War Deg Deg ah: Saraakiil Ethiopian-ah oo hub iyo raasaas ku wareejiyay Ahlu Sunna

Saraakiil iyo ciidamada Ethiopina- ah ayaa waxaa ay hub iyo rasaas siiyeen Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca degmada Balanbal ee gobolka Galagduud.
Wararka ka imaanaya degmada Balanbal ee gobolka Galgaduud oo ay shalay gaareen saraakiil iyo ciidamo Ethiopian oo kulamo laqaatay Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljmaaca ayaa sheegaya in xalay dib ay ugu laabteen goobihii ay ka yimaadeen ciidamadaasi.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in ciidamada Ethiopian-ka ay hub iyo rasaas ay ku wareejiyeen Maamulka Ahlu Sunna ee gobolkaasi, waxaana ay ciidamada Ethiopian-ka ay ka dhawaajiyeen inay garab taaganyihiin islamarkaana ay taagayrayaan ciidamada Ahlu Sunna oo dagaalada kula jira Xarakada Mujaahihdiinta Al Shabaab.

Qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada Maamulka Clumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa soo dhaweeyay rasaasta ay siiyeen Ciidamada Ethiopian-ka kuwaasi oo sheegay in xiriir wanaagsan uu ka dhaxeeyo Saraakiisha ciidamada Ethiopian-ka iyo Maamulka Ahlu Sunna.

Shalay ayay aheyd markii ciidamo iyo saraakiil Ethiopian-ah ay gaareen degmada Balanbal ee gobolka Galgaduud kuwaasi oo la sheegay inay fariisimo ka sameynteen qeybo ka mid ah deegaankaasi, hase ahaatee xalay la tilmaamay in ciidamdaasi ay dib ugu noqdeen deegaanadii ay markii hore ka yimadeen.

About these ads

One Response to “War Deg Deg ah: Saraakiil Ethiopian-ah oo hub iyo raasaas ku wareejiyay Ahlu Sunna”

  1. bakar xashi(qanciye) Says:

    walaalha muslimiinta waxaan uga digayaa inay iska ilaaliyaaan wararka aan xaqiiqada waafaqsanayn siiba qorayaasha websedyada waayo hadal waliba oo aad kuqowshaan ama aad qortaan waa la idin kula xisaabtamayaa maailin aadnaa cidna ka dhuman karin ayaa idin sugee marka inta goori goor tahay waxaan idin leeyahay hala xisaabtamo oo alaah halagabaqo cidii dalka diinta iyo dadka wax uqabataana taarikhda ayaa qoraa ciddii wax kadhibtana sidoo kale maaalin malmaha kamid ahna waa lalaxisaabtami
    mahadsanidiin

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 31 other followers

%d bloggers like this: