka mid ah degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag waxaana markaasi kadib degmooyinkaasi ka qarxay dagaal xoogan oo labada dhinac ay isku adeegsadeen hub culus oo mararka qaar ku dhacayay meelo ka baxsan goobaha labada dhinac ay ku dagaalameen.

Inta la xaqiijiyay ilaa 4-qof ayaa ku geeriyootay ku dhawad 10 kalana waa ay ku dhaawcmeen dagaaladaasi iyo duqeymahaasi, kuwaasi oo dhamaantooda ahaa dad rayid ah oo ay haleeshay rasaasta iyo madaafiicda ay is weedaarsanayeen labada dhinac.

Labo ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen Madfac ku dhacay guri kuyaala inta u dhaxeya Igsoyska KM 4 ilaa Tarabuunka halkaasi oo ka mid ah goobaha sida xun ay uga dhaceen dagaalada.

Inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in uu jiro qasaaro soo kala gaaray Ciidamada dowaladda oo ay taagayrayaan kuwa AMISOM iyo Xarakada Al Shabaab ayaa hadana waxaa la ogayn qasaaraha dhabta ah ee soo kala gaaray labada dhinac sabab la xiriira goobaha dagaal oo adag in la tago.

Dagaalka galabta ilaa caawa ka dhacay Xaafadaha degmad Hodon ee gobolka Banaadir ayaa ah dagaalkii ugu xoogana ee todobaadkaan ka dhaca Magaalada Muqdisho waxaana guud ahaan Magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda laga maqlayay daryanka madaafiicda la is weydaarsanayay.

Xaalada deganaansho oo aan cago badan ku taagneen ayaa haatan laga dareemaya degmooyinka ay dagaalada ka dhaceen ee Hodan iyo Howlwadaag walow wali laga maqlayo rasaas iyo Madaafiic goos goos ah dhinacyada halkaasi isku horfadhiya ay isku ridayaan.

Faroole Sir Hoose Waraaq uu Qoray Dagaalkii GalGala In la dilana amaray dhaaan maxabiista dagaalka

December 31, 2010

Faroole Amar Bixiyay
Shakabada GalGalanews ayaa Heshay Xog Muujinaysa Wareegto uu Qoray Madaxwaynaha Puntland C/raxmaan Faroole Markii ay oognayd Colaadii Buuraha GalGala Sida ku Cad Taariikhda Waraaqda la Qoray waxa weeyaan 27, Julay,2010] waxana uu Madaxwaynuhu ku Amrayaa Ciidamada PISta iyo kuwa Daraawiishta PL inay Toogtaan Dhamaan Maxaabiista Dagaalka Atam looga qabto
Faroole Amar Bixiyay
Shakabada GalGalanews ayaa Heshay Xog Muujinaysa Wareegto uu Qoray Madaxwaynaha Puntland C/raxmaan Faroole Markii ay oognayd Colaadii Buuraha GalGala Sida ku Cad Taariikhda Waraaqda la Qoray waxa weeyaan 27, Julay,2010] waxana uu Madaxwaynuhu ku Amrayaa Ciidamada PISta iyo kuwa Daraawiishta PL inay Toogtaan Dhamaan Maxaabiista Dagaalka Atam looga qabto

Halkaan ka fiirsa warqada sirta ee faroole

Wareegtaasi aanu sida Hoose ku Helay waxa Kaloo Daboolka ka qaadaysaa Liis dad la doonayo in la dilo oo qaarkood Lagu dilay Dagaalkii GalGala Horayna ay Dawladu u sheegtay inay Ragaasi Nolol ku Qabtay sida Jaamac Doonyaale Markii danbe ehelkiisu sheegeen in Isaga oo Mayd ah la Keenay Bosaaso.

Siciid Saalax Caynab oo Isla Dagaalka lagu dilay iyo Maxamed C/Qaadir ayaa ku Cad Waraaq uu Qoray Madaxwayne Faroole.

Wareegtadan ayaa ah mid Amar lagu Siiyay Saraakiisha Hogaaminaysay Dagaalkii GalGala inay Dilaan Maxaabiista Atam iyada oo Nuqul ka mid ah loo Diray Maxkamada Argagixisada iyo Wasaarada Amniga PL.

Wareegtaasi aanu sida Hoose ku Helay waxa Kaloo Daboolka ka qaadaysaa Liis dad la doonayo in la dilo oo qaarkood Lagu dilay Dagaalkii GalGala Horayna ay Dawladu u sheegtay inay Ragaasi Nolol ku Qabtay sida Jaamac Doonyaale Markii danbe ehelkiisu sheegeen in Isaga oo Mayd ah la Keenay Bosaaso.

Siciid Saalax Caynab oo Isla Dagaalka lagu dilay iyo Maxamed C/Qaadir ayaa ku Cad Waraaq uu Qoray Madaxwayne Faroole.

Wareegtadan ayaa ah mid Amar lagu Siiyay Saraakiisha Hogaaminaysay Dagaalkii GalGala inay Dilaan Maxaabiista Atam iyada oo Nuqul ka mid ah loo Diray Maxkamada Argagixisada iyo Wasaarada Amniga PL.

KEEROW WAL DHEEG (CALANKAA AQLA AY LA KIINKU USUNEY)

December 31, 2010

Keerow waxaad ogaataa inujeedu aysan aheyn in lagaa qaato ama lagaa boobo calankaaga laakiin ogow ujeedadu waa in gebi ahaanba aadan wax dhisan ama sameysanin maamul nidaam iyo kala dambeyn.
Waxaaba la diidan yahay muuqashada iyo gooni isu taagaaga oo aad kasoo dhex muuqatid soomaalida waayo hadii aad wax sameysatid waxaa adkaanaya Nafaqada iyo faaiidada oo hada lagaaga qaato micno darro, tusaale, waxaa lagaa heystaa dhul badan oo aad leedahay Beero, Daaqsiin, & Deegaan.

sidoo kale waxaa si aan caadi aheyn loo rartaa maalin kasta Badarka iyo dalaqyada kasoo go,a beerahaaga, waxaa la safaristaa Xoolahaaga Dhediga ah marka hadii aad wax sameysatid waxaa hubaal ah in faaiidooyinkaasi oo dhan ay kago,aayaan marka Keerow waxan kaweyn calan oo lagaa qaataa, ee waa diidmo jiritaankaaga iyo dadnimadaada, waa waxa lagaagala dagaalamo marwaliba in aad kadhexmuuqato ama aadba kahormarto soomaalida inteeda kale.

Ma jecli inaan mar walibo ku laabto Magaca Halyayaasheeni allaha u naxriistee loo diley balse Keerow waxay iga tahay xasuusin, is weydii kumuu ahaa Kii Tooreyda ku doohey Ustaad Usmaan, waxa uu ahaa nin Digil ah inta kalena sidaa si lamid ah.

Walaalkey Keerow kooy wal ma dheegdoo, waxaan kula jeclaadey keerow inaad maanta ila dhageysatid Heestii Astaanta Calankeena waa calanka Maamul Goboleedka JUBALAND STATE, oo muuqaalkiisuna aad u jeedid shido radiyaha Arlaadi ama warkaan qeybtiisa kore.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan sheekh Aadan oo soo gabagabeeyay Socdaalkiisii dalka Iran

December 31, 2010


Af–Hayeenka Golaha BaarlamaankaSoomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa soo gabagabeeyay booqasho shaqo oo uu ku maraayay qaar ka mid ah wadamadda dalalaka aduunka Gaar ahana Dalka Iiraan oo maaalmihii la soo dhaafay uu ku sugnaa isaga iyo wafdigiisa.

Wafdiga shariifka ayaa soo gaaray haatan Dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta, iyadoo xildhibaanadii la socday ay soo gaareen Dalka Kenya kuwaaso soo jeeda magaaladda Muqdisho,
Af-hayeenka golaha Baarrlamaaka ayaa kulamo la soo yeeshay Dhiggiisa waddanka Iiraan sida gudoomaiayaha baarlamaaka Cali Larijani iyo , Madaxweynaha IranAxmadi Najad , Wasiiro ka tirsan Dowladdaasi iyo masuuliyiin kale.

Madaxda waddankaasi ayay ka wada hadleen sidii iskaashi ay yeelan lahaayeen Baarlamaanada laba dowladood, in Soomaalida laga caawiyo Dhinaca Caafimaadka Baarlamaanka iyo shacabkaba iyo in Iran ay kaalin ka qaadato taageerada loo fidinayo shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatadu aafeysay.

Qaar ka mid ah Xubnaha Baarlamaanka somaliya Ninka lagu magacaabo Cali Seeko oo ka tirsanaa wafdiga Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ku sugan Nairobi ayaa sheegay in la magacaabay guddo ka kooban Iraaniyiin iyo Soomaali kuwaas oo dardargelin doona waxyaabaha la isku afgartay.oo laga wada hadlay intii ay ku sugnaayeen wadanka Iiraan.

Xulka Banaadir oo ku guuleystay Cayaarihii Gobollada Soomaaliya ee Garowe ka socday

December 31, 2010

Xulka gobolka Banaadir ayaa galabta ku guulaystay tartanka koobka gobollada Soomaaliya ee ka soconayay magaalada Garowe ee caasimada Puntland,ka dib ciyaar aad u adag oo ay wada qaateen xulka gobolka Bari oo ay final wada yimaadeen.

Ciyaartii galabta waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin aad u badan oo ka tirsan dhinacyada Puntland iyo DKMG ah ee Soomaaliya ,waxaana ay ahayd mid labada kooxoodba ay ugu tartamayeen qaadashada koobka.

Madaxdii ka soo qayb gayb gashay waxaa ka mid ahaa madaxwaynaha Puntland C/rixmaan Maxamed Faroole iyo gudoomiyaaasha gobollada Banaadir iyo Bari.

Waxaa kaloo joogay dhamaan gudiga xiriirka ciyaaraha gobollada Soomaaliya iyo ciyaaryahno taariikh ku leh baalka Sports-ka Somaliya oo uu ka mid ahaa orod-yahankii caanka ahaa ee Cabdi Bile Cabdi.

Gobolka Banaadir goolka ay ku qaadeen koobka waxaa u saxiixay mid ka mid ah ciyaaryahanada uga ciyaara afka hore ,umana suurtagalin xulka gobolka Bari in ay la yimaadaan goolka bar-bar dhaca oo rajadooda wax ka badali lahayd.

Madaxwaynaha Puntland oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in uu u hambalyaynayo dhamaan ciyaar-yahanadii ka qayb galay koobka intii uu socday ,isagoo amaan ballaaran u jeediyay guusha ay Banaadir gaartay.

Tababaraha xulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in uu aad uga faraxsanyahay guusha ay gaareen ,isla markaana waxa uu ku tilmaamay mid ay waqti badan kaga baxday sida ay koobka uu qaadi lahaayeen.

Ciyaartii galabta ayaa ku soo dhamaatay hal iyo waxba 1-0 oo ay guushu ku raacday xulka gobolka Banaadir ,kaalinta labaad waxaa ku jirta Bari ,halka kaalinta sedexaad ay galeen xulka gobolka Nugaal

Madaxweyne Shariif oo 15-ka dagaal isu diyaarinaa

December 31, 2010

Ila wareedyo ka tirsan Villa Somalia ayaa Waagacusub.com u sheegay in 15 Janaury 2011 uu Madaxweyne Shariif dagaal culus ku qaadi doono fariisimaha Maleeshiyadda Al-Shabaab ee Magaaladda Muqdisho,iyadoo ay duulaankiisa kaabayaan Ciidamadda nabad ilaalinta Amisom.

Dagaalka mudada loo diyaar garoobayay ee Madaxweyne Shariif ayaa lagu tilmaamay mid gundhigiisu yahay suta dheereeysi uu xilka Madaxtooyadda ku kordhisan doono hadii uu dagaalkiisa ku guuleeysto halka uu xilka iskaga tegi doono hadii duulaankiisa qorsheysan uga adkaan waayo maleeshiyadda Al-Shabaab oo inta badan gacanta ku heysa degmooyinka Muqdisho.

War deg deg ah: Amiirka Shabaab oo ka hadlay midowga Shabaab iyo Xisbiga.

December 31, 2010

Hogaamiyaha ugu sareeya xarakada Al Shabaab Sheekh Mutqaar C/raxmaan abuu Subeyr markii ugu horeysay ka hadlay talaabadii xisbul Islaam ay ugu biireen Al Shabaab isagoo ku tilmaamay arintaasi guul u soo hoyatay dagaalyahanada ka dagaalama Soomaaliya.

Sheekh Muqataar C/raxmaan Abuu Subeyr oo warbaahinta Muqdisho u soo diray fariin maqal ah ayaa ugu horeyn waxaa uu ugu baaqay ciidamada Al Shabaab iyo kuwa Xisbul islaam ee dhawaan isku biiray in ay laba laabaan dagaalada ay kaga soo horjeedaan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG Soomaaliya.

“Guushaan aan heysnao waxaa la doonayaa in aan ilaalino, wax aan la ilaalina wey iska dayacmanaan, Gacmaha lagu xijiyaa ama wey galab caroowdaaye, waa lagu gam’aa ama wey geeri badisaaye gob baa lagu noqdaa amase waa lagu gumoobaaye, si aan midnimada u hanano waxaan u baahanahay arimaha soo socda ugu horeyn in aan ku toosnaano menhajka saxda ah oo ah towxiid waljihaad iy dariiqa Rasuulka NNKH” ayuu yiri Amiirka Al Shabaab.

Abuu subeyra ayaa carabka ku dhiftay in Al Shabaab ay leeyihiin cadow badan kuwaasi oo uu tilmaamay in ay doonaayaan kala arigti duwanaasha dagaalyahanada ka dagaalama Soomaaliya waxaana uu arintaasi ku cabiray Suuqaanta hoos ku qoran,

Mid waxaa laga yaabaa dan gaar ah in uu rabo in uu ku gaaro
Mid waxa uu doonayaa in ay duntoo dib u laabato
Nin kastaa ha duudsiiyo
Ama duurka ha u xulo
Ama damino ha u xiro
Ama duhur ha weeraro
Ama damac ha dhaafsado
Dumi meydo waligeed
Ninkii xagal daaciyoow

Fariinta Amiirka Al Shabaab oo aad u dheeraad ayaa waxaa uu muhiimada ku saarayay sida ay u garteen Dagaalyahanada hubaysan in ay u midoobaan cadowga ay leeyihiin, waxaana uu ku cel celiyay baaqiisa ah inay xoojiyaan dagaalada ay kula jiraan AMISOM.

Gudoomiyaha Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab Sheekh Muqtaar C/raxmaan Abuu Subayr oo la hadlayay warbaahinta ayaa waxaa uu ka hadlay abaaraha baahsan ee kajira gobolada dalka Soomaaliya isagoo ugu baaqay Maamulada Al Shabaab inay u gar gaaraan dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Abuu Subayr ayaa waxaa uu sheegay in marka hore loo baahanyahay in Alla la bariyo marka xigtana umadda ay is gar gaarto, waxaana uu ugu baaqay Ganacsatada Soomaaliyeed in ay gar gaaraan dadka ay saameeyeen abaarahaasi maadaama uu sheegay in maanta ay ugu fadli badan tahay sadaqo labaxsado, isgoo sheegay in dadkaasi ay yihiin dad u badan masaakiin iyo agoon oo ubaahan in la gar gaaro.

Amiirka Xarakada Al Shabaab waxaa uu sidoo kale ka dalbaday Maamulada Al Shabaab ee ka jira gobolada Koofurta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya in ay u jihaystaan oo ay awoodooda isugu geeyaan sidii ay shacabka Soomaaliyeed ay uga samata bixin lahaayeen abaaraha islamarkaana ay wax u gaarsiin lahaayeen.

Inkastoo hogaamiyaha Al Shabaab uu sheegay in loo baahan yahay in la gar gaaro shacabka Soomaaliyeed oo ay abaaruhu saameeyeen ayaa hadana Al Shabaab waxaa ay horay ka mamnuuceen gobolada ay gacanta ku hayaan qaar ka mid ah Hay’adaha Samafalka ee hoostaga Qaramada Midoobay kuwaasi oo ay ku eedeeyeen in ay xiriir hoose la leeyihiin dowladda KMG Soomaaliya islamarkaana Diinta Masiixiga ay ku faafiyaan gobolada ay ka taliyaan.

Hagardaamo Mahaatiri Iyo Foojignaan Darada DigilMirifle “Deyo DigilMiriflow” Q-12aad

December 31, 2010

Xaashi Cali Barre wuxuu gabey talo iyo tusaale xambaarsan uu u tiriyey madaxweynihii ugu horeeyey ee ahaa Aaden Cabdulle Cusmaan “Aden Cade”.
Hadana waxaa xusid mudan gabay Xaashi uu kula dar-daarmey Aden Cadde maalintii madaxweynaha loo doortey wuxuu gabeygiisu ku yiri:-

(1)Adeer Aadanow waxeynu nahay ehel walaalaaye.
(2)Ardo iyo inaan macalim nahay waad ogsoon tahaye
(3)Aasaaskii leegada markii udubka loo taagey
(4)Ay axad aheyd maalintaan olokadeynaayey
(5)Axdi iyo kitaab baan laheyn la’isku aamino’e
(6)Artiikolona waad noo dhigteen odeyadiiniiye
(7)Amiirnimada maanta adigaa eebe kuu amraye
(8)Iraadada ilaahey markey taada kuu idlato
(9)Ajashaadu ay soo dhacdee lagu asiibaayo (10) Oo uunku kaa kala tagaan axad laguu reebin
(11) Asrafiil kuu imanayoo ku imtixaanaayo
(12) Albaabada fardowsiyo janada la astareexaayo
(13) Iyo ololka naartuba adigey ku ag yaaliine
(14) Sidaad eegan uunka u gashaa aayad kuu noqone
(15) Allaa igu ogoo kaad eegataa oodi kaa xigine

Dar-daarankii iyo waanadii Xaashi Cali Barre waxba lagama soo qaadinee waxaaba laga tagey cadaaladii, oo diintii laga fogaadey, waxaase la noqdey kuwo u shaqeeya gumeysigii la yiri waa laga xoroobey.

Xaaladii dalka meeshii la rabey, mar hadii xoriyadda la helay in ay wanaagsanaan doonto ayaa waxey noqotey in la qooraarsado in la qooraarsado tii gumeysigii.

Waxaase ay bilaabeen in ay dadka ku maaweeliyaan doorashadii hore waxaa maamulayey gumeysigii, su’aasha meesha taala ayaa ah: waa tan xoriyadda laga qaatey gumeysiga maxaa keeney in uu doorashada wadan uusan gumeysaneyn maamulo?. Dabcan leego ayaa dabada ku wadatey ayna aheyd mid uu asaga aas-aastey waa gumeysigiiye, waxeyna iska aheyd xisbi lahaa gumeysigii Telyaani.

Waxey dad weynaha ku maaweeliyaanba in doorashada danbe ay noqon doonto mid caddaalad ku saleysan, waxaase la gaarey doorashadii la sugaayey.

1964-ti waxaa la qabtey doorasho dastuuri ah oo xukuumada soomaalidu maamuleyso, tartan, beretan, iyo olole ay u galeen la jirkii teliyaani waa “Leego’e eexda, asraarka, laaluushka, ku shubashada, iyo musuqmaasuqu waxey noqdeen bareer cadaan ah oo aan lakala qarsaneyn, ninba calaf uu doorashada ka qaadaba ragna ku ceyroow, ragna koofiyad cad bey gashteen, waxaana meesha lagu doortey Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo loo doortey in uu noqdo Ra’iisul wasaare, doorashaduna ha dhamaato, Cabdirisaaq Cabdirashiid ma dhaami doonaa? Dowlad ha la dhiso miisaaniyad baarlamaanku ha ogolaado, bishii danbe ha la gaaro, noloshii dad weynuhu waxey gaartey heer nin siyaasi ah oo weliba baarlamaanka ku jira nin uu gacanta hayo ma ahee aanu qof kale shaqo iyo garsoor iyo tacliin haweysan.

Hadaba markii ay nolosha bulsho weynta ku xirantey nin baarlamaanka ku jira, qabiil kasta iyo jilib kastaa wuxuu u xusul duubtey, dagaalna u galey in uu baarlamaanka kuraas ku yeesho, suuro galna ma ahan in qabiil walba ama jilib walba mudane helo, taasna waxey dhalisey in dadweynihii kalsoonidii ay lahaayeen iyo rajadoodiiba ka xumaato, oo badankoodii dani ku khasabtey in ay yar iyo weynkoodba mahrad ka dhigtaan in uu noqdo mudane baarlamaanka ku jiro, hadii uu noqon kareynina uu dhiso mudane gacanta qabta oo danihiisa u fuliya, waxeyna noqotey is dhex yaal iyo daneysi oo aan dan laga laheyn danaha dalka iyo dadkuba, waxaana si rasmi ah u bilaabatey in indheergaradadii iyo nin kastoo wax yiqiin af miinshaar laga dar yeelo, dabadeedna eexdii, laaluushkii, xaq daradii noqdeen wax lagu faano, oo boolidii iyo xoolihii umadda lagu xalaashadey, nabad gelyada iyo kala danbeyntii dalkana ay xumaatey, dilkii iyo dhiciina wax joogto ah ayey iska noqdeen mar walba.

1964-ti markii ay dhacdey abaartii daba dheer (Jimaa baasti) waxa ay sameeyeen dadkii “mahaa tiri” oo xukunka hayey hor socodkooduna ahaa Cabdirisaaq Xaaji Xuseen in ay soo daad gureeyeen dadkooda oo ku baaba’aayey Gobolada dhexe, W/ bari, W/ galbeed iyo Galbeedba, oo ay deegaan ooga sameeyeen Alto Jubba iyo Basso Jubba oo ay hada ka dhigeen lix gobol si ay u baabi’iyaan lahaanshaha dadlka dhulka leh ama loogu yimid oo deegaankooda ah, waxeyna tan ka turjumeysaa qaacidadii gumeysiga oo aheyd qeybi oo xukun.

Qore: Isaak Eeding Hassing (Isaak doolow)
isakdoolow@yahoo.com

Is dhiibitaankii Xasan Dahir Aweys uu Al-Shabaab isku dhiibey

December 29, 2010

Xildhibaano ku baaqay in dalka laga saaro Shirkadaha shisheeye

December 28, 2010

Xildhibaano ka tirsan Barlamanka KMG Soomaaliya ayaa ugu baaqay xukuumada inay Barlamaanka u cadeyso shirkado ay sheegeen in ay sharci daro yihiin kuwaaasi oo heshiis la gashay dowladda kMG Soomaaliya.

Kulankaani oo ay maanta isugu yimaadeen ilaa 50 xildhiban oo ka tirsan Barlamanka Soomaaliya ayaa waxaa uu ka dhacay gudaha Magaalada Muqdisho, waxaana kulankaasi xildhibaanadu ay si weyn uga doodeen heshiisyo ay sheegeen in shirkado ajanabi ah ay la soo galeen xubnaha ugu sar sareeya dowladda KMG Soomaaliya kuwaasi oo qaarkood iminka ka howlgala gudaha Magaalada Muqdisho.

Xildhibaan C/raxmaan Jimcaale Cusmaan oo ka mid ahaa mudanayaashii kulankaasi ka qeyb galay ayaa sheegay in mudooyinkii ugu dambeeyay ay dalka ku soo badanayeen shirkado uu sheegay in dalka ay ku joogaan si sharci daro ah, isagoo tilmaamay inay dalka soo galiyeen shaqsiyaad gooni ah oo ka tirsan Xukuumada, waxeyna ka codsadeen mudanayaashii maanta kulamnay, Ra’iisul wasaaraha Xukuumada KMG Soomaaliya Max’ed Cabdulaahi Max’ed (Farmaajo) in hadii uu arinkaasi wax ka ogyahay uu soo hordhigo Barlamanka Soomaaliya si looga doodo in shirkadahaasi ay ka sii shaqeeyaan dalka iyo in ay isaga baxaan dalka.

Xildhibaan C/raxmaan Jimcaale ayaa sidoo kale waxaa uu xusay in aysan aqbli karin barlamanka Soomaaliya in shirkadaasi ay dalka ku sii joogaan si sharci daro ah, sidaasi darteedna waxaa uu ugu baaqay shirkadaasi inay dhaq dhaqaaqooda shaqo yaareeyaan ilaa inta xal laga gaarayo arinta lagu soo eedeeyay oo ah inay dalka ka joogaan si sharci daro ah.

Ugu dambeyntii xildhibaanadii kulankaasi ka qeyb galay ayaa baaq waxaa ay u jeediyeen shirkadaha ay ka mid yihiin SKA Air operation, Saracen International, iyo Burncraft RA, International iyo shirkadda iibsatay furaha intarneetka Soomaaliya in aysan dhaqaalahooda ku bixin jeeb ay leeyihiin dhaqsiyaad gaar ah.

Shalaya ayaa muushin lagu dalbanayay in xukuumado ay soo cadeyso shirkadaha shisheeye ee ka howlgala dalka Soomaaliya waxaa laga hor cadeeyay howlka Barlamanka ee Magaalada Muqdisho iyadoo xukuumada KMG Somaaliya laga sugayo jawaabta hadalkii shalay ka soo baxaya Barlamanka Soomaaliya.


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 51 other followers