Hagardaamo Mahaatiri Iyo Foojignaan Darada DigilMirifle “Deyo DigilMiriflow” Q-12aad

Xaashi Cali Barre wuxuu gabey talo iyo tusaale xambaarsan uu u tiriyey madaxweynihii ugu horeeyey ee ahaa Aaden Cabdulle Cusmaan “Aden Cade”.
Hadana waxaa xusid mudan gabay Xaashi uu kula dar-daarmey Aden Cadde maalintii madaxweynaha loo doortey wuxuu gabeygiisu ku yiri:-

(1)Adeer Aadanow waxeynu nahay ehel walaalaaye.
(2)Ardo iyo inaan macalim nahay waad ogsoon tahaye
(3)Aasaaskii leegada markii udubka loo taagey
(4)Ay axad aheyd maalintaan olokadeynaayey
(5)Axdi iyo kitaab baan laheyn la’isku aamino’e
(6)Artiikolona waad noo dhigteen odeyadiiniiye
(7)Amiirnimada maanta adigaa eebe kuu amraye
(8)Iraadada ilaahey markey taada kuu idlato
(9)Ajashaadu ay soo dhacdee lagu asiibaayo (10) Oo uunku kaa kala tagaan axad laguu reebin
(11) Asrafiil kuu imanayoo ku imtixaanaayo
(12) Albaabada fardowsiyo janada la astareexaayo
(13) Iyo ololka naartuba adigey ku ag yaaliine
(14) Sidaad eegan uunka u gashaa aayad kuu noqone
(15) Allaa igu ogoo kaad eegataa oodi kaa xigine

Dar-daarankii iyo waanadii Xaashi Cali Barre waxba lagama soo qaadinee waxaaba laga tagey cadaaladii, oo diintii laga fogaadey, waxaase la noqdey kuwo u shaqeeya gumeysigii la yiri waa laga xoroobey.

Xaaladii dalka meeshii la rabey, mar hadii xoriyadda la helay in ay wanaagsanaan doonto ayaa waxey noqotey in la qooraarsado in la qooraarsado tii gumeysigii.

Waxaase ay bilaabeen in ay dadka ku maaweeliyaan doorashadii hore waxaa maamulayey gumeysigii, su’aasha meesha taala ayaa ah: waa tan xoriyadda laga qaatey gumeysiga maxaa keeney in uu doorashada wadan uusan gumeysaneyn maamulo?. Dabcan leego ayaa dabada ku wadatey ayna aheyd mid uu asaga aas-aastey waa gumeysigiiye, waxeyna iska aheyd xisbi lahaa gumeysigii Telyaani.

Waxey dad weynaha ku maaweeliyaanba in doorashada danbe ay noqon doonto mid caddaalad ku saleysan, waxaase la gaarey doorashadii la sugaayey.

1964-ti waxaa la qabtey doorasho dastuuri ah oo xukuumada soomaalidu maamuleyso, tartan, beretan, iyo olole ay u galeen la jirkii teliyaani waa “Leego’e eexda, asraarka, laaluushka, ku shubashada, iyo musuqmaasuqu waxey noqdeen bareer cadaan ah oo aan lakala qarsaneyn, ninba calaf uu doorashada ka qaadaba ragna ku ceyroow, ragna koofiyad cad bey gashteen, waxaana meesha lagu doortey Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo loo doortey in uu noqdo Ra’iisul wasaare, doorashaduna ha dhamaato, Cabdirisaaq Cabdirashiid ma dhaami doonaa? Dowlad ha la dhiso miisaaniyad baarlamaanku ha ogolaado, bishii danbe ha la gaaro, noloshii dad weynuhu waxey gaartey heer nin siyaasi ah oo weliba baarlamaanka ku jira nin uu gacanta hayo ma ahee aanu qof kale shaqo iyo garsoor iyo tacliin haweysan.

Hadaba markii ay nolosha bulsho weynta ku xirantey nin baarlamaanka ku jira, qabiil kasta iyo jilib kastaa wuxuu u xusul duubtey, dagaalna u galey in uu baarlamaanka kuraas ku yeesho, suuro galna ma ahan in qabiil walba ama jilib walba mudane helo, taasna waxey dhalisey in dadweynihii kalsoonidii ay lahaayeen iyo rajadoodiiba ka xumaato, oo badankoodii dani ku khasabtey in ay yar iyo weynkoodba mahrad ka dhigtaan in uu noqdo mudane baarlamaanka ku jiro, hadii uu noqon kareynina uu dhiso mudane gacanta qabta oo danihiisa u fuliya, waxeyna noqotey is dhex yaal iyo daneysi oo aan dan laga laheyn danaha dalka iyo dadkuba, waxaana si rasmi ah u bilaabatey in indheergaradadii iyo nin kastoo wax yiqiin af miinshaar laga dar yeelo, dabadeedna eexdii, laaluushkii, xaq daradii noqdeen wax lagu faano, oo boolidii iyo xoolihii umadda lagu xalaashadey, nabad gelyada iyo kala danbeyntii dalkana ay xumaatey, dilkii iyo dhiciina wax joogto ah ayey iska noqdeen mar walba.

1964-ti markii ay dhacdey abaartii daba dheer (Jimaa baasti) waxa ay sameeyeen dadkii “mahaa tiri” oo xukunka hayey hor socodkooduna ahaa Cabdirisaaq Xaaji Xuseen in ay soo daad gureeyeen dadkooda oo ku baaba’aayey Gobolada dhexe, W/ bari, W/ galbeed iyo Galbeedba, oo ay deegaan ooga sameeyeen Alto Jubba iyo Basso Jubba oo ay hada ka dhigeen lix gobol si ay u baabi’iyaan lahaanshaha dadlka dhulka leh ama loogu yimid oo deegaankooda ah, waxeyna tan ka turjumeysaa qaacidadii gumeysiga oo aheyd qeybi oo xukun.

Qore: Isaak Eeding Hassing (Isaak doolow)
isakdoolow@yahoo.com

About these ads

One Response to “Hagardaamo Mahaatiri Iyo Foojignaan Darada DigilMirifle “Deyo DigilMiriflow” Q-12aad”

  1. AWDHEEGLE Says:

    soomaalidu waxay u qeybsantaa daashleey ,damacleey ,iyo daadleey daashleey waa dadka beeraleyda iyo kaluumeysatada oo degan daashkii awooweyaashooda oo aan meelna ugu guurin oo daashkooda ,beertooda godkooda,iyo mooradooda isku meel wada yaaliin. damacleey waa dadka ganacsatada oo xeebaha deganaa oo hadba meeshii wax loogu baahdo oo dani ugu jirto wax u beec geeyo ama ka soo qaato oo aan qofna wax u dhimin oo ilaalsada maslaxadiisa iyo tan dadka wax u iib geeyo ama ka soo qaata daadka ha ku qaado waa dadka macruufka ah oo degaanba aan laheyn oo sida daadkii u socoda oo meeshii hal habeen ku baryaba ama daadka ku reeba ku andacooda in awoowgiisa lahaa asagoo og dhulkiisa asalka ahaa oo laga taaban karin taasoo dhaxalsiisey iney yiraahdaan teyda anagaa iska leh taadana kula lihi waana dad xumaanta iskugu hiiliya samaantana ku kala fogaada nin waayeel ah ayaa wax laga weydiiyey dadka soomaalida sida ku heshiin karaan kuna kala badbaadi karaan asgoon ka fakarin ayuu la soo boodey laga bilaabo beledweyne meel yara ka baxsan ilaa laascaanood haddii dhulka lala gooyo oo inta soo hartey la isku kabo soomaaliya waa heshiineysaa waan inta kaankarada kasasarka soomaaliya kaga taal in la gooyo ama la gubo daawo kale ma laha waa kasar waa dadka leh af aan xishoon , calool aan dhergin iyo sal aan fadhiisan

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 46 other followers

%d bloggers like this: