Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) iyo xubno ka tirsan golaha wasiiradiisa, ayaa hortagay 325-xildhibaan oo xaadiray kulankii baarlamaanka Soomaaliya ee maanta, si ay sharraxaad uga siiyaan heshiisyo ay dowlada Soomaaliya horay ula gashay shirkado shisheeye.
Xubnaha, ra’iisul wasaaraha ku wehliyay kulanka ayaa waxaa ka mid ahaa: ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka gaashaandhigga C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi, ra’iisul wasaare ku xigeen ahna wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah C/weli Maxamed Cali, wasiirka warfafinta, boostada iyo isgaarsiinta C/kariin Xasan Jaamac, wasiirka dekedaha gaadiidka cirka iyo dhulka Axmed C/raxmaan Cabaade iyo xubno kale.
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya Max’ed C/laahi Max’ed Farmaajo oo kulankaasi ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in ay jiraan shirkado dhowr ah oo ku sugan maagalada Muqdisho islamarkaana baaritaano dheer kadib ay ku ogadaan ku dhawaad 10-shirkad oo ay ka mid ahaayeen, SARCCEN, SKA, ALFA, UMBOS, SHAAHID, DEEQA, NSA, iyo shirkado kale oo uu sheegay in badankooda ay hishiis lagashay UN-ka, isagoo sheegay in shirkadahaasi ay qaabilsan yihiin arimaaha dhismaha.
“Waxaan ,halkan idin kugu imid afar todobaad ka hor, waxaana i weydiisateen inaan sharraxaad kasoo bixiyo shirkado dhowr ah oo heshiisyo lala galay, kuwaasoo aan baaritaano kala duwan ku soo sameynay, aana u nimid maanta inaan idiin sharraxno,” ayuu yiri Farmaajo oo ay garbihiisa taagnaayeen wasiiradii la socday.
Ra’iisul wasaaruhu, wuxuu sheegay in shirkadahaas ay heshiisyo la gashay xukuumadii tiisa ka horreysay, uuna u xilsaaray inay baaritaano kusoo sameeyaan xubno ka tirsan golaha wasiirada, si aan xog dhameystiran idin kaga siino.
“Shirkadihii aan baarista ku sameynay, waxaa ka mid ah: Saracen International, SKA Ari, .SO, RA International iyo kuwo kale, waxaana qaar ka mid ah heshiisyo la galay Mareykanka iyo Qarammada Midoobay,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Farmaajo.
Mr. Farmaajo, ayaa sheegay in shirkadaha RA International oo qaabilsan dhismaha iyo dib u habeynta, aysan heshiis la gelin dowladda Soomaaliya, balse ay Qarammada Midoobay la gashay heshiiska ay ku shaqeynayso, sidoo kalena shirkadda Alfa Logistic Service oo iyadana qaabilsan dhismaha darbiyada si loo sugo amaanka ay heshiiska la gashay Qarammada Midoobay.
Sidoo kale shirkadda, Bancroft, oo uu sheegay inay caawiso ciidammada AMISOM, aysan iyagu la gelin heshiis, balse ay heshiiska la gashay wasaaradda arimaha dibada ee Mareykanka, isagoo xusay inaysan dowlada wax shaqo ah u hayn.
Wasiirka qorshaynta iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda KMG Soomaaliya ahna Ra’’sul wasaare ku xigeenka C/wali Max’ed Cali oo isna ka hadlay kulankaasi ayaa waxaa uu sheegay in hishiiska lala galay shirkadda Saracen aysan lagalin Xukuumadda hadda jito oo uu hogaamiyo Ra’iisul wasaare Farmaajo, isagoo tilmaamay in Xukuumaddii hore ay hishiiskaasi laga shay Shirkadaha shisheeye.
C/wali Max’ed Cali oo hadlkii sii wata ayaa sheegay intii ay wadeen baaritaanada ku aadan hishiiska Saracen ayaa waxaa uu sheegay in ay lakulmeen Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed islamarkaana uu sheegay in hishiiska Shirkadaasi ay baahi jirta owgeed garteen in lala galo hishiis hase ahaatee uusan saxiixneen hishiiska Saracen.
Wasiirka gaadiidka cirka iyo dhulka Axmed C/raxmaan Cabaade, oo isagana ka hadlay heshiiska lala galay shirkadda SKA Air, ayaa sheegay in heshiiska ay la gashay xukuumaddii hore, sababta loola galayna ay ahayd inay casriyeyso garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, dhaqaalaha kasoo xaroodana ay 70% iyadu qaadato, halka 30% ay siinayso dowladda Somalia. Xarunteeduna tahay Dubai.
Sidoo kale, wasiirka warfaafinta, boostada iyo isgaarsiinta C/kariin Xsan Jaamac, oo isagana ka warbixiyay halka uu ku dameeyay furihii Internet-ka ee Soomaaliya (.SO), ayaa sheegay in xukuumadii hore ay heshiis kula gashay inay ku shaqeyso shirkada Japan laga leeyahay oo lagu magacaabo GMO, kaddib markii in ka badan 400-dal ay soo codsadeen in la siiyo magacaas.
Ugu dambeyntii ayaa shirka soo xiray gudoomiye ku xigeenka barlamanka C/wali Sheekh Muudeey kadib markii sawaxan uu ka dhex dhashay Xidlhibaanada barlamanka, wuxuuna si caro leh ugu dhawaaqay in shirka uu xiran yahay isagoo fasaxay Ra’iisul wasaaraha iyo Wasiiradii la socday ee kulankaasi ka qeybgalay.
Dhanka kale, guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Shariif Sheekh Aadan iyo xildhibaano badan oo la socday ayaa ku soo maanta duhurnimadii dib ugu soo laabtay Muqdisho.



January 31, 2011 at 4:35 am |
War maxa uu R/Wasaare ka yahay haduusan la soconin cidii keensatay ama heshiiska la gashay shirkadahan boobka ku socdaan. Sidee dal kale ama UNka uu heshiis kula saxiixan kara Somalia oo ay ka jiraan dawlad ku meelgaar hadi la doonaba daciif ha noqoto. Farmajo waad ceeboobday ceebtaada Allah keene waad ceeboobday ee iskaga dhoof meesha daciifyaho oo waxba tari karin