06-03-1971-di Maxamed Siyaad Barre wuxuu heshiis dhan walba ah la galey dowladii Shuuciga aabaheed aheyd ee soofiyeedka “Soviat” Ruushka.
06-03-1971-di Waxaa Maxamed Siyaad Barre xabsiga uu u taxaabey koox ay ka mid ahaayeen:-
(1) Jen: Maxamed Ceynaanshe Guuleed (Isaaq)
(2) G/sare: Salaad Gabayare Kediye (Abgaal)
(3) G/sare: C/risaaq Dheel Cabdulle (Majeerteen)
Waxaana lagu eedeeyey in ay inqilaab abaabuleen sidey u dhan yihiin, waxaana lagu xukumey dil toogasho ah, waxeyna noqdeen kuwii ugu horeeyey ee dil toogasho ah lagu xukumo, waxey kaloo ahaayeen kuwii xukunka Siyaad Barre si ku meel gaar ah ugu dhiibey, ka dibna ayaga ayuu ku bilaabey dilka si uu u helo dad ka cabsada oo u hogaansama maamulkiisa, sedexdana wey yaqaaneen asagana waa uu ka baqaayey in mar un ay xukunka kaga takhalusayaan.
Dilka sedexdaas waxey u noqotey in nin walboo hami u lahaa xukunkiisa uu candhuufta dib u laqo, waxaana isla markii bilaabatey cabsi oo aan horey u jirin, nin walba naftiisa ayuu raadiyey siduu u bad-baadsan lahaa.
Ogosto 1971-di Waxaa golihii sare soo saarey qaraar dowlada awood buuxda u siinayo in ay iibsato wixii masago ama geley ah oo beeraha dalka ka soo go’a, ayadoo taa macnaheedu ahaa in si bilaash ah loogu quudiyo qowmiyadooda waa Mahaatiriye, dadka tacabka beeraha ku dhimanaayana ay yihiin qowmiyadda DigilMirifle.
Waxaa kaloo halkaasi ka muuqatey in loo horseedayey in aysan shaqeysan oo fadhigooda lagu quudiyo, hadaad u fiirsatana qof Mahaatiri ah ma rabin in uu is dhibo oo uu wax soo saarto, wuxuuse rabey, rabaana in uu ina adeerow ku noolaado, waana loo yeeley maxaa jira qof ayaa loo dhacaayey, looguna geyn jirey guryahooda, halka kuwa beeraha qodayana ay ka muuqato dhib iyo rafaad, sida caadada ay tahayna waxaa la rabey in beeraleyga lagu dhiiro gelyo hawshan muhiimka ah uu u qabanaayo dalka, iyo siduu kor ugu qaadi lahaa wax soo saarkiisa, halkii ay ka sugaayeen in lagu dhiira geliyo, waxaa loogu bedeley dhac la dhacaayo hantidoodii yareyd, waxaana la wada ogsoon yahay ilaa iyo hadda oo aan dowlad jirin in la dhacohoyo, lana ogsoon yahay yer iyo weynba in beerihii qowmiyadda DigilMirifle lagu heysto xoog iyo qori caaradiis.
Ogosto 1971-di Waxaa la soo saarey qeynuun oronaaya qofkii wax qarsada oo loo wado beeraleyda, ama leexsada wuxuu mudanayaa ciqaab xarig ah iyo ganaax “lacag” laga qaadayo, sidaa darteed dadkii ayagoo arintaa ka careysan ayaa waxey beerihii ku beereen qudaar iyo digir, sida qaraarku uu sheegayana waxey aheyd in dowladdu ay la wareegeyso oo keliya geley iyo masago.
In loo dan lahaa qowmiyadda DigilMirifle waxaa kuu daliil noqonaya, ma jirtaa meel aan dhul DigilMirifle aheyn oo ka baxaan Mesego iyo Geley.
Maxamed Siyaad Barre waxa uun ku raad taagnaa kuwii hore waa Leego’e, hadana wax walba ha isaga soo hor jeedaane waxa ay ka wada mideysnaayeen curyaaminta qowmiyadda DigilMirifle.
Jan 1972-di Jen: Xuseen Kulmiye Afrax oo khudbad ka jeediyey furitaankii shir sanadeedkii taliyeyaasha guutooyinka iyo hor joogeyeyaasha horimaha, waxa uu khudbadiisii ku amaaney Hanti wadaaga, waxa uuna hadalkiisii ku darey ereyo kaftan ah, oo uu ku yiri qofkii ka hor yimaada wadada kacaanka yaxaas ayaa cunaya.
Waxaa la yiri libaax baa dawoco ku yiri “dawacoy maxaa qeybinta ku barey” markaas bey tiri waxaa qeybinta i barey isha durwaa oo banaanka taal, hadalkan waxaan ooga dan leeyahay Xuseen kulmiye hadalkiisii kama aheyn mid uu daacad nimo ka keentaye, waxaa ka keeney toogashadii lagu xukumey ragii sar-sare ee muhiimka ahaa “Ceynaanshe, Salaad Gaba-yare, iyo Dheel” IWM.
Isla Jan 1972-di Waxaa la qaadey olole ballaaran oo lagu hir gelinaayo Hanti wadaaga, waxaana la ballaariyey maamulkii dowladda iyo awooda wazaaradaha, iyo ciidanka nabad sugidda.
Abriil 1972-di Waxaa la soo saarey qeynuun nambarkiisu ahaa “38”, oo ahaa mid awood buuxda siinayo si ay gacan ugu yeeshaan, ama ugu yeelan karaan maamulka arimaha garsoorka.
Waxaana la furey maxkamad sare oo loogu magac darey “Maxkamadda Garsoorka Ee Madaxtooyada Golaha Sare ee Kacaanka” ula jeedaduna ay aheyd si aan sharci u qaban dadka maamulka hayey, sababtoo ah mid aan wax xadi jirin ma laheyn, hadii dacwad lagu soo oogo mid ayaga ka mid ahna waxaa la wareegi jirey maxkamaddan been abuurka aheyd ee loo sameeyey difaac maamulka sare dhexdooda ah, si loo yiraahdo qofkan xaalkiisa waa uu fog yahay, arintiisana waxey gaartey golaha sare.
Isla Sanadkii 1972-di Waxaa la sameeyey wax la yiraahdo Af-Soomaali, sababtoo ah waxaa wadanka ka jirey laba luqadood oo ay kala ahaayeen MAY iyo MAHAATIRI, xitaa dadku waxey u kala qeybsanaayeen May iyo Mahaatiri, Siyaad Barre-na waxa uu la yimid in uu yiraahdo waxaan sameynayaa af-Soomaali, taa waa hadal fiican hadii uu Soomaalida u sameynaayo hal luqad oo Central “dhex-dhexaad” ah.
Waxaana lama huraan aheyd in uu u diro dad soo ururiya xogta ka jirta magaalo walba ama qolo walba, oo aan ka wado luqadaha looga hadlo wadanka, ka dibna ay sameeyaan wax dadku ay isku fahmaan, lamana sameyn taa ee waxaa si khasab ah qowmiyadihii kale ee aan u dhalan Mahaatiri lagu khasbey in ay bartaan, islamarkaana waxaa hoosta laga wadey in la baabi’iyo luqadihii iskuulaadka lagu qaadan jirey sida Carabiga, Ingriiska, Teliyaaniga, waxaa kaloo si rasmi ah loo dar-dar geliyey in qofkii aan Mahaatiri ku hadlin khasab looga dhigo in uu ku hadlo, hadii uusan ku hadlinna uu noqdo mid aan wadanka xuquuq ku laheyn.
Raadiyo Moqdhisho waxa uu ku baxaayey labada luqadood ee Soomaaliya ugu weyn ee kala ah Maay iyo Mahaatiri, ka hor xukunkii meleteriga, talaabooyinkii ugu horeysey ee uu qaado Maxamed Siyaad Barre ayaa waxaa ka mid ahaa in uu Radio Mogadisho ka joojiyo luqadda Maayga, tan xigteyna waxey aheyd in qowmiyadda DigilMirifle ay wada bartaan afka- Mahaatiriga, waxaa kaloo taas hoos socdey in qofkaan Mahaatiri ku hadlin aan shaqo la siinin, iyo weliba waxaa qorshahooda ku jirey in cadaadis laga saaro xafiisyada dowladda hadii ay wax ooga soo baahdaan, laguna oran jirey waryaa kaagaas Af-Soomaali ku hadal ama ka bax xafiiska, intaan hadaladan la isla gaarina waxaa ka horeeyey, in qof DigilMirifle u dhashey uusan xafiis dowladeed kabihiisa la soo galin jirin, sababtoo ah waxaa lagu oran jirey kabahaaga hala soo gelin xafiiska, kaan Af-Mahaatiri ku hadli karinna xaqiisii ma uusan doonan karin, hadii la dhacaayana ma uusan dacwoon karin, hadaba waxaa xaqiiqo ah gumeysigii wadanka gumeysan jirey waxaa sedex jeer ka xumaa kii Mahaatiri ay ku hayeen qowmiyadda DigilMirifle.
Qore:isaak Eeding Hassing (Isaak Doolow)
isakdoolow@yahoo.com