Archive for January, 2011

War Deg Deg ah: IGAD oo sheegatey in Barlamanka xili kordhin loo sameeyo markii la gaaro bisha 8-dedaad ee sanadkaan, iyo Wakiilka Xoghaya Guud oo sheegay in shir lagu qaban doono Nairobi

January 31, 2011

Urur Gobolkeedka IGAD, ayaa go’aano ay kasoo saareen shir ay xalay ku yeesheen magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiy, waxay ku xuseen in marka uu dhammaado xilliga dowladda Soomaaliya oo dhammaanaya bisha Ogoosto ee sannadkan 2001, muddada loo kordhiyo baarlamaanka Soomaaliya iyo in aan la kordhin marnaba Wakhtiga Madaxweynaha iyo Xukuumadiisa ayna ugu egtahay Aug/2011. Madaxweyne Sheikh Shariifna isa soo sharixi karo mar kaleSoomaliya ayaa IGAD kulanka soo jeedisey in xili kordhin loo sameeyo Baarlamaankeda marka waqtiga ku meel gaarklu uu dhamaado sanadkaan bishiisa sideedaad, Waxay kaloo sheegtey in aan waqtiga loo kordhin karin Madaxweynha iyo Xukuumada waxaan kulankasi IGAD kala soo qeyb galey Qaramada miidoobey iyo dowladaha daneya arimaha soomaliya.
Sidoo waxaa ay shegaan in beesha Calamka loga bahanyahey in ay taagero dhaqaale u fidiyaan dowlada Soomaliya inta xiligeeda laga gaarayo ee ay ka noqoneyso mid ka baxda ku meel gaar taan ay horsed ka noqoto qaramada midoobey.

Dhankakale waxaa kulankasi ka hadley Wakiilka Xoghaya guud Agoustino Mahigaha oo kulanka ka shegay in aan waqti danbe u harain dowlada lana qaban qabin doono kulan xiliyad soo adan kaas oo ay ka soo qeyb galayaan dowlada iyo ururada aan dowliga aheyn iyo siyaasiin kale oo soomaliyeed kaasna looga hadli doono mustaqbalka Soomaliya.

Ugu danbeyntiina waxa warkiisa uu ahaa mid u eg sidii ninka iska leh Go’aan ka gaarida arimaha Soomaliya xiliga ay kulamayan iyo waliba awaxa ay dhisayaan Soomaalidu sida uu u hadley sarkaalkaan reer Tanzania.

Waxaan arintaa ay u egtahey mid ay wataan IGAD iyo Qaramada midoobey oo la doonayo in balxigaan si kale hadan loo dhigo dowlada islamarkasna la soo ordhiyo ciidamad shisheeye oo halkaasi ay uga sii socoto mashariicda aan dhamaadka laheyn ee soomaaliya lagu tirtirayo siyasad ahaan iyo dad ahaanba iyo xitaa dhulahanba.

Warar kale oo sheegaya Madaweyne Sheikh Shariif oo hadalo kulkulul is weydaarsadeen MALEZ:
Madaxda IGAD ayaa Madaxweyne Shariif kula taliyay inuu kursiga Madaxweynenimada iskaga dego ka hor bisha March laakiin taasi waxay sababtay inuu Shariif iskaga baxo kulanka.

Madaxweynaha Jibouti Ismaciil Cumar Geelle ayaa ka daba tegay oo kulanka IGAD ku celshay sida ay Waajidpress u sheegeen qaar ka mida wafuuda la socota Madaxweyne Shariif.

Markii kulanka lagu celshay Shariifka ayuu miiska saaray qorshe uu ku sheegay inuu ku kala diray baarlamaanka federalka Somalia ee tirada badan,wuxuuna IGAD ka codsaday in lagu gacan siiyo sidii tiro kooban looga dhigi lahaa golaha baarlamaanka.

Madaxda Ethiopia iyo Uganda ayaa Shariifka ula hadlay si kulul,waxayna meesha ka saareen damaca la xiriira in baarlamaanka tirada badan la yareeyo.

” Ma ahan xilli munaasiba,waxaan kuugu baaqeeynaa inaad joojisid waxyaabaha abuuri kara khilaaf dhexdiina ah,waxaan kugula talineynaa inaad 24 saac gudahood uga laabatid go’aankii baarlamaanka aad ku kala dirtay hadii kale waxaad nala tahay nin ka shaqeeynayo carqalad iyo dhibaato horleh oo beesha Caalamka xalin karin”ayuu Ra’isulwasarre Melles Zenawi ku yiri Madaxweyne Shariif.

Shariifka ayaa Melles Zenawi ugu jawaabay waan kaaga baxay shirka,xaqna uma lahid inaad sidaas khalafsan iigu meerisid xalka dalkeyga Somalia.

Madaxweyne Shariif ayaa iskaga baxay shirkii IGAD mar labaad,hadana waxaa ka daba tegay Madaxweyne Geelle oo ku guuleeystay inuu ku celsho wada hadalada.

Si kastaba ha ahaatee,Madaxweynaha Uganda ayaa arrinka si weyn u fara geliyay,wuxuuna ku cadaadiyay Shariifka inuu ka laabto go;aankiisa kala derista baarlamaanka,taasina waa aqbalay Shariif Axmed sida laga shaaciyay Madaxtooyadda Villa Somalia.

Kulan qarsoodiya ayaa Magaaladda Nairobi ku dhexmaray Gudoomiyaha baarlamaanka oo todobaad ka hor tegay Addis Ababa iyo Cali Maxamed Geeddi,waxaana muuqato inay socdaan qorshooyin loogu caleema saaraa hogaaminta Somalia Shariif Xasan ama Cali Geedi..

War-murtiyeed looga hadlay Somaliya oo kasoo baxay kulanka M/Afrika

January 31, 2011

Addis’ Ababa :(WAAJIDPRESS) Ururka Midowga Afrika oo kulan ugu soo gaba gaboobay magaalada Addis’ Ababa ee Xarunta dalka Ethiopia ayaa waxaa ay kulankooda kasoo saareen war murtiyeed oo dhinacyada badan taabanayay islamarkaan ku saabsanaa arimaaha Soomaaliya.

War murtiyeedkaan ay soo saareen Madaxda Ururka Midowga Afrika oo koobnaa ilaa 5-beej ayaa qeyb ka mid ah waxaa looga hadlay arimaha Soomaliya, waxaana ka mid ahaa warmurtiyaadkaasi in la kordhiyo mudada barlamanka oo ku ekeyd 20-ka August 2011.

Sidoo kale War murtiyeedkaasi ayaa lagu xusay in dowladda KMG Soomaaliya ay sii xoojiso xiriirkii ay lalahayd Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca, iyadoo laga tixraacayo hishiiskii hore ee labada dhinac ay kuwada galeen magaalada Adis’baba ee Caasimadda dalka Ethiopia.

Warmurtiyeedka ayaa dowladda KMG Soomaaliay looga dalbaday inay sii wado xiriirkii ay lala hayd Maamulada Putnland, Somaliland iyo in lakordhiyo ciidamada AMISOM ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya oo tiradoodu markii hore aheeyd 8-kun lana gaarsiiyo ilaa 20-kun oo askari, kuwaaasi oo laga keenayo qeybo ka mid ah dalalka Afrika.

War murtiyeedkaasi ayaa lagu sheegay in dowladda KMG Soomaaliya looga baahanyahay inay caawiyaan dadka ku tabaalaysan gobolada dalka gaar ahaan goobaha ay gacanta ku hayan Xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab.

Ugu dambeybn ayaa ayaa war murtiyeedkaasi lagu sheegay inay ay dhaweeyaan magacaabistii Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya hase ahaatee waxaa ay hoosta ka xariiqeen in waqtiga yar uu u haray Xukuumadda dowladda Soomaaliya ay golaheeda wasiirada looga baahanyahay inay dhamaystiraan howsha u taala ee baaxadwayn leh.

Faahfaahin ka soo baxday horjooge Shabaab ay shalay toogteen

January 31, 2011

Faahfaahin dheeraad ayaa ka soo baxeysa nin Maleeshiyaadka Shabaab ay shalay ku toogteen fagaare ku yaala magaalada Muqdisho.

Ninka la toogtay oo magaciisa lagu sheegay Axmed Keyse ayaa ahaa 44 sano jir waxaa uuna jaamacad uga soo baxay dalka Suudaan sanadkii 1988-dii, waxaa uuna sidoo kale ka mid ahaa aas aasayaashii Maleeshiyaadka Shabaab, isagoo fikarad ahaan aad ugu dhawaan Axmed Godane iyo Ibraahin Afqaan.
Axmed Cali Xuseen oo 44-jir ah islamarkaana Shabaab shalay galinkii dambe ay ku toogteen deegaanka Maslax ee duleedka magaalada Muqdisho kaasi oo ay sheegeen in uu basaas u adeegayay sirdoonka Maraykanka ee FBI-da ayaa maanta waxaa ay soo bandhigeen filin maqal iyo muuqaal ah oo laga duubay ka hor inta aan la toogan eedeysanahaasi.

Saraakiisha Shabaab ayaa shalay waxaa ay balan qaadeen inay soo bandhigi doonaan filim maqal iyo muuqaal ah oo soconaya in ka badan halsaac kaasi oo looga turjumayo waxa uu qaban jiray ninka shalay ay ku toogteen deegaanka Maslax ee magaalada Muqdisho oo ay isugu yimaadeen dad wayne aad u farabadan.

Axmed Cali Xuseen waxaa uu Filinkasi ku sheegay in uu ku dhashay magaalada Hargaysa ee Xarunta Maamulka Somaliland, isagoo xusay in loo soo diray in uu ogaado dadkii ka dambeeyay qaraxii loo gaystay safaaradii Maraykanka ee Daarusalaam Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya.

Waana ninkii ugu horeeyay oo ay Al Shabaab toogtaan kuna eedeeyaan in uu yahay nin jaajuus ah oo u shaqaynayay sirdoonka wadanka Marayknka islamarkaana ay soo bandhigaan filin uu kaga hadlayay waxyaabihii uu u qaban jiray Sirdoonka Maraykanka.

Ninkani ayaa sanadkii 2008 dii lagu xiray Hargeysa mudo hal sano ah kadib markii lagu eedeeyay argagixisanimo. Waxaa uuna dib ugu soo laabtay Muqdisho kadib markii xabsiga Hargeysa laga sii daayay.

Hase yeeshee 2009 kii bishii Shanaad ayeey horjoogayaasha Ajaanibta ah ee Shabaab ay xabsiga dhigeen iyagoo ku eedeeyay in uu xiriir la leelayay Hey’adaha, iyadoo maalintii shalay ninkaasi lagu toogtay fagaare ku yaala Muqdisho.

Wasiiro ka tirsan Dowlada oo booqday Cisbitalka Madiina

January 31, 2011








Wasiiro ka tirsan Xukuumada KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta booqday Cisbitalka Midiina oo la dhigay dadkii ku dhaawacmay Mashaqadii maanta ka dhacday isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Dhawacyadii iyo dhimashadii ka dhalatay gaari Suug ah oo rasaasi si xad dhaaf ah kaga fakatay ayna ka dhalatay masiibo ay ku baaba’een dad rayad ah iyo askar ka tirsan ciidamada dowlada oo dhaawacooda iyo dhimashadooda la geeyay cisbitaalka Madiina ayaa waxaa halkaasi ku booqday xubno ka tirsan golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya uu hoggaaminayay R/wasaare ku xigeen ahna Wasiirka Difaaca C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi.

Xubnaha Wasiirada ee Cisbtaalka sidoo kale tegay ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka arimaha gudaha iyo Amniga Qaranka C/shakuur Xasan Faarax , Wasiirka Caafimaadka iyo Saraakiil sar sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Xubanaha Wasiirada ee Cisbitalka booqday ayaa ku soo wareejiyeen qeybaha Cisbitaalka ee la geeyay dadkii ku wax yeeloobay dhibaatadii maanta magaalada Muqdisho ka dhacday

Wasiirka Difaaca oo kadib kormeerkiisa Shirjaraa’id ku qabtay gudaha Cibtaalka ayaa tacsi u diray qoysaska dadkii dhibaatadu gaartay waxa uuna sheegay in ay tahay wax laga xumaado ayna gurmad caafimaad dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya uga raadin doonaan.

Agaasimaha Cisbtaalka Madiina Dr. Maxamed Yuusuf ayaa sidoo kale sheegay in guud ahaan Cisbtaalka la keenay 81 ruux oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Waxa uu sheegay in 17 ka mid ah ay geeriyoodeen , 36 kalana ay dhaawac yihiin halka 18 na dib Cisbtaalka looga celiyay markii gargaar caafimaad loo sameeyay.

Dhinaca kale dareenka ka jiray Cisbitaalka gudahiisa ayaa ahaa mid aan la soo koobi Karin

tiradoodu dhawaca oo badnaa ayaa la hoos tubay geedaha hoostooda markii jiif looga waayay qolalka Cisbitaalka, boqollaal dadweyne ah oo u badan ehelada dadkii dhibaatadu soo gaartaay ayaa Cisbitaalka soo buux dhaafiyay.

Hooyo Soomaaliyeed oo wiilkeeda oo ka mid ah dadkii dhibaatadii maanta ku soo dhaawacmay oo babis la dul taagneeyd wiilkeeda ayaa Radio Muqdisho u sheegtay in wiilkeeda xaaladiisa aysan qiyaasi Karin sida ay noqondoonto waxa ayna sheegtay xabaddu in ay wadnaha hoostiisa ka haleeshay.

Sidoo kale wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa dadka Cisbtaalka loola soo cararay oo dhaawaciisu u muuqday mid ka fudud dhibaatada dadka kale heysata ayaa sheegay in ay ugu ogaal danbaysay markii uu dhaawacmay, uuna ku soo baraaruray isaga oo Cisbtaalka yaala .

Mashaqadani ayaa ah mid ay si weyn uga xumaadeen Dowlada iyo Shacabka, waxeyna mas’uuliyiinta Dowladu ummada Soomaaliyeed uga tasiyeeyeen shilkaasi naxdinta leh, iyagoo cadeeyeen in ay socoto baaritaanno ku aadan sababtii keentay shilkaasi.

Xafiiska Madaxweynaha oo beeniyay in Madaxweynahu uu kala dirayo Golaha Barlamaanka

January 30, 2011

Ujeedo : Ka Jawaabid Qoraal Been Abuur ah.

Waxaa nasiib darro ah iyadoo xaaladda Soomaaliya ay mareyso meel aad u adag oo u baahan in lagula tacaalo xikmad iyo xilkasnimo masuuliyadeed, in saxaafadda Soomaalida qaarkeed ay qoraan qoraallo been abuur ah oo lagu kala fogeynayo dowladda qeybaheeda kala duwan iyo weliba shacabka Somaaliyed.

Waxaa maalmahan laysla dhex marayay hadallo kutiri-kuteen ah oo sheegaya in Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Shariif Sh. Axmed uu kala dirayo Golaha Barlamaanka KMG ee Soomaaliyeed, hadalkaas oo ah mid aan sal iyo raad toona laheyn, looguna talagaly in khilaaf iyo fidno laga dhex abuuro hey’adaha Qaranka.

Haddaba, Xafiiska Madaxweynuhu waxaa uu halkaan ku caddaynayaa in uu Madaxweynaha Soomaliya u taagan yahay ilaalinta sharciga iyo ixtiraamka Golaha Barlaamanka, isla markaana uu qadarinayo ahmiyadda uu Golaha barlaamaanku u leeyahay jiritaanka Qaranimada Soomalaiyeed.

Waxaa uu sidoo kale Madaxweynuhu ugu digayaa bahda saxaafadda qarkeed ee caadeysatay faafinta hadallo xaqiiqda ka fog in ay ka waantoobaan faafinta wararka been abuurka ah, kuwaas oo alaaaba huriya khilaaf, fidno iyo khalkhal siyaasadeed.

War Deg Deg ah: Farmaajo oo barlamanka oo Baarlamaanka maanta hortagey

January 30, 2011

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) iyo xubno ka tirsan golaha wasiiradiisa, ayaa hortagay 325-xildhibaan oo xaadiray kulankii baarlamaanka Soomaaliya ee maanta, si ay sharraxaad uga siiyaan heshiisyo ay dowlada Soomaaliya horay ula gashay shirkado shisheeye.

Xubnaha, ra’iisul wasaaraha ku wehliyay kulanka ayaa waxaa ka mid ahaa: ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka gaashaandhigga C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi, ra’iisul wasaare ku xigeen ahna wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah C/weli Maxamed Cali, wasiirka warfafinta, boostada iyo isgaarsiinta C/kariin Xasan Jaamac, wasiirka dekedaha gaadiidka cirka iyo dhulka Axmed C/raxmaan Cabaade iyo xubno kale.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya Max’ed C/laahi Max’ed Farmaajo oo kulankaasi ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in ay jiraan shirkado dhowr ah oo ku sugan maagalada Muqdisho islamarkaana baaritaano dheer kadib ay ku ogadaan ku dhawaad 10-shirkad oo ay ka mid ahaayeen, SARCCEN, SKA, ALFA, UMBOS, SHAAHID, DEEQA, NSA, iyo shirkado kale oo uu sheegay in badankooda ay hishiis lagashay UN-ka, isagoo sheegay in shirkadahaasi ay qaabilsan yihiin arimaaha dhismaha.

“Waxaan ,halkan idin kugu imid afar todobaad ka hor, waxaana i weydiisateen inaan sharraxaad kasoo bixiyo shirkado dhowr ah oo heshiisyo lala galay, kuwaasoo aan baaritaano kala duwan ku soo sameynay, aana u nimid maanta inaan idiin sharraxno,” ayuu yiri Farmaajo oo ay garbihiisa taagnaayeen wasiiradii la socday.
Ra’iisul wasaaruhu, wuxuu sheegay in shirkadahaas ay heshiisyo la gashay xukuumadii tiisa ka horreysay, uuna u xilsaaray inay baaritaano kusoo sameeyaan xubno ka tirsan golaha wasiirada, si aan xog dhameystiran idin kaga siino.

“Shirkadihii aan baarista ku sameynay, waxaa ka mid ah: Saracen International, SKA Ari, .SO, RA International iyo kuwo kale, waxaana qaar ka mid ah heshiisyo la galay Mareykanka iyo Qarammada Midoobay,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Farmaajo.

Mr. Farmaajo, ayaa sheegay in shirkadaha RA International oo qaabilsan dhismaha iyo dib u habeynta, aysan heshiis la gelin dowladda Soomaaliya, balse ay Qarammada Midoobay la gashay heshiiska ay ku shaqeynayso, sidoo kalena shirkadda Alfa Logistic Service oo iyadana qaabilsan dhismaha darbiyada si loo sugo amaanka ay heshiiska la gashay Qarammada Midoobay.
Sidoo kale shirkadda, Bancroft, oo uu sheegay inay caawiso ciidammada AMISOM, aysan iyagu la gelin heshiis, balse ay heshiiska la gashay wasaaradda arimaha dibada ee Mareykanka, isagoo xusay inaysan dowlada wax shaqo ah u hayn.

Wasiirka qorshaynta iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda KMG Soomaaliya ahna Ra’’sul wasaare ku xigeenka C/wali Max’ed Cali oo isna ka hadlay kulankaasi ayaa waxaa uu sheegay in hishiiska lala galay shirkadda Saracen aysan lagalin Xukuumadda hadda jito oo uu hogaamiyo Ra’iisul wasaare Farmaajo, isagoo tilmaamay in Xukuumaddii hore ay hishiiskaasi laga shay Shirkadaha shisheeye.

C/wali Max’ed Cali oo hadlkii sii wata ayaa sheegay intii ay wadeen baaritaanada ku aadan hishiiska Saracen ayaa waxaa uu sheegay in ay lakulmeen Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed islamarkaana uu sheegay in hishiiska Shirkadaasi ay baahi jirta owgeed garteen in lala galo hishiis hase ahaatee uusan saxiixneen hishiiska Saracen.

Wasiirka gaadiidka cirka iyo dhulka Axmed C/raxmaan Cabaade, oo isagana ka hadlay heshiiska lala galay shirkadda SKA Air, ayaa sheegay in heshiiska ay la gashay xukuumaddii hore, sababta loola galayna ay ahayd inay casriyeyso garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, dhaqaalaha kasoo xaroodana ay 70% iyadu qaadato, halka 30% ay siinayso dowladda Somalia. Xarunteeduna tahay Dubai.

Sidoo kale, wasiirka warfaafinta, boostada iyo isgaarsiinta C/kariin Xsan Jaamac, oo isagana ka warbixiyay halka uu ku dameeyay furihii Internet-ka ee Soomaaliya (.SO), ayaa sheegay in xukuumadii hore ay heshiis kula gashay inay ku shaqeyso shirkada Japan laga leeyahay oo lagu magacaabo GMO, kaddib markii in ka badan 400-dal ay soo codsadeen in la siiyo magacaas.

Ugu dambeyntii ayaa shirka soo xiray gudoomiye ku xigeenka barlamanka C/wali Sheekh Muudeey kadib markii sawaxan uu ka dhex dhashay Xidlhibaanada barlamanka, wuxuuna si caro leh ugu dhawaaqay in shirka uu xiran yahay isagoo fasaxay Ra’iisul wasaaraha iyo Wasiiradii la socday ee kulankaasi ka qeybgalay.

Dhanka kale, guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Shariif Sheekh Aadan iyo xildhibaano badan oo la socday ayaa ku soo maanta duhurnimadii dib ugu soo laabtay Muqdisho.

Ban ki-moon oo gaaray Addis kana qeyb galaya shirka midowga Afrika

January 30, 2011


Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon, ayaa maanta ka degay magaladda Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia halkaasi oo uu kaga qeyb galayo shirmadaxeeedka dalalka ku bahoobay ururka midowga Africa.

Shirkani oo bilaaban doono maalinta bartio ah taariikhduna ku beegantahay 30 January socon doonana ilaa 31 bishan ayaa waxaa ka mid ah ajandayaasah ugu waa weyn ee lagu soo qaadan doono xalaada amaan ee dalka Soomaaliya, rabshada iyo kacdoonada ka taagan dalalka Maser iyo Tunisia, qalallaasaha siyaasadeed ee ka jira dalka Ivory Coast iyo guud ahaan qaaradda Africa.

Shirmadaxeedka midowga Africa waxaa bar bar socondoona shir gaar ah oo xogahaya guud ee QM gudoomin doona islamarkaana diiradda lagu saari doon arimaha Soomaaliya gaar ahaan waqtiga sii dhamanaya ee DKMG Soomaaliya iyo in dowladda KMG laga gacan siiyo soo celinta amaanka Soomaaliya.

Ban ki-moon ayaa lagu wada in uu qudbad ka jeediyo furitaanka shir madaxeedka midowga Africa, waxaana kulankaasi Soomaaliya uga qeyb gali doona wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheikh Shariif Sheekh Axmed.

War Deg Deg ah: Saraakiil Ethiopian-ah oo hub iyo raasaas ku wareejiyay Ahlu Sunna

January 30, 2011

Saraakiil iyo ciidamada Ethiopina- ah ayaa waxaa ay hub iyo rasaas siiyeen Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca degmada Balanbal ee gobolka Galagduud.
Wararka ka imaanaya degmada Balanbal ee gobolka Galgaduud oo ay shalay gaareen saraakiil iyo ciidamo Ethiopian oo kulamo laqaatay Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljmaaca ayaa sheegaya in xalay dib ay ugu laabteen goobihii ay ka yimaadeen ciidamadaasi.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in ciidamada Ethiopian-ka ay hub iyo rasaas ay ku wareejiyeen Maamulka Ahlu Sunna ee gobolkaasi, waxaana ay ciidamada Ethiopian-ka ay ka dhawaajiyeen inay garab taaganyihiin islamarkaana ay taagayrayaan ciidamada Ahlu Sunna oo dagaalada kula jira Xarakada Mujaahihdiinta Al Shabaab.

Qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada Maamulka Clumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa soo dhaweeyay rasaasta ay siiyeen Ciidamada Ethiopian-ka kuwaasi oo sheegay in xiriir wanaagsan uu ka dhaxeeyo Saraakiisha ciidamada Ethiopian-ka iyo Maamulka Ahlu Sunna.

Shalay ayay aheyd markii ciidamo iyo saraakiil Ethiopian-ah ay gaareen degmada Balanbal ee gobolka Galgaduud kuwaasi oo la sheegay inay fariisimo ka sameynteen qeybo ka mid ah deegaankaasi, hase ahaatee xalay la tilmaamay in ciidamdaasi ay dib ugu noqdeen deegaanadii ay markii hore ka yimadeen.

War Deg Deg ah: Shirkadaha diyaradaha Maxaliga ah ee Muqdisho oo Eedeyn u jeediyey shirkada SKA qaabka ay uga shaqeyso garoolka diyaradaha muqdisho iyo in ay dooneyso in ay joojiso howshooda

January 29, 2011

Maanta ayaa waxaa ka hadley shirkadaha diyaradaha ee ka howlgala muqdisho iyo gobolada koonfurta soomaliya hab dhaqanka shirkada Ajanibiga ah ee dhowaan la wareegatey maamulka garoonka diyaradaha laguna magacaabo SKA.
Sida u shegay maanta Afhayeenka Shirkadaha dhinaca duulimadka ee ka howl gala muqdisho ugu waaweyn ee garoonka diyaradaha muqdisho waxaa soo baxey in ay cadaadis aan caadi aheyn saartey howlahoodi sida rakaabka iyo xitaa dhaqdhaqaaqa shirkadana shaqalahooda ayan mel kasta oo garoonka ka mid ah ciriiri ka galisey howlahoodii.

Afhayenka ayaa shegay in faragalin buuxda ay dooneyso in ay howlahooda ku cuuryamiso SKA si ay meesha u keensato sida uu hadalka u dhigey shirkadao kale oo hadaba ay ka war hayaan balse aan shaca laga qaadin.

Sidoo kale waxaa uu ka codsadey in uu ka codsanayo R/Wasaare Farmaajo inuu soo faragaliyo cabashadooda si ay ugu madax banaadaan howlaha ay u hayaan Bulshadsa Soomaliyeed oo ay u qidmayenayeen 20-kii sane ee la soo dhafey.

Waxaan laga war qabaa in muqdisho ay ka jiraan shirkado badan oo qaabilsna dhinaca diyaradaha kuwaas oo mid waliba ay goonideeda u shaqeysato isla markasna aan la qiyzsi Karin waxa xiyda soo socda ay sameyn doonaan.

Xildhibaanada Barlamaanka oo diiday Ansixinta Gudoomiyaha Cusub ee Maxkamadda sare Dowladda KMG-ka.

January 29, 2011

Kadib kulan ay maantay ku yeesheen gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada soomaliya xilibaano ka tirsan baarlamanka KMG ayaa waxay kulankooda uga soo horjeesteen ninka loo magacaabay gudoomiyaha maxkamada sare ee dowlada KMG- Xuseen C/salaan Cilmi kana mid ah xilibaanada baarlamanka islamarkaana dhawaan ay ansixiyeen golaha wasiirada xukuumada farmaajo.Xilibaanadaan ayaa waxa sheegeen in ninka loo magacaabay gudoomiyaha maxkamada sare uusan aheen nin gudan kara xilka loo magacaabay khibradna uusan u laheen hoosha loo dhiibay,iyagoona intaa kudaray in ay khalad tahay in qof aan khibrad laheen shaqadaasi loodhiibo.

Xilibaan Cabdalla Boos Axmed oo ahaa wasiirkii wasaaradii hore ee gaashan dhiga ee xukuumadii sharmaak ayaa war saxaafadeedka ay soo saareen xilibaanda u aqriyay war baahinta, wuxuuna uga digay madaxwaynaha dowlada KMG Shariif Sh Axmed in uu ansixiyo ninka loomagacaabay jagada Gudoomiyaha Maxkamada sare Xuseen C/salaan Cilmi oo kamid ah xilibaanada baarlamanka.

Maalintii shalay ayay aheed markii sidaan oo kale xilibaano katirsan baarlamanka oo uu kamid yahay wasiirkii hore ee shaqada iyo shaqaalaha maxamed cabdi xayir maareeye ay shir jajraa’id oo ay kuqabteen gudaha magaalada muqdisho ay si aad ah ugasoo horjeesteen godoomiyaha loo magacaabay maxkamada sare taasi oo u muuqata in xilibaanada ay kasoo hojeedaan magacaabista xuseen c/salaan xilmi loo magacaabay gudoomiyaha maxakamada sare.


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 48 other followers