War Deg Deg ah: IGAD oo sheegatey in Barlamanka xili kordhin loo sameeyo markii la gaaro bisha 8-dedaad ee sanadkaan, iyo Wakiilka Xoghaya Guud oo sheegay in shir lagu qaban doono Nairobi

Urur Gobolkeedka IGAD, ayaa go’aano ay kasoo saareen shir ay xalay ku yeesheen magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiy, waxay ku xuseen in marka uu dhammaado xilliga dowladda Soomaaliya oo dhammaanaya bisha Ogoosto ee sannadkan 2001, muddada loo kordhiyo baarlamaanka Soomaaliya iyo in aan la kordhin marnaba Wakhtiga Madaxweynaha iyo Xukuumadiisa ayna ugu egtahay Aug/2011. Madaxweyne Sheikh Shariifna isa soo sharixi karo mar kaleSoomaliya ayaa IGAD kulanka soo jeedisey in xili kordhin loo sameeyo Baarlamaankeda marka waqtiga ku meel gaarklu uu dhamaado sanadkaan bishiisa sideedaad, Waxay kaloo sheegtey in aan waqtiga loo kordhin karin Madaxweynha iyo Xukuumada waxaan kulankasi IGAD kala soo qeyb galey Qaramada miidoobey iyo dowladaha daneya arimaha soomaliya.
Sidoo waxaa ay shegaan in beesha Calamka loga bahanyahey in ay taagero dhaqaale u fidiyaan dowlada Soomaliya inta xiligeeda laga gaarayo ee ay ka noqoneyso mid ka baxda ku meel gaar taan ay horsed ka noqoto qaramada midoobey.

Dhankakale waxaa kulankasi ka hadley Wakiilka Xoghaya guud Agoustino Mahigaha oo kulanka ka shegay in aan waqti danbe u harain dowlada lana qaban qabin doono kulan xiliyad soo adan kaas oo ay ka soo qeyb galayaan dowlada iyo ururada aan dowliga aheyn iyo siyaasiin kale oo soomaliyeed kaasna looga hadli doono mustaqbalka Soomaliya.

Ugu danbeyntiina waxa warkiisa uu ahaa mid u eg sidii ninka iska leh Go’aan ka gaarida arimaha Soomaliya xiliga ay kulamayan iyo waliba awaxa ay dhisayaan Soomaalidu sida uu u hadley sarkaalkaan reer Tanzania.

Waxaan arintaa ay u egtahey mid ay wataan IGAD iyo Qaramada midoobey oo la doonayo in balxigaan si kale hadan loo dhigo dowlada islamarkasna la soo ordhiyo ciidamad shisheeye oo halkaasi ay uga sii socoto mashariicda aan dhamaadka laheyn ee soomaaliya lagu tirtirayo siyasad ahaan iyo dad ahaanba iyo xitaa dhulahanba.

Warar kale oo sheegaya Madaweyne Sheikh Shariif oo hadalo kulkulul is weydaarsadeen MALEZ:
Madaxda IGAD ayaa Madaxweyne Shariif kula taliyay inuu kursiga Madaxweynenimada iskaga dego ka hor bisha March laakiin taasi waxay sababtay inuu Shariif iskaga baxo kulanka.

Madaxweynaha Jibouti Ismaciil Cumar Geelle ayaa ka daba tegay oo kulanka IGAD ku celshay sida ay Waajidpress u sheegeen qaar ka mida wafuuda la socota Madaxweyne Shariif.

Markii kulanka lagu celshay Shariifka ayuu miiska saaray qorshe uu ku sheegay inuu ku kala diray baarlamaanka federalka Somalia ee tirada badan,wuxuuna IGAD ka codsaday in lagu gacan siiyo sidii tiro kooban looga dhigi lahaa golaha baarlamaanka.

Madaxda Ethiopia iyo Uganda ayaa Shariifka ula hadlay si kulul,waxayna meesha ka saareen damaca la xiriira in baarlamaanka tirada badan la yareeyo.

” Ma ahan xilli munaasiba,waxaan kuugu baaqeeynaa inaad joojisid waxyaabaha abuuri kara khilaaf dhexdiina ah,waxaan kugula talineynaa inaad 24 saac gudahood uga laabatid go’aankii baarlamaanka aad ku kala dirtay hadii kale waxaad nala tahay nin ka shaqeeynayo carqalad iyo dhibaato horleh oo beesha Caalamka xalin karin”ayuu Ra’isulwasarre Melles Zenawi ku yiri Madaxweyne Shariif.

Shariifka ayaa Melles Zenawi ugu jawaabay waan kaaga baxay shirka,xaqna uma lahid inaad sidaas khalafsan iigu meerisid xalka dalkeyga Somalia.

Madaxweyne Shariif ayaa iskaga baxay shirkii IGAD mar labaad,hadana waxaa ka daba tegay Madaxweyne Geelle oo ku guuleeystay inuu ku celsho wada hadalada.

Si kastaba ha ahaatee,Madaxweynaha Uganda ayaa arrinka si weyn u fara geliyay,wuxuuna ku cadaadiyay Shariifka inuu ka laabto go;aankiisa kala derista baarlamaanka,taasina waa aqbalay Shariif Axmed sida laga shaaciyay Madaxtooyadda Villa Somalia.

Kulan qarsoodiya ayaa Magaaladda Nairobi ku dhexmaray Gudoomiyaha baarlamaanka oo todobaad ka hor tegay Addis Ababa iyo Cali Maxamed Geeddi,waxaana muuqato inay socdaan qorshooyin loogu caleema saaraa hogaaminta Somalia Shariif Xasan ama Cali Geedi..

About these ads

3 Responses to “War Deg Deg ah: IGAD oo sheegatey in Barlamanka xili kordhin loo sameeyo markii la gaaro bisha 8-dedaad ee sanadkaan, iyo Wakiilka Xoghaya Guud oo sheegay in shir lagu qaban doono Nairobi”

  1. jj Says:

    XALKA SOMALIA KUMA JIRO IN IGAD AY HAD IYO JEER U SOO MAGACAWDO TUUGO AY KU ADEEGSATO AYNA TIRAAHDO WAA BAARLAMAAN, DAWLAD IYO MADAXWEYNE.

    XALKA WUXUU KA IMAAN KARAA SHACABKA OO AY GACMAHOODA UGU TAKHALLUSAAN 550 IYO LABA SHARIIF, IYO DAWLAD KU SHEEGTA TFG IYO DHAMAAN INTII KA SOO QEYB QAADATEY BUR BURKII SOMALIA LAGA SOO BILAABO 1990.

    HADDII TAASII AYSAN SHACABKA SAMEEYNIN, WALLEE WAXEY QAADI DOONAAN WADDADII AY MARTEY FALASTIIN IYO CIRAAQ, WAXEYNA BUR BURKA KU JIRI DOONAAN MUDDO AAD IYO AAD U BADAN.

  2. MM Says:

    Well done Sheikh Shariif sidaas ayaa lagaa raba in aad iskaga dhicisid gaalka madow ee Zenawi iyo kuwa kale ee meesha lagu soo dhoobdhoobay. Waa in aad u sheegtaa in Soomaaliya ay Soomaalida ay leeyihiin hadii ay rabaan burcad badeed ama qowleysato ha ku noqdaan wadankooda. Shariif sakiin iyo geedina taageero ma haystaan, weligooda madaxweyne ma noqonayaan way is daalinayaan.

  3. IGAD oo sheegatey in Barlamanka xili kordhin loo sameeyo markii la gaaro bisha 8-dedaad ee sanadkaan, iyo Wakiilka Xoghaya Guud oo sheegay in shir lagu qaban doono Nairobi « welcome to Jamaamepress. Says:

    [...] 8-dedaad ee sanadkaan, iyo Wakiilka Xoghaya Guud oo sheegay in shir lagu qaban doono Nairobi URL : http://waajid.wordpress.com/2011/01/31/war-deg-deg-ah-igad-oo-sheegatey-in-barlamanka-xili-kordhin-l… Posted : January 31, 2011 at 8:00 pm Author : waajid Categories : [...]

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s


Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 31 other followers

%d bloggers like this: